Home » Warar »

Itoobiya oo ku guuldareysatey in ay Xaliso khilaaf soo gala dhexgaley Ahlu-Sunna

iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga hor istaagey in ay Gaaraan Gobolada Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu sii xoogeystey Khilaaf maalmahaan u dhaxeeyey Ahlu-Sunna wuxuu khilaafkaas bilowdey markii ay damceen in Gobolka ay tagaan Xubnihii ugu biirey Dowladda Federaalka ee Ahlu Sunna waxaana lagu waramey in qaar ka amid ah saraakisha Sar sare ee Ciidamada Ahlu Suunna  ay arrinkaa ay diideen iyagoo sheegey in Dowladda Federaalka aysan wax ka fulin Heshiskii kal hore ku dhexmarey Magaalada Adis –Ababa iyaga iyo Dowladda Federaalka

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Shakuur Macalin Xasan ayaa ka mid dadka la sheegey in laga hor istaagey Tegista Qaybaha Ahlu –Sunna ka talisa Gobolka Galguduud hase yeeshee Gudoomiya Gudiga Fulinta ee Ahlu Suuna Maxa,ed Yuusuf Xeefow ayaa warbaahinta u sheegey in Masuulinta Dowlada Federaalka ay imaan karaan Gobolka si ay wax uga qabqaataan Dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab hase yeshee qaar ka mid Saraakiisha ayaa lagu waramey in ay ciidamadoodii kala soo baxeen Jiidda Hore ee Dagaalka

Khilaafka u dhaxeeya Ahlu Suunna ayaa waxaa lagu waramey in ay soo kala dhex gashey Dowladda Itoobiya iyadoo kulan ka dhacay Gudaha Itoobiya la sheegey in lagu kala dareerey ka dib markii la isku mari waayey waxyaabo fara badan oo ay soo jeediyeen Saraakiisha oo ay ugu horeeyaan in aan Ciidamadooda la siinin wax Mushaarooyin ah isla markaan aan loo dayactirin qaar ka mid ah Teknikada ay haystaan Ahlu Suunna iyadoo la sheegey n saraakiishaas a dib ugu laabteen deegaanadoodii

Gudoomiyaha Gudiiga Fulinta ayaa waxaa uu seegey in maalmaha soo socda Deegaanadooda ay soo gaari doonaan Masuuliyiinta Dowladda federaalka isagoo sheegey in Saraakiisha looga baahnaa in marka wafdiga Dowladda uu soo gaaro Deegaanada Ahlu Suunna looga baahnaa in ay Cabshadooda Hordhigaan isagpoo sheegey in Dowladda ay hore ugu gudbiyeeb Cabashadooda

Ciidamada Ahli Suna  ayaa markii hore waxay ahaayeen Ciidamo laga soo uruuriyey Beelaha waxayna khilaafkaan uu ku soo beegmey Xilli ay weli socdaan Dagaalada u dhaxeeya  Ahlu Suuna iyo Xarakadda Alshabaab taasi waxay keentey in Ciidamada ay soo baneeyaan aag ku aadan dhinaca Guriceel warar kale ayaa sheegaya In Saraakiil ka tirsan Itoobiya maalmaha soo socda ay soo gaaraan Deegaanada Ahlu Suuna si ay u sii ambaqaadaan Xalinta Khilaafka soo kala Dhexgaley Ahlu Suunna  hase yeeshee Masuuliyiinta ugu sareeysa Dowlada ayaa u caalwaayey Ciidamada Ahlu Suunna in ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka hese yeeshee in ay gooni u istaagaan ayaa qaar ka mid  Masuuliyiinta Dowlada waxay qabaan in ay ka dambeeyaan Qaar ka mid ah Dowladdo shisheeye iyadoo markii uu heshiiska dhexmarayey iyaga iyo Dowladda federaalka uu khilaaf ka dhex abuurey xubnaha hogaamiya Ahlu Sunna iyadoo kal hore  meel fagaare ugu sheegey Gudoomiyaha Ahlu Sunna in uu burburey heshiiskii iyaga iyo Dowladda Federaalka balse waxaa markii dambe laga gaarey xal

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

URURKA BENALPA OO ADEEG CAAFIMAAD U FIDIYAY XOOLO DHAQATADA U SOO BARAKACAY MUQDISHO

Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) ayaa soo gabagabeeyay howlgal baaritaan, daaweyn iyo dawo qeybin ah oo ay u sameeyeen Xoolaha u soo barakacay magaalada Muqdisho ee ka yimid gobolada dalka ee abaaruhu ku dhufteen kaasoo socday Bisha Janaayo 2011.

Kooxaha dhaqaatiirta xoolaha ee ururka BENALPA ayaa adeeg caafimaad u fidiyay xoolo gaaraya 1220 neef oo isugu jira Lo, Ari, Geel iyo Dameero la ildarnaa cudurro kala duwan oo isugu jira; Gosha, Caalka, candhada, Gooryaanka iyo cudurro kale.

Howlgalka caafimaad wuxuu ka danbeeyay sahan uu sameeyay ururka BENALPA oo ka dhacay gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle kaasoo loogu kuurgalayay xaalada abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay dadka iyo xoolaha. Laguna soo ogaaday xaaladda dhabta ah ee xoolaha abaareysani ku sugan yihiin.

Ururka BENALPA ayaa adeeggan caafimaad ugu deeqay xoolo dhaqatada la soo barakacay xoolahooda ee ku sugan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) Drs. Nurta Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii howlgalka caafimaad oo lagu soo gunaanaday Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka sheegtay inuu ururkooda u fidiyay adeega caafimaad xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee xaaladoodu ayna ka dhamaadeen xoolihii ay ku tiirsanayeen, intii yareyd ee u hartayna ay isugu darsameen baad la’aan iyo cudduro.

Waxay intaasi ku dartay in aysan jirin hay’ad ka kaalmeysay arrintan balse ay ku tabaruceen ururkooda BENALPA oo dhexdooda iska soo ururiyay lacago ay ku soo iibiyeen daawooyinka xoolaha, sidoo kalena ay dhaqaatiirta ururka fuliyeen daraasadda iyo daweynta xoolaha.

Drs. Nurta waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka, Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Soomaalida TFg-da iyo Soomaalida dibadda ku nool inay taageero u fidiyaan dadka soo barakacay ee iyaga xoolahooda abaartu saameysay oo ay sheegtay inay xaalad aad u adag ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Xoolaha Banaadir Drs. Nurta Sheekh Maxamuud waxay sheegtay inay tahay arrin cusub oo weli dhicin barakac ay magaalada Muqdisho u soo barakacaan xoolo, halkii ay dadka u soo barakici jireen magaalada, xoolaha abaarsaday ayay sheegtay inay ugu daran tahay Lo’ada oo aad ugu nugul abaarta.

“Dadka aan halkan ku aragnay iyo xoolahooda waa dad aad u liita oo dhinac waliba u baahan in laga taageero, waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, Hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax qaban karta inay dadkan dhibaateysan taageero u fidiso” ayay cod dheer ku tiri Drs. Nurta Sheekh Maxamuud oo ka deyrisay xaaladda dadka abaartu saameysay oo ay sheegtay iyaga iyo inta xoolahooda ka hartay baabi’i doonaan haddaan degdeg wax looga qaban. Allena raxmadiisa ugu deeqin umadda abaarsatay.

BENALPA waa urur ay leeyihiin xirfadleyda dhaqaatiirta Xoolaha ee Banaadir oo la aasaasay 2002-dii; waxayna xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho wuxuuna u taagan yahay horumarinta wax soosaarka iyo caafimaadka xoolaha Soomaalida.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.