Home » Maqaallo »

Mubaarak ma bixi doonaa siddii Bin Caligii Tuuniisiya??

[Diktatooraddii Carabta oo wadnaha farta ku haya]

Kumanaan kun iyo malaayin in ka badan oo banaanbaxayaasha dadka reer Masar ayaa weli si is daba joog ah waxey magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ka wadaan banaanbaxyaddii ay kaga soo horjeedeen hogaamiyahii dalkaasi ee Maxamed Xusni Mubaarak, kaasoo ay kaga dalbanayeen inuu is iscaliso. Hase ahaatee Mubaarak uma muuqdo inuu diyaar u yahay inuu xukunka ka dego. Mar uu telefeyshinka dadka dalkaasi kala hadlayna waxa uu sheegay inuusan isku soo sharxeyn dooroshooyinka ka dhici doona dalkaasi bisha sebeteember ee fooda inugu soo . Wuxuu kala diray gollihii xukuumaddiisa, waxaana uu magacaabay ku xigeenkiisi Cumar Suleymaan oo ahaan jiray madaxii sirdoonka dalkaasi, kana codsaday inuu soo dhiso xukuumad cusub oo celisa waxyaabaha dadku tabanayaan oo dhan. Waxaana sidoo kale uu tilmaamay in rabshadahan siyaasadeed ay soo abaabuleen kooxo danno gaara leh.

Talaabadan hogaanka loogu dhiibay Suleymaan sooma kordhin wax isbadal ah, marka laga reebbo iney sii kordhisay fowdaddii ay dibadbaxyaashu wadeen iyagoo ku dhiiraday xitaa ineey jebiyaan bandowgii lugu soo rogay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi. Dad lugu qiyaasay 2 malyan oo qof ayaa iskugu soo baxeen barta xorriyadda ee magaalada Khaahira. Maalinba maalinta ka dambeysayna waxaa sii kordhaya tiradda dibad baxyada iyo rabshadaha ay sameynayaan.Dadkani waxey ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Mubaarak iyo xukuumaddiisa . Ku dhawaad 300 ruux ayaa ku dhintay rabshadahan tan iyo markii ay bilowdeen 25 –kii bishii janaayo ee muddo iminka laga joogo toban cisho.

Hadaba dibadbaxyadan oo galay maalintiisi11aad ayaa dibadbaxayaashu oo caaro xoogan ka muuqato waxey galeen oo dab qabad siiyeen dhismihii xisbiga talada dalkaasi haya ee NDP, sidoo kale madxafkii dalkaasi ayaa isana lugu soo waramayaa iney kooxo u dhaceen oo ay waxyeello aan sidaasi aheyn u geysteen qalabkii taariikhiga ahaa ee yaalay .Rabshadahan oo aan laheyn habeen iyo maalin ayaa ah fariin cad oo loo dirayo hogaamiyaha dalkaasi Mubaarak luguna diidan yahay xukunkiisi 30 sanno jirsaday, wuxuuse haatan isku arkaa marba hadduu dalkaasi kaa talinaayey 30 sanno ah inaan la ridi karin.

Madaxii hore ee hey,ada Qaramadda Midoobey u qaabilsanaa Atoomikada caalamiga ah Maxamed Albaradai oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa isagoo la hadlaya telefeyshinka Aljazeera waxaa uu sheegay in la gaaray ” Xilligii Mubaarak garwaaqsan lahaa inaan la dooneyn ee iskaga tago meesha” Laftiisa waxaa uu shaaciyey mar sii horeysay inuu diyaar u yahay inuu qabto hogaanka dalkaasi si ku meel gaar ah haddii loo baahdo. Tani nafteeda kama fogo hankiisa siyaasadeed ee uu ku doonayo inuu kaga dhex muuqdo siyaasada dalkaasi xilliga kala guurka. Kooxaha Islaamiyiinta Iqwaanul muslimiin-kana weli siyaasad cad oo arrimahan la xirriira kama aaney hadal iyo hadafkooda siyaasdna. Balse waa u hanqaltaagayaan iney ka dhex muuqtaan, xilligana waxey u tahay fursad dahabi ah oo aan soo marin.

Dadka reer Masar maxey ka cabanayaan??

Dadweynaha reer Masar waxey ku daaleen faqriga,sicir bararka, shaqo la,aanta iyo awooda dheeriga ah ee marka ay timaado xagga amniga ee ay adeegsadaan ciidamadda dalkaasi.Musuaq saasuqa iyo amni xummo ay dadku dareemayaana waa waxyaabaha salka ku haya kacdoonka haatan dalkaasi ka dilaacay ee ay la daala dhaceyso.

Madaxweyne Mubaarak oo xukunka la wareegay wixii ka dambeeyey dilkii loo geystay Anwara Saadat ee bilowggii 80maad-kii, ayaa ah nin awoodiisa ku tiirsan tahay isku heleyn meleteri oo dhirbaaxo ku dhifan karta neef kasta oo ka timaada kooxaha mucaaradka ah iyo dowladda Mareykanka oo siisa dhaqaallo xoog badan. Marka loo fiiriyo kacdoonkii nabadeed ee meleteriga Tuunsiya kaga qeyb qaateen riddistii xukuumaddii Bin Cali ee Tuunisiya ayaan kuwa reer Masar u muuqan iney talaabo noocaas ahi ay qaadayaan. Balse kooxah mucaaridka ah ee dalkaasi ayaa dhaq dhaqaaqan lug weyn ku leh.

Hogaamiyeyaashii Carabta oo wadnaha farta ku haya

Iyadoo ay guud ahaan caalamka oo dhan iyo inta xirriirka dhow la leh dalkaasiba indhaha ku hayaan isbadaladda siyaasadeed ee dalkaasi ka socda ayaa hadana dadka qaar aaminsan yihiin iney kordheyso fursad saameyn siyaasadeed leh oo geyigaasi ka dhacda marka Mubaarak meesha ka taga. Laga yaabese in markaasina ay dalalka dhaca waqooyiga Afrika oo la sheego ineysan si dimoqraadiyad dalalkooda ku maamulin, dhici kartana markaasi iney qaadaan wadada Mubaarak ee haatan lugu doonayo in lugu soo af jarro xukunkiisii keligga telisnimada lahaa.

Bilowgga kacaankan isbadal doonka ah oo la runsan yahay in Tuunis ay sabab u tahay, balse Masar kacdoono siyaallo kala duwan kal hore uga dhaca iyo marxaladdo markaasi jiray aawadeed ayey masaaridu yihiin kuwo ka duwan tuunisiyiinta. Waa tan koowaad Masar wa dowlad xudun iyo furro u ah cilaaqaadka u dhaxeeya bariga iyo dunidda Galbeedka. Waana meeshii Obama- Mareykanku yimid hadalna ka jeediyey markii la doortay kadib ee uu sheegay inuu doonayo in uu wanaajiyo xirriirka u dhaxeeya dowladiisa iyo dunidda Muslinka. Balse dowladda Mareykanka haatan uma muuqato mid xiiso ku heysa haddii rajiimka meesha laga saaro, marba hadeysan ogeyn cidda hogaanka qaban doonto. Wel welka haatan ka qabtana kuma koobna keligeed oo waxaa ula siman tahay hogaamiyeyaasha gobolka barriga dhaxe oo ay ugu horeyso Israa,iil oo xirriir kala dhaxeeyey tan iyo xukuumaddii Anwara Alsaadaat. Waxaana ay isha ku hayaan dhamaantood isbadalka iman doona marka Iqwaanul muslimiinta dalkaasi ay hogaanka qabtaan, kuwaanoo la og yahay shacbiyadda balaaran ee ay gudaha Masar ku leeyihiin. Mareykankuse wuxuu jeclaan lahaa ninka haatan hogaanka loo dhiibay ee Cumar Suleymaan sii ahaado hogaan.

Balse haddii Mubaarak-ga dalkaasi meesha ka baxo sida masiirka dalkaasi noqon doonto cid saadaal ka bixin karta ma jirto, balse waxaa la qiyaasayaa in isbadal siyaasadeed iman karro, kaasoo gobolka bariga dhaxe iyo waqooyiga Afrika ku yeesha saameyn balaaran. Mubaarkase wuxuu sheegay in haddii meesha uu ka baxo uu dalka galayo xaalad fowdo ah. Hadaba sidee ayey iyaguna rajooodu noqon doonta digtatoorada kale ee carabta marka Mubaarak ka baxo masaraxa siyaasadeed, kuwaasoo qaarkood in ka badan 30 sanno ay xukunka hayeen. Waxaanu eeggeyna hadaba dalalka la oran karro hogaamiyeyaashoodu wadnahey farta ku hayaan iyo xaaladaha dalalkaasi ka jira oo qaarkood isbadalo siyaasadeed dadka dalalkaasi ku baaqaan.

Yamen

Wuxuu madaxweyne ka ahaa dalkaasi tan iyo sanadkii 1990-kii isku darkii labaddii Yamen ee waqooyi iyo koonfur, korhna waxa uu ahaa madaxeynihii Yamantii waqooye ee Sanca tan iyo sanadkii 1978-dii. Saalax waxa uu noqday madaxweyne ay dadku intiisa badan doorteen sanadkii 199-kii iyadoo uusan xubin ka aheyn xisbi. 2006-diina waxaa markale loo doortay madxweynaha dalkaasi oo ilaa iyo iminka haya hogaanka. Yamen inkastoo ay tahay dowlad sabool ah, hadana dhinaca kale dagaalo soo laa laabtay ayaa ka dhacay. Dhana Alqaacida ayaa dagaal kula jirta xukuumadda dalkaasi. Falal horey ugu dhacayna gacan ayey ku yeesheen kooxdan. Wuxuu sheegay Cali Cabdalla inuusan u sharaxneyn dooroshooyinka dalkaasi ka dhici doona, wuxuuna ka tanasulay hankiisi ahaa inuu kursiga ku badallo wiilkiisa,.

Liibiya

Mucamaral Khadafi waa hogaamiyaha Liibiya ee inqilaabka meleteri ku qabsaday dalkaasi sanadkii 1969-kii, waxey isku waqti ahaayeen Siyaad Barre-hii Soomaaliya oo jabhaddo beeloodyo hogaanka ka tureen 1991-kii, waxey labaduba dalalkooda inqilaab meleteri kula wareegeen hogaanka. Liibiya cilaaqaadka ay dunida galbeedka la laheyd waa ay koobneyd muddooyinkan dambe tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii Ciraaq lugu qaaday hogaamiyaha dalkaasi waxa uu ka tanasulay u hanqal taagiisii aheyd inuu dalkiisu yeesho awood nukliyeer. Mareykankuna waxaa uu ka saaray liiska dalalka ugu magac darray garabyadda Sharta. Banaanbaxyo wejiyo kala duwan lehna waa ay ka dhaceen. Haatanse isbadalka Masar ka socda saameynta uu ku yeelan doona lama oga. Balse waqtigaa sheegi doona.

Tuuniisiya

Dalka Tuuniisiya waa dal ku yaalla waqooyiga Afrika, rabshadaha haatan ka socda dalka Masar waa meeshii horsoodka u aheyd. Muddo saddex toddobaad ka hor ayey dadka dalkaasi kacdoon maalmo kooban socday waxey xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalkaasi Zena caabidiin bin Cali oo muddo 23 sanno dalkaasi ka talinaayey. Waxyaabaha lugu eedeeynayey ee dhaliyey carradda dadka dalkaasi waxaa kamid ah tacadiyo loo geysto dadka, xorriyada oo koobneyd, musuq maasuqnimo. Hantiddii Qaranka oo qoyskiisu maamulanayeen. Waxaa u baxsaday dalka Sacuudi Careebiya oo ay qoyskiisa ku joogaan magangalyo siyaasadeed. Xukuumadda cusub ee dalkaasi ka dhisantay weli waxaa ka dhex muuqdaa shaqsiyaadkii xukuumaddiisi dadkuna kuma qanacsana. Xaalku iminka waa ka dagan yahay sidii hore, balse wel welku waa halkiisi.

Jordan

Waxaa dhalay boqon Xuseenkii geeriyooday 199-kii ee dalkaasi, waa sarkaal xagga amniga u qaabilsan, waxna ku soo bartay koriimadiisi Mareykanka iyo Ingiriiska. Dalkaasi waxaa lugu tiriyaa dalalka haatan dhaqaalahoodu soo korayo. Tan iyo markii uu la wareegay hogaanka dalkaasi waxa uu doonayey inuu wanaajiyo cilaaqaadka dowladiisa iyo dunida galbeedka, xirriir aad u wanaagsana waa u la leeyahay dowlada Mareykanka. In kastoo banaanbaxyo dalkaasi ka dhaceen , hadana maalin ka hor waxaa uu magacaabay ra’iisal wasaare cusub. Laftiisa dhagtaa u taagan goorta uu daadka qaadi doono haddii Xusni Mubaarak isaga tago hogaanka Masar, walow wiilkan yari uusan sida Mubaarak-ga dalkaasi aan wax badan kursiga ku fadhin. Hadana Jordan waa dal boqortooyo oo xukunku dhaxal yahay. La arki doone dalkana sida looga dhaqmo Mubaarak oo haatan cid walba ay indhaha ku heyso dabadiis sida xaalka Masar noqdo iyo cidda la wareegta.

Aljeeriya

Waa madaxweyne dalkaasi hogaanka u qabtay bishii abriil ee sanadkii 199-kii doorosho la dhaliilsan yahayna ku soo baxay. Mucaaradkii kula loolamayeyna ay dib u gurasho bilaabeen, kadib markii ay u arkeen in meleteriga wadanku la shaqeynayo madaxweyne Cabdulcasiis Butafliikha. Doorashadii labaad ee dalkaasi ka dhacda 2004-tii sidoo kale waxey aheyd mid xitaa ay cambaareeyeen goob joogeyaashii caalamiga ahaa ee u joogay halkaasi iney kormeer ku sameeyaan doorashadda. Xukunka inta uu hayey Butafliikha dagaallo goos goos ah ayaa ka dhacay oo kooxaha islaamiyiinta ah ee ka hana qaaday dalkaasi ku lug lahaayeen. Kooxahani waxey soo caan baxeen 1992-kii. Xiisadaha siyaasadeed ayaa sanadihii ugu dambeeyey dalkaasi soo laa laabtay, dhowr arrimood oo is biirsaday kooxaha islaamiyiinta ah ee dalkaas iyo musuq maasuqnimo lugu cambaareynayo intaba ay u sabab ahaayeen. Balse Butafliikha waa nin soo nooleeyey xirriirka dalkiisa iyo dunida galbeedka.

Suudaan

Waa mdaxweynaha haatan dalkiisa koonfur iyo waqooyi loo kala jirayo.Dadka reer koonfurkana ay u dareereen doorosho ah iney Khartum ka madax banaanaadaan iyo in kale. Cumar Xassan Albashiir, waxa uu hogaanka dalkaasi qabtay sanadkii 1989-kii, inqilaab meleteri oo aan dhiig badan ku daadan ayuu xukunka kala wareegay Saadiq Al mahdigii dalkaasi ra,iisal wasaare ka ahaa. Dalkaasi waxa soo maray dagaallo sokeeyo aad u dheer, Jabhado xorriyad u dirrir ahina waa ka dilaaceen.Xukuumadda Albashiir waxaa ay 2004-tii gashay heshiis lugu soo afjarayo dagaalkii dalkaasi ka jiray. Xaquusii ka dhacay Darfur, xukuumadiisa ayaa lugu eedeynayaa iney gacan ku leheyd. 2008-dii maxkamada caalamiga ah waxaa ay shaacisay in Albashiir yahay dambiile dagaal. 2009-kiina waxaa la amray in la soo xirro isagoo madaxweyne ah, sidaana waxaa uu ku noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee adduunyada isagoo madaxweyne ah lugu eedeeyo dambiile dagaal lana amro in la soo xirro.

Sanaddii 2010-ka waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi, kadib markii musharaxiintii kale ee kula loolameysay ay ka baxeen musharaxnimadooda, waxaana ay sabab uga dhigeen doorashada oo u muuqatay mid lugu shubanayo. Waana doorashaddii dalkaasi ka dhacda muddo 10 sanno ah.

Bacdamaa aan si kooban uga soo hadalnay hogaamiyeyaasha Carabta ee muddo dheer xukamayey dalkooda. Haatan waxaa ku yeeray dawankii ama gambaleelkii digniinta ahaa ee soo afjarayey joogitaankoodda muddada dheer. Dadkuna horey ayey mdaxdooda qarkood u direen fariimo digniin ah oo ay ku doonayaan isbadalo siyaasadeed. Maantase xaalka waa ka duwan yahay digniinihii la iska dhago tiri jiray, waa ayaa ku baryey. Qaarkood waxaa hada ku bilowday wadno garaacis iyo isweydiin ah goormaa adnah daadka ku qaadi doonaa. Xaqiiqdii lama saadaalin karro isbadalka dalalkaasi iyo barriga dhaxe guud ahaan ku iman kara, Xusni Mubaarak Masar kadib. Balse waa mid taariikhda ma duugowdada ahi qori doonto.

Maxaa dhacay maalintii ay rabshadahan bilowdeen kadib?

25-kii bishii janaayo, ardeyda iyo dhalinyarada dalkaasi ayaa bilaabay iney ku banaanbaxaan wadooyinka magaaladda Khaahira. Waxey dalbanayeen in hogaamiyaha dalkaasi xilka iskaga dago 32 sanno kadib isagoo ah madaxweynaha masaariadda. Waxey sidoo kale dalbanayeen in xorr laga dhigo xuriyatul khowlka iyomaciishada nolosha. Dabcan arrintana waxey dhacday markii ardeydani arkeen siddii sahalka aheyd ee ay dadka reer Tuuniisiya uga takhaluseen Bin Cali-gii dalkaasi. Banaanbaxyaduna waxey noqdeen kuwo magaalooyinka waaweyn ee Aleksanderiya, Suweys, Imaaciiliya iyo Mansuura.

26-kii janaayo waxaa bandow lugu soo rogay magaalooyinka. Dibadbaxyaasha iyo booliska rabshada ka hortaga ayaa fooda is daray.

27-kii janaayana waxaa la soo weriyey in rabshadahaasi ay dad ku geeriyoodeen kun qofna la qabtay. Dowladuna waxey bilowday iney jirto isgaarsiintii. Barak Obamaha Mareykankana waxaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisadaha dalkaasi ka jira. Wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo amniga, dib u habeen siyaasadeed lugu sameeyo maamulka Xusni Mubaarak.

28-kii janaayo Dibadbaxayaasha ayaa weli sii wada banaanbaxooda. Kooxaha ikhwaanul muslmiinta dalkaasina waa ka qeyb qaateen banaanbaxa loogaga soo horjeedo xukuumadda.Dhimashada dadka rayidka ah ayaa gaaray 70-neeyo ruux sida warbaahintu werisay. Isgaarsiintiina weli hawadda ayey ka maqan tahay. Madaxeynahuna waxaa markii ugu horeeysay dadka dalkaasi kala hadlay telefeyshinka isagoona sheegay in xukuumaddiisii kala diray soona dhisayo mid kale. Isagana uu sii heyn doono xukunka.

29-kii janaayo dad weyne lugu qiyaasay 50 000 oo ruux ayaa isku soo bax sameeyey iyadoo ay jireen bandow lugu soo rogay magaaladda xilliyadda qaar. Waxey dalbanayeen weli in Mubaarak isaga dego xukunka. Waxaa bilowday xaalad is dhex yaac ah , boob iyo in la la je jebiyo dukaamanka ganacsiga. Shacabkuna waxey bilaabeen iney amniga guryaha iyo hantidooda dhowrtaan. Kooxo hubeysana waxey u dhaceen madxaftii weynee ee Khaahira oo xadeen qalabkii taariikhiga ahaa iney dhac u geystaan.

30-kii Janaayo, Mubaarak waxaa uu magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisii Cumar Suleymaan oo ahaa madaxii sirdoonka Masar. Suleymaana waxaa uu isna ra’iisal wasaare u doortay Axmed Shafiiq.

31- janaayo in ka badan 250 000 oo qof ayaa iskugu soo baxay fagaaraha xorriyadda waxey ku muujinayeen sida aysan ugu qanacsaneyn magacaabista dowlada Suleymaan. Midowga Yurubna wasiiradooda arrimaha waxey xukuumadda Mubaarak ugu baaqeen in la sameeyo dowlad baaxad leh oo dhowrta xaquuqda aadanaha iyo xuritaul qowlka.

1-dii febraayo in ka badan 2 malyan ayaa markale iskugu soo baxay fagaaraha Taxriir. Wax yar kadibna Mubaarak waxaa uu sheegay inuusan dooneyn inuu isku soo sharxo doorashooyinka bisha september ka dhaceysa dalkaasi. Wiilkiisana uusan ku wareejineyn awooda dalka.

2-dii febraayo bananabaxyadii dhacay waa ka duwan yihiin kuwii kal hore magaaladda harqiyey. Waxaa fooda is daray taageeryaashii Xusni Mubaarak iyo dibadbaxyaasha. Shan ruux ayaa ku geeriyooday sida warbaahintu soo werisay.

3 -dii febraayo Waxaa halkoodii ka sii socda dibadbaxyada dadku ay ku diidan yihiin xukunka Xusni Mubaarak, maalinba maalinta ka dambeysana waxaa sii kordhaya tiradda dadka banaanbaxaya. Warfidiyeenadda shisheeyana waxaa ay noqdeen kuwo la bar tilmaameedsado. Waxaa la diray Axmed Maxamuud oo ah sawir qaade ka tirsan wargeyska Taawun, waxaana uu noqonayaa weriyihii ugu horeeyey ee rabshadan ku dhinta tan iyo markii ay bilowdeen dhamaadkii bishii janaayo ee ina dhaaftay.

4-tii febraayo waa maalin loogu magac daray ”Yowmul qadab” waa maalin ay dadku cadheysan yihiin jimcana ay tahay. Banaanbaxyaddii wey socdaan dadkuna waxaa ay dabanayaan in Mubaarak oo iska dhiiibo jagadda.Ugu yaraan malyan qof ayaa fagaaraha Taxriir iskugu soo baxay.

Ugu dambeyntii marba hadaan indho indheyn gaaban ku sameysanay wadciga dalka Masar uu haatan la galay, noqdayna wadankii ugu horeeyey oo dunida saameyn ku yeesha xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan sanadkan cusub ee aynu ku jirno 2011-ka. Ayaa hadaba su,aashu waxey tahay marba haddii ku dhawaad labbo toddobaad ay dibadbaxyo aan habeen iyo maalin laheyn ay dadka dalkaasi wadaan kuna dalbanayaan in madaweynaha xukunka ka dago, ma iskaga degi doonaa xukunka?? Mise sida madaxda afrikaanka qaarkood ayuu ku safieysmi doonaa?? Mubaarak waxaa laftiisa sheegay inuu ka baqayo in dalku gallo marxalad fowdo ah. Xukunkana ay la wareegaan kooxaha islaaminyiinta ah. Su,shaan jawaabteeda waxaan u deyneynaa waqtiga iyo taariikhda sida ay u qorto. Balse dhacdooyinka siyaasadeed ee Masar waa mid isbadal siyaasadeed ku keeni doona mandiqada barriga dhaxe.

Waxaa diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mubaarak ma bixi doonaa siddii Bin Caligii Tuuniisiya?? "

  1. ikraam cali aadbaan kuusalaamayaa.waa qormo katurjumaysa sida ay usocdaan kacdoonka dunida carabka ka oogan.waana aan kaaga mahadcelinayaa sida aad wakhtiga ugelisay.kheyr ayaan kuurajaynayaa.