Home » Warar »

Dagaalo Qaraar oo ka dhacay Aagga Boondheere oo lagu diley Askar ka tirsan Ciidamada Amisom

iyo Hay’adda SOYDEN oo si kulul u beenisey Dhalinyaro Soomaaliyeed laga qaybgaliyey  Kulankii SOSCENSA —

Mas’uul hore isaga Casiley Xilka Darajadda Koowaad Maxkamada Mudug oo la Toogtey

Iyadoo weli Magaalada Muqdisho ay kas ii socdaan dagaalada u dhexeeya Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo Xarakadda Mujaahidiinta  Alshabaab ayaa dagaal aad u qaraar waxaa uu Talaadadii ka dhacay Aagga Boodheere oo waayadaan noqdey Xuddunta Dagaalada Muqdisho  waxayna dgaaladaan bilowdeen Isniintii Qorax dhicii ilaa  Talaadadii Aroortii, waxayna labada dhinac isku adeegsanayeen Hubka waaweyn iyo kuwa fudud

Dagaalkaan oo Gacanta la iskula tagey ayaa waxaa la sheegey in ay labada dhinac ay khasaaro kaoo gaartey iyadoo lagu waramey in Ciidamada Amisom ay dagaalkaas kaga geeriyoodeen 3 Askari waxaaana kaga dhaawacmey ilaa afar Askari  hase yeeshee dhinaca kale lama hayo khasaaraha soo gaarey iyadoo lagu waramey in dad Rayid ah ay khasaaro ka soo gaartey Dagaalkaas ka dib markii Madaafiic ugu tagtey Guryahoodii

Inkastoo maalmahii la soo dhaafey ay dagaaladu yaraayeen ayaa haddana dagaalkii Shaley Ilaa xaley socdey waxaa lagu tiriyaa dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhaca Aagga Boondheere

Dagaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxay hadda Cagaha la galeen Sanadkii Shanaad mana jiraan saan saan looga Baxayo Dagaaladaa waxaana ku dhintey Kumaana qofood  waxaana ku dhaawacmey Kumanaan qofood oo kale  waxaana ku barakacay Malaayiin dad oo haatan ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa ku burburey Hanti farabadan iyo Guryo

Dhinaca kale waxaa habeenimadii Talaadadu soo geleysey mar uu Masaajid Salaadii Cishe kadib ka soo baxayey Gudoomiyihii Hore Darajada Kowaad ee Maxkamada Gobolka Mudug Shiiklh Xuseen lagu toogtey Magalaada Gaalkacyo waxaana la sheegey in ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado

Shikh Xuseen oo dhaawac loogu qaadey Isbitaalka ayaa lagu waramey in daqiiqadu ka dib uu ku geeriyaadey Isbitaalka  waxaa Booliiska Gaalkacyo ay sheegeen in ay ku raad joogaan Kooxihii ka dambeeyey dilka Shiikh Xuseen oo laba bilood ka hor uu iska casiley  Xilkii uu ka hayey Pundland ka dib markii uu sheegey in ay faraha ka sii baxayso Xaalada Nabagelyo ee Magaalada Gaalkacyo  waxaana Bilihii la soo dhaafey  sii kordhey u gaarsiga lagu hayo Xubnaha ka shaqeeye Maxakamadaha Maamulka Pundland waxana hore loo diley Garsoorayaalka ka tirsan Maxkamadaha Pundland

W/D Amiin Yuusuf Khasaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

###

…..

Hay’adda SOYDEN oo si kulul u beenisey Dhalinyaro Soomaaliyeed laga qaybgaliyey  Kulankii SOSCENSA

Hayada Isku Xirka iyo Horumarinta Dhalinyarada Somaaliyeed ayaa Xafiiskeeda ka soo saartey Warsaxaafadeed wuxuuna u qornaa Warsaxaafadeedkaas Sidatan:

Warsaxaafadeedkaan waxaan ku beenineenaa kulankii SOSCENSA ay ku qabatay Hotel Ambasador ee magaalada Muqdisho ee ku Saabsanaa Qabya Qoraaleedka Dastuurka kaasoo ay sheegeen in ay  fikirkooda ka dhiibteen qeybaha Bulshada oo ay Dhalinyaradu ka mid aheyd.

Hadaba waxaan Saxaafadda gudaha u cadeeyneynaa in Hey’adda SOYDEN aysan waxba ka ogeyn shaqana ku laheyn kulamada looga hadlaayey Dastuurka Qabya qoraaleedka cid aan ka naqaano ama nooga timid arin ku saabsan Dastuurka iyo doorka dhalinyaradana ma jiraan.

Waxaa nasiib daro ah in laga been abuurto dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoon lagala tashan lagana qeyb galin arimaha noocaan oo kale ah.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ma ahan in mar waliba magacooda  lagu qaraabto  lagana dhigo cid aan astaahilin iney cabiraan fikirkooda kana hadlaan aayahooda iyo masiirkooda waayo waa lafdhabarta Bulshada waana Muwaadiniin xaq u leh in ay si xor ah oon cidina matalin oo iyaga u qaas ah uga hadlaan waxa dalka ka socda iyo waxa ay iyagu ka aaminsanyihiinba.

Hadaba waxaan mar kale u sheegeynaa Hey’adda SOSCENSA Dhalinyarada waxaa matala Hey’adaha iyo Ururada Dhalinyarada waxayna ogsoonyihiin oo ay iska indha tirayaan in SOYDEN ay tahay Hey’adda ururada aan dowliga aheyn u matasha dhalinyarada waxaana shaqsiyaadka qaaska ah ee hoowsha u wada uga digeenaa iney mar kale sheegtaan dhalinyarada iney ka qeybgaliyeen iyadoo aan waxba lagala tashan lana ogeysiin SOYDEN oo u matasha dhalinyarada ururada aan dowliga aheyn, waxaana leenahay waa idiin aragti gaabni in aad ka kala keentaan dad dhammaan gobalada oo dhan aadna tagiweysaan xafiisyada ururada Dhalinyarada oo idin kula yaala meelaha aad wax ku qabaneysaan oon idinkaga baahneyn xitaa tirisboor.

Waxaan taas u aragnaa in ay tahay u bareerid cad oo loo bareeray in dhalinyarada ay SOSCENSA iska sheegato iyadoon waxba warsan iyaga sidaasna ma ahan sida loo abuuray iyada.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqeenaa dhammaan gudiyada Qaranka iyo Hey’adaha daneeya iney wax ka ogaadaan aaraada iyo fikirada dhalinyarada in ay si toos ah ula fadhiistaan una ogaadaan dhalinyarada codkeeda iyo fikirkeeda waayo sidaas ayaa waxtar u leh cid waliba oo rabta in ay wax ka qabato dalka heshana waxa dhalinyaradu rabaan xiligan adag in uu dalku noqdo iyo sideey rabaan in lagu gaaraba.

Hay’adda SOYDEN

Tre-piano

Mogadishu-Somalia

C/qaadir Salaad Cabdi

Madaxa Barnaamijyada Hey’adda SOYDEN

###

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Galmudug oo uu horkacayay madaxweyne Caalin

08.02.2011——-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdigii ka socday maamulka Galmudug kaasoo uu horkacayay madaxweyne Maxamed Axmed Caalin.

Xubnahan ayaa kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha waxaana gabo gabadii kulankooda saxaafada la hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha iyagoo sheegay in kulankoodan ay uga wadahadleen arrimo la xiriira abaaraha ka jira gobolada dhexe iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug State.

Madaxweyne Caalin oo saxaafada la hadlay ayaa xusay inuu xaqiijinayo inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka isla markaana ay taageersan yihiin isagoo tilmaamay in sababaha ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay sidii ay wax ula qeysan lahaayeen Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay hoos yimaadaan.

Wuxuu tilmaamay in gobolada dhexe ay ka jiraan abaaro xoogan oo dad iyo duunyaba baabi’isay ayna ka rajeynayaan dowladda Federaalku inay wixii karaankeeda ah si deg deg ah ula gaari doonto “Ummaddu meel aad u xun ayay marayaan, xoolihiina waa baaba’een, dadkuna wey ku soo xigaan” ayuu yiri Mr. Caalim oo xusay in halkii booyad ee biyo ah ay mareyso inta u dhaxeysa $300 illaa $400.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo madaxweynaha iyo wefdigiisa isagoo xusay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay abaaraha baaxada leh ee dalka ka jira gaar ahaana gobolada dhexe isagoo xusay in deeqda ay ka heleen dowladda Imaaraadka Carabta inay qeybtooda gaarsiin doonaan shacabka Gobolada dhexe.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Caalim iyo maamulkiisa shaqada ay ka qabteen howlaha dib-uheshiisiinta, sidaad la socotaan wefdi ayaan u dirnay Gobolada dhexe markii ay dagaaladu ka dhaceen waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dhiigii daadanayay” ayuu yiri R/wasaaraha oo xusay in dagaalada kale ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa u duceeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inuu Alle ka dul qaado abaarta iyo haraadka saameynta adag ku yeeshay.

Xafiiska Warfaafinta

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.