Home » Warar »

In ka badan 70 qaxooti maxaabiis ku ahayd Mombasa oo laga qaaday iyadoo lagu xarayn doono xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Magaalada Mombasa ayaa waxaa Khamiistii laga qaaday ku dhawaad 75 qof oo maxabiis Soomaali ahayd kuwaasi oo ku xirnaa xabsiga Bartamaha mombasa ka dib markii ay maxkamada Mombasa xukun ku riday.

Qaxootigaan Soomaalida ah ee laga qaaday Mombasa oo in dhawaale ku dhibaabaystaa xabsiga ayaa waxaa sii dayntooda gacan ka gaystay Gudiga Hormarinta Soomaalida Mombasa, Safiirka Dowlada KMG ah ee kenya u fadhiya Mohamed Ali Nuur America.

Abaarihii 8:00 Subaxnimo ee maalintii Khamiista ahayd ayaa waxaa howsha qaadistu ay ka ka bilaabtay Saldhiga Bartamaha (Central Police Station) iyadoo lala kaashaday Nin Gar yaqaan ah oo u gudbiyay waaxda Socdalka Kenya iyo Haayada UNHCR magacayada dadka la qaadayay dhamaan iyadoo markii la soo ogolaaday loogudbiyay warqada ogonlaasha Taliska ciidmada Gobolka xeebta oo u diyaariyay gaari wayn oo kuwa xamuulka ah oo teendhu korka looga daday iyo qaar ka mid ah ciidamdaa Policeka kenya si ay u sii gudbiyaan dadkan inta laga gaynayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab si halkasi looga diiwaan galiyayo.

Dadkaan oo markii hore ka badnaa 300 qof qof ayaa 180 ka mid ah Bishii November waxaa loo tarxiilay Soomaaliya iyadoo ay taasi kentay in ay Gudiga Jaaliyada Soomaalida Mombasa ay dhinaca sharciga iyagoo adeegsanaya laga hor tagay in aan inta kale ee soo hartay loo qaadin Soomaaliya oo ay dagaalo ka socdaaan

Bishii December dhamaadkeedii ayaa waxaa ay Maxkamada sare ee kenya ogolaatay in dadka ku jira xabsiyada Mombasa xeryaha qaxootiga loo qaado halkaasna laga diiwaan galiyo iyada oo ay 152 qof loo qaaday markaasi xerada Kakuma ,waxaana xigtay dadka khamiistii 17/ 02/2011 loo qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Qabqabashada dadkaan ayaa markii hore waxay timid xili ay ku sii jeedeen wadanka Koonfur Afrika oo ay baryahaan dadka u tahriibaya Marin ka dhigteen Mombasa iyadoo ay arbacadiina la shaaciyay geeriada 51 qof oo tarhiibayaal ahaa oo ka tagay markii hore Mombasa xili ay marayeen xeebaha wadanka Musanbiik

Safiirka Soomaaliya u fadhiya kenya Mohamed Ali Noor ayaa waxaa uu xabsiga kula kulmay ka hor inta aan dadka la qaadin isagoo la dardaaray isla markaasna ku dhiiri galiyay qaab wanaagsan ay kenya ku joogaan isla markaasna ay is diiwan galiyaan , waxaana uu dhinaca kale wacad ku maray in ay tilaabo ka qaadi doonaan dadka wax tahriibiya.

Xildhibaan Yaasin Abdi Seed oo ka mid ah xildhibanada DKMG ah ee Soomaaliya oo isaguna ku sugnaa halkasi ayaa waxaa nasiib daro ku tilmamay in ay dhalinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda wali ka soo qaxayaan 20 sano ka dib iyadoo ayna bada iyo xabsiyada ku dhamaanayaan isagoona sheegay in ay dowlada Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii dhibka dalka looga saari lahaa marka hore isla markasna Nabad lagu soo celiyo .

SomaliTalk Mombasa

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.