Home » Warar »

Urur Wadani ah iyo Qurba joogta soomaaliyeed oo mashaariic waxbarasho ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolada Banadir iyo Bay

Somali People Displacement and Development Organization oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (SOPDDO) oo kaashanaya qaar ka mid ah qurba joogta soomaaliyeed ayaa hawlo mashaariic waxbarasho ah ka fuliyey Gobolada Banaadir iyo Bay, ururkaan ayaa goboka ayaa iskulaad gaaraya saddex ka furay Degmada Madiina, waxayna ardaydu ku bartaan lacag la’aan sidoo kale urukaan ayaa goobo waxbarasho ka furay magaalada Bayadhabo waxayna gaaryaaan ilaa iyo labo iskuul.

Guddoomiyaha Ururkan wadaniga ah Kamaal Xaamid Axmed ayaa sheegay in degmada Madiina ka hirgeliyeen waxbarasho bilaash ah oo isugu jirta dugsiga Hoose iyo dhexe, waxaana hadda ka faa’iideysanaya arday fara badan oo iyagu daruufta wadanka ka jirta awgeed aysan u suuragelin in ay iska bixiyaan iskuulaadka lacagta ah, sidoo kale Kamaal ayaa sheegay in iskuulaad dhowr ah iyana ay ka fureen Magaalada Baydhabo oo sidaas oo kale waxbarasho lacag la’aan ah ay ka helaan dadka deegaankaasi.

Kamaal Xaamid Axmed ayaa sheegay in furista waxbarashadaani ay ka dmabeysay kadib markii ay arkeen carruur fara badan oo Soomaaliyeed oo iyagu aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka ay wax ku baran lahaayeen isla markaana banaanyada jooga waxbarasho la’aan, guddoomiyaha ayaa sheegay in mashaariicdaan waxbarasho ay gacan weyn ka gaysteen Qurba joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay si weyn isugu xilqaameen sidii waxbarasho dugsiyada hoose iyo dhexe loogu heli lahaa carruurta barakacayaasha ah ee soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ururkoodu uu qorsheynayo in uu sii balaariyo mashaariicdaan ku aadan waxbarashada bilaashka ah ee loo fidinayo da’yarta Soomaaliyeed ee soo koreysa.

Mashaariicda noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan si weyn uga faa’iideysta dadka tabarta yar ee aan carruurtooda u heli Karin qarashaadka ah ay uga bixinayaan waxbarashada kadib markii ay la soo gudboonaadeen duruufo badan oo isugu jira barakac iyo macluul, waxaana iskuulaadka bixinaya waxbarashada bilaashka ah ee ururka SOPDDO hirgelinayo si weyn u taageeraya hay’adda UNICEF iyo Qurba joogta Soomaaliyeed sida uu sheegay Madaxa Waxbarashada Ururka SOPDDO Xuseen Xasan Ganeeys oo tilmaamay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka gaysaneysa wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan horumarinta dhanka waxbarashada dadka soo barakacay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.