Home » Warar »

Hay’adaha Tadamun iyo Daryeelka Bulshada oo deeq raashin iyo biyo gaarsiiyey dadkii ku wax yeeleebey abaaraha ee gobolada puntland

Labada hay’adood ee  Daryeelka Bulshada iyo Tadamun ayaa deeq isugu jirta raashin iyo biyo waxay gaarsiiyeen dadweyne ku waxyeeloobay abaaro ka dhacay gobolada Puntland…. Labada warbixin hoos ka akhri….

Hay’ada Daryeelka Bulshada Ee Puntland oo Gaarsiisey deeq dag dag ah Qaar ka Mid Ah Gobolada Puntland

Hay’ada daryeelka bulshada ee puntland ayaa gaarsiiyey deeq ka kooban biyo iyo raashin dadka ku nool gobolada kala ah gobolka sanaag iyo gobolka karkaar.

Deeqdaas ayaa wexeey aheeyd mid aad wax u tartey dadka ku noo goboladaas,ayadoo la wada agsoonyahay sameenta xooga leh aay abaartu ku yeelatey dadka ku nool goboladaas.

Hay’adu wexeey mudnaanta koowaad siisey in aay gaarsiiso biyo dadka la il daran abaarta aadka u daran ee ka jira degaamadaas.

Deeqdaas raashin iyo biyo ayaa waxaa maalgalinaayey hay’ad kuweeyti ah oo ka jirta dalka kuweeyt,hay’adaas ayaa magaceeda la yiraahdaa “African relief committee”.

Hay’ada daryeelka bulshada waa hay’ada ka jirta gobolada puntlad_somalia,waxaa la aasasey sanadkii 2009.

Hay’adu wexeey mudnaanta koowaad siisaa agoonta,curyaamada,dadka xagga dhimirka daryeel uga baahan iyo hoowlo kalle oo aadami nimo.

Abdul fitah Nur Ahmed ( Ashkir)

Hay’ada Wadaniga ah ee Tadamun oo u Qeeybisey deeq raashin iyo biyo dadkii ku wax yeeleebey abaaraha ee gobolada puntland


Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa qeeybisey deeq raashin iyo biyo iskugu jirta,deeqdaas oo la gaarsiiyey dad aad u fara badnaa.dadkaas oo ahaa kuwii ku wax yeeloobey abaarihii dhawaan ka dhacay dhulka soomaliya oo dhan.deeq qeeybitaas ayaa socotey intii u dhaxeeysey 27_31 bishii January .

Gurmadkaas dag dag ah ayaa la gaarsiiyey magaalooyinka kalla ah kobdhaxaad, iyo ,kala beeyr iyo meelo kale oo ku kala yaala labada gobol ee kala ah bari iyo sanaag.

Deeqdaas ayaa aheed deeq ka kooban biyo iyo bariis iyo saliida cuntada lagu darsado,raashin qeeybintaas ayaa aheed mid aay ku farxeen dadkii masaakiinta ahaa ee ku sugnaa goboladaas.

Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa had iyo waxaa looga bartey in aay qeeybiso deeqahaas oo kalle. Inkastoo markaan aay aheed mid aad loogu farxay hadii loo eego xiliga aay ku beegantey

Waxaa sidoo kalle hay’ada ka qeeybisey magaalada boosaaso harqaamo dharka lagu tolo harqaamahaas oo la siiyrey dumar aad u fara badan oo gaaraya 50 dumar ah.

Hay;ada wadaniga ah ee tadamun waa hay’ad wadani ah oo ka shaqeeysa gobolada puntland hay’adaas oo la aasasey sanadku markuu ahaa 1992,wexeey ku hoowlan tahay ka shaqeeynta waxbarashada iyo caafimaadka iyo gurmadka dag daga ah iyo sidoo kalle ka shaqeeynta hoowlo aadami nimo oo kalle.

Ashkir nuur ahmed

….

Smart Vision Consultancy Firm (READ HERE)


Smart Vision Consultancy Firm (READ HERE)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.