Home » Warar »

Warsaxaafadeed ku aadan dagaalada ka dhacaya degaanka Kalshaale


Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dagaalada ay dhiiga badani ku daadateen ee ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay degaanka lagu magacaabo Kalshaale kuwaasoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barokac.

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku dagaalamaya degaankaasi Kalshaale inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka aan macnaha ku fadhiyin isla markaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku xalistaan khilaafaadkooda, sida looga bartay.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaa loogu baaqayaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay  qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada.

“Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

07.02.2011——– (Feb 7, 2011)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warsaxaafadeed ku aadan dagaalada ka dhacaya degaanka Kalshaale "

  1. Farah says:

    Somalidu waxay ku maahmaahdaa Ninkka aqalka muraayad degganow dhagax ha tuurin !
    waxaan uga jeedaa Isbedelkii dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay gobollada waqooyi Galbeed(Somaliland) iyo ninka ku soo baxay ayaa dad badani rayn-rayn ka muujiyeen waqtigiisii, waxayna fisheen waa cusub oo u beryey dimuqraadiyad curdin ah gaar ahaan gobollada Bari dalka oo uu ka soo jeedo hoggaamiyaha maanta Mr. Maxamud Ahmed Siilaanyo hase yeeshee waxaa durbadiiba la dareemayaa colaad iyo dagaalka aan kala har lahayn oo uu hormuud ka yahay abaabulkeeda hoggaanka sare maamulka Somaliland isagoo soo dhoobay aagga degaanka Buuhoodle ciidan ka soo jeeda beeshiisa oo ku hubeysan qiyaastii 50-70 baabuurta gaashaaman. Maxay rabaan ayaa su’aali ka taagan tahay ?
    Runtii xilligii la doortay siilaanyo dad badan ayaa dareen ka qabey laakiin waxaa adkeyd in la qiyaaso halka uu arrinta ka bilaabayo, balse waxaa yaab noqotay dharaar cad in uu dagaal qaawan oo qorsheysan oo tillaabo tillaabo isugu xiga ka bilaabo degaanka dadka reer buuuhoodle ee gobolka Cayn iyadoo sheekada lagu bilaabay Mashruuc ku saabsan Baraago qodis laga bilaabay dhakada Magaalada Buuhoodle oo ah halkii Riyaha Magaaladu u foof tegi jireen, waa la yaabay sharta mashruucaan xanbaarsan yahay ! iyadoo la bilaabay iyadoo aan cidna wax laga weydiin waa cajiib!
    Kadibna dhallinyaradii magaalada ayaa inta ay duseen raggii mashruuca soo qaatay ka horyimid markii ay ka dhego adaygeen in ay meesha ka tageenna dagaal ridey waayo meesha colaado hore oo 30 sano ah ayaa ka aloosnaa oo aan si wanaagsan looga dawoobin, waana tan xaaladda hurisay laakiin waxaan shaki ku jirin in qolo waliba dhul daaqsimeed Ab-ogaa ah leedahay oo qof walba juquraafi ahaan ugu sawiran maskaxdiisa.
    Dhinaca kale, Somalidu waxay ku maahmaahdaa Fiqi Bahdii kama Janno tago! waxaa yaab noqotay in durbadiiba hoggaanka sare qaado tallaabooyin sii hurinaya arrinta, isagoo baadiyihii la isku hayey amray in ciidan la wareegaan kaas oo ka kooban hal dhinac oo isku beel ah, dabcan dhinaca kale kuma qanacsana kumana faraxsana tallaabada Mr. Siilaanyo waayo uma muuqato mid dhexdhexaadin iyo dawo ku jirto, munaasibaddaasna waxaa lagu dallacsiiyey raggii halkaas u soo dullaan tegey. Ma munaasabad kale ayaa la waayey oo ciidanka lagu dallacsiiyo ?
    Arrintu waxay ku qurux badnayd in dadka Reer Buuhoodle iyo Burco iyagaa is-dhalay oo is-dhaqan yaqaan oo intii caws jirey wada joogey, in faraha looga qaado laakiin waxaa dab iyo baasiin ku sii shubey qorshe siyaasadeysan oo lagaga faa’iideysanayo maamulka dhexe ku hammiyayayey weligiis oo gaarsiisan heer dhul fidsi iyo isballaarin sida muuqata qayladu Orgi ka weyn .
    Waxaase aad looga xun yahay Maamulka iyo shacabka Puntland oo dhegaha ka fureystey dhimashada iyo dhiig baxa ku socda reer Buuhoodle kuna ekaaday waxqabadkoodii afka oo aan xattaa si wanaagsan looga hadlin waxaanse idiin sheegaynaa meesha loo socdaa waa Yoocada Garoowe! Berri yaanan sheeko kale maqlin.
    mar kale waxaan u sheegeynaa reer Puntland : Haddii reer Buuhoodle iyo maxastoodaa lagu tunto ogaaada taariikhda ayey idiin geleysaa taariikh ma harto ah !
    Maamulka Siilaanyo waxaan leennahay ogow haddii arrintu sii socoto kuma ekaan doonto Buuhoodle ee madaxtooyada Hargeysa ayaa la isla soo geli doona ee maskaxda ku hay adigaa aqal muuraayad ah ku jira haddana doonaya in aad dhagxaan tuuro !
    Siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee Hargeysa ku baryeynaysa waxaan leennahay waxaad naga danbeysaanba waa dayrta maanta ah !
    Dawladda Federalka waxaan leenahay haddii arrintu daacad idinka tahay Buuhoodle u soo dira Daawooyin iyo takhaatiir.
    Caalamka waxaan u sheegeynaa in ay diiwaanka gashadaan madaxweynaha loo doortay Maamulka waqooyi galbeed (Somaliland) in uu u xuubsiibtey qab-qable dagaal ooge ah, dhibta ka dhacday Buuhoodlena uu isagu toos mas’uul uga yahay ee kula xisaabtama qolooyinka xuquuqda aadanaha ku lug lahow.
    warbaahinta madaxa bannaan waxaan leenahay awalba cadaadis idiinba dhinneyn laakiin xaqa ku adama oo sheega waxa ka dhacaya daafaha Somaliya, soona bandhiga ciddii dadka maatada ah dhibta ku haysa, yeysanna idin saameyn cudurka dilaaga ah ee qabyaaladda.
    Wabillaahi towfiiq

  2. Osman says:

    ASCWW.
    Waxaan marka hore ka tacsiyadeynayaa dhimashada iyo mashaqada meesha ka dhacday ciddi aysaameysey ee walaalaha ah.
    Waxan usoo jeedinyaa xukuumadda Somaliland inaanay ku dhawaaqin hadallada difaaca qaranka waayo dhibta dhacday shacabki dhulka degganaa ayay ka dhex dhacday waana deegaan daaqsin waxa arrintu ka kacday labada dhinac ee isku hayaana mid lagu tuhmayo dhalasho inuu ku dhawyahay masuuliyiinta ugu sarreeysa qaranka Somaliland halka kan kalena uu mar horebadareen kalsooni darro ahkusii jirey oo siyaasado kale ku furnaayeen. waa in lagu xalliyaa arrinta haddaba caqli iyo xikmad. Dagaal kasta oo meeshaas kadhacana wuxuu sii fogeynayaa fursaddii ay isugu soo dhawan lahaayeen shacabka deegaankaas mashaqadu kadhacdaye ogaada.
    Dhanka kale dadka Sool Sanaag iyo Cayn ku dhaqan iyo dhaqaaqyada u dagaallamaya arrintaasba waxan ku odhanan lahaa.
    Horta dadka deegaanka SSC ma leeyihiin siyaasad cad oo masiirkooda ah markaa kaddib ayay u dagaallami karaa mabda’ ay ku midaysanyihiine.
    Waxanku odhan lahaa Saddex adinkaa door u leh.
    1. Inaad shirtaan oo ku dhawaaqdaan inaad taageersan tihiin qaddiyadda goonni isu taagga Somaliland oo gobol ka mida Somaliland tihiin ugana dambaynaysaan talada masuuliyiinta idinkugu jirta labada gole iyo hogaanka dhaqanka ee taageerrsan qaddiyaddaas.

    2. Inaad tihiin Dawlad goboleed madax bannan oo Somaliyeed, oointa hogaankiinni dhaqanka, kii siyaasadda iyo aqoonyahankiinni iyo qaybihi bulshaduba shirweyne isugu timaddaan kudhawaaqdaaninaad tihiin dawlad goboleed madax bannan ee Somaliyeed oo toos u hoos tagtajamhuuriyaada Somaliya adna aqoonsanyn jiritaankaSomaliland ciddi iyada katirsannaaanayidin matalin oo la mid tihiin dawlad goboleedyadakale ee jamhuuriyaddaSomaliya ee federalkaah kamid ah.

    3. Inaad ku dhawaaqdaan inaad tihiin gobol ka mid ah Dawlad goboleedka Puntland. Wixi go’aan siyaasadeed ah ama arrin nabadgelyo ah inaad uga dambeysaan maamulka iyo dawlad goboleedka Puntland iyo masuuliyiinta idinkugu jirta oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenku.

    Waxaan idin xusuusinayaa weli inuusan caalamku aqoonsan dawlad qaran oo xuduudeheedu cayimanyihiin oo Somaliland la yiraa, waloow weli xuduudihi Birirtish Somaliland ay xukuumadda Somaliland sheegato taas oo ah fursad weli idiin furan inaan cidna qasab idinkugu lahayn in aad kamid ahaataan Somaliland oo aanay idiin kala sokeyn sharciyan Somaliland iyo Somalia haddii aanad idinku raacin mid gaar ah..
    Waxan kaloo idiin sheegayaa dawlad goboledyadi Somaliya midna weli si buuxda looma aqoonsan oo waa biloow arrinkoodu oo dhan qaabki federalkuna weli si buuxda ugama taabba qaadin dalka Somalia. adinkuna cid idinka hortaagan ma jidho.
    Waxaan kaloo iyana idiin sheegayaa caalamku maanta inuu Somaliland qarka ula saaranyahay aqoonsi dawladnimo buuxa iyo taageero aad uga wacan midda ay Somaliya oo qasan filan karto muddo dhow taas oo ciddi si buuxda Somaliland uga mid noqotaayi ka heli karto fursado horumar, waxbarasho,nabad gelyo iyo dhaqaale oo aad qaali u ah. Taas oo aan haddau muuqan mid kasoo dhaow Somaliya oo ku jahwareersan siyaasaddeeda iyo qaabkaay ku dambeyn doontaba.
    Haddaba waxad taagantihiin halka ay iska jaraan waddooyin badan oo mustqabalkiinna xaddidi doona ee xabbad caqli ma ahee yaanan qaddiyaddiina laga beec mushatin oo niman ninba dan isaga u gaar ah wato idinla kala tegine uyeerta aqoonyahannadiinni, qurbo joogtiinni, hogaankiinni dhaqanka, ganacsatadiinni iyo culimadiinni iyo qaybihinni bulshada; gorfeyn adag iyo iyo cilmi baadhis dheer kaddibna go’aan cad ka qaata mustaqbalkiina iyo masiirkiina’ hana kusiiddaynina masiirkiinna siyaasiyiin maalinba qado meel u doonta iyo kornayllo qoriga afkiisa ka macaasha.