Home » Faallo, Warar »

HeshiiSKA Saddex Aflaha ahaa ee Dhexmaray TFG iyo Shirkadda SKA

Boqolkiiba 70% dakhliga garoonka Muqdisho waxaa leh shirkadda SKA, halka 30% ay leedahay DFKMG, sidaas waxaa cadaynaya heshiiska SKA iyo DFKMG ee 2010…

Ismail  D. Osman

Waxaa dadweynow layaab leh in Maareeye uu heshiis lageli karo shirkad isagoo matalayo Dowlad.

Haddii aan idiin soo koobo heshiiSKA SKA iyo TFG waxa uu u dhacay sida hoos ku qoran.

1  Markii ugu horaysay waxaa shirkada SKA la saxiixday heshiis asagoo matalaya dowlada Somalia Mr Mohamoud Shiikh Ali oo ah Maareeyaha Saadaasha Hawada (Air aviation) ee DFKM ah ee garoonka Aden Cadde ee Muqdisho kumana cadda jagadiisa heshiiska SKA waxeyna kala saxiixdeen asaga iyo Shirkada taariikhdu markay ahayd 28 June 2010 .

2.  Taariikhdu markay ahayd 5/8/2010 waxaa isana qoray Qoraal rasmi ah Raiisul Wasaarihii hore ee DFKM ah warqad sumadeeda tahay XRW/0000.225/08/10 oo uu ku cadeynayo in heshiiskaasi kor ku xusan uu yahay heshiis sax ah oo ay dowladu la socoto lagana hirgeliyay magaalada Dubai oo laga sharciyeeyay qunsuliyada Guud ee Dowladda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta  Dubai, heshiiskuna uu saameynayo dekada Xamar iyo Gegida Dayuuradaha ee Muqdisho

3. Taariikhdu marki ay ahayd 28/8/2010 waxaa wuxuu qoray Raiisul Wasaarihi hore warqad ay sumadeeda tahay XRW/0000.312/08/10 oo uu ku tilmaamayo in warqadi hore ay ku jirto khalad oo aynan heshiiSKAni ka mid ahayn Dekada balse ay ku eg tahay oo qura Garoonka dayaaradaha ee Aden Cadde ee Muqdisho..

4. Waxaa isana qoraal rasmi ah sameeyey warqad taariikhdeedu ay ahayd 9/10/2010 Wasiirkii hore ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo uu ku tilmaamayo in Shirkada SKA in ay si khaldan u soo martay qaabka ay kula wareegayso Dekada Xamar loona baahan yahay in “Legal channels” ay soo marto.


Halkan ka akhri Heshiiska iyo Waraaqahii Cumar C/rashiid

5. waxaa isagana taariikhdu marki ay ahayd 12/10/2010  warqad ku socoto “General Solicitor”  u qoray Wasiirka Maaliyada ee Dowlada Federaalka KMG ah Mudane Xalane taas oo uu ku tilmaamayo dhowr arimood oo aan heshiiSKAni lagu aqbali karin dhinaca Dowlada arimahaas oo kala ah:

a)      In Marka horeba dekada aynan ku jirin

b)      In Dowladdan ay gasho heshiis noocan oo kale ah iyadoo ayan u haysan awood bacdamaa xilligeedii uu ka harsan yahay hal sanno

c)      In heshiiSKAni uunan soo marin wadooyinkiisi saxda ahaa oo ah in mar haore la soo mariyo Golaha wasiirada iyo golaha barlamaankaba markii ay ka soo doodaan islamarkaana ay wax ku daraan ama ka dhimaan soona asixiyaan la meel mariyo heshiiSKA. Sidaa darted ayan marna suurtagal ahayn in heshiis heer caalmi ah (international ah) ay isku koobto koox yar islamarkaana aan si hufan (transparent) ahayn aan looga shaqeyn ay adag tahay in la dhaqan geliyo.

d)      Qeybta ku saabsan dhaqaalaha heshiiSKA hore in lacagta shirkada ay bixisay lagu qoray xxxxx oo aan la sheegin lacagta ay bixisay iyo in la sheego laguna deposit gareeyo xisaabaha dowlada ku meelgaarka ah haddii taasi aan la helinna(caddeynta lacagta iyo meesha ay martay) in heshiisku uu noqonayo mid aan waxba ka jirin

e)      Qeybta u dambeysa ee uu wasiirku ka hadlay in ay tahay kala qeybsiga lacagta ka soo xaroota airporka oo heshiiSKA lagu qoray in Shirkada ay qaadato 70% dowladuna ay qaadato 30% taas oo uu sheegay wasiirku in aysan ahayn maslaxada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedna topona, oo  aan marna la aqbali Karin.

6)  Waxaa intaasi ka dib kala saxiixday heshiis mar labaad Shirkada SKA iyo general manager Mohamoud Shiikh Ali oo matalay dowlada federalka Somalia (intaas ayaa u qoran), heshiiSKAni waxa uu ku taariikheysan yahay 31/10/2010 waxaana ku qoran heshiis maamulka airporka muqdisho, . Waxaa heshiiSKAni marqaati ahaan ugu saxiixan Wasiirka Maaliyada ee dowlada ku meelgaarka ah Mudane Xalane. Hadaba waxaan isweydiinay su’aalihi uu ku xusay wasiirka warqadiisi ee 12/10/2010 wax Malaga qabtay ? mise weli waa taagan yihiin ?.  heshiiSKAni waxaa uu kaga duwan yahay kii hore waxaa la xusay keliya lacagta ay shirkada siineyso dowlada oo hormarin ah oo dhan Hal milyan doolarka maraykanka ah.

Su’aalihi kale ee uu xusay wasiirka maaliyada iyo kuwo kale oo fara badan oo shacabka soomalida isweydiinayaan intaba waxna lagama qaban lamina xusin.

Waxaa ka mid ah marka laga sootago su’aalihi wasiirka maaliyada waxaa iyana la is weydiinayaa shirkadani ee iyada la siiyay maamulka airporka muqdisho maxay iyadu siineysaa dowlada amaba siisay marka laga togo halkaa milyan oo ay rabto in gadaal looga celsho? Haba yaraatee heshiisku ma xusaayo imisa lacag ah oo ay shirkadu ku maalgelinaysaa airporka? Wax haba yaraatee shuruud ama xujo ah (conditions) ah oo ay dowladu ka rabto shirkada oo ay haddii aynan sameynin heshiisku ansaxeynin kuma xusna, hadaba in ay noo maamusho keliya miyaa loo siinayaa Maamulka garoonka lagulana gelayaa heshiiSKAa ama (contract ) ka shirkada?

Haddii maamul keliya ay tahay miyaan la heli Karin Shirkado Soomaaliyeed oo hanan karo maamulkaa loo soo kiraysanaayo shirkadaa Ajanabiga ah ama maxaa loo raadin waayey Soomaali maamulka soo baratay oo maamusha airporka? amaba miyaanan soo qoran Karin shaqaale xirfad leh haba noqdaan ajnebi? Haddii shirkad ay tahay lagama maarmaan ma waanan haysanin shirkado soomali ah oo qaban kara shaqadaasi? intaas waxaa sii dheer in ay dubai asbuucan kula kulmeen wasiirka maaliyada oo loo maleynayo in ay soo siiyeen lacag ka dibna wax laga soo gaarsiiyay PM kaas oo bedelay wejigiisi uu nalgula hadli jiray maantana isagu horboodayo arrintaSKA.

Halkan ka akhri Heshiiska iyo Waraaqahii Cumar C/rashiid

Qore:

Ismail  D. Osman
osmando@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " HeshiiSKA Saddex Aflaha ahaa ee Dhexmaray TFG iyo Shirkadda SKA "

  1. carabey says:

    soomaalidda maanta soomaalidda maanta gadaal beey subax walba geesgees bay saacad walba beeso ayay u socota soona noqon mayso !!!!!
    warkaaas waa iska cad yahay qof aan dowladda somaliya ku aamino saacaddan sheeg haddii lay dhaho xitaa naftayda ayaanba ka shakisanahay armaad macanaha waddani u qaadataa lacag la aruursado oo waxi ila yaabana aad la yaabtaa ayaan is leeyahay illahow towfiiqda na waafaji aaamin

  2. this looks very fish. signed day before nomination new prime minister. I Suspeced this letter was drafted after scandal signing contracts by old ministers of Omar AA government. IBBI who signed most of international contracts is hiding in Mogadishu and may run to australia. I think Hussein halane and abdikarim jamma need to resign or prime minister need to fire them.

  3. keynaan says:

    Waa cajiib nin muwaadin ah maxaa soomali looga waayay garoonka afar mitireeyda ay doolada joogto oo ay AMISOM ku illaaliso miyaa umada soomaliyeed matasho? mise umuda soomaliyeed hantideedii waxaa dhacaayo nin aan nin shaati dooladeed noosoo xirtay waa yaab? waa wareersanahay hadaan nahay umada soomliyeed waa la,nahay nin dhiig soomaliyeed ku jiro. Badii yurub,Asiya iyo afrikaan ayaa ka jilaabanaa kadibne markeey ka jilaabtaan ku abaal furaa oo ku qubaayo haraadiga nukleerka!!! Aayaha soomaliya markii laga hadlaayo waxaa ka hadlo niman isku baheestay beesha caalamka oo aan marnaba dan oogu jirin in ay xasisho soomaliya. Ma aqaan waxa nalagu qoonsaday ma islaanimada? Sidaas ay tahay ma ka quusaneeno naxariista illaah

  4. IDIL says:

    asc .aawey dadki somaliyed damiirka maxa idinka qaadey miyeysan u rabin carurtina figure danbe,ma ogidiin miya bada ii cirka hadii laga qabsado inaa gumeysi galeyno war diinta ii dalka aan badbaadino oo yaan laga yeelin gaalo iney qabsado wadankeeni hooyo.there is no place like home walaahi.

  5. Xassan Yare says:

    Qofkii hadlaba waa la talaalayaa si uu shib u dhoho.
    Xattaa baarlamaankii baa talaalan, marka yaan la isdaalin.

  6. ahmed hassan says:

    Wasiirka maaliyaddu wuxuu raadinaayay si wax loo gaarsiiyo(cut) maadaama uu isla heshiiski uu ku tilmaamay waxba kama jiraan uu hadana saxiixo isagoo aan waxba ka bedelin.
    waa cajiib waa raqiis