Home » Faallo »

Afrika ma Xorbaa Baa ?


Magaca maqaalka waa Su’aal dad weyn, balse dadka qaar baa u qaadanaya in Afrika ay xor tahay, aniga fikirkeyga waxaan dhihi lahaa afrika xor ma ahan waayo Gumeystayaashii Afrika Gumeystay waxay badeen arrimo fool xun oo waaweyn oo dhinaca Bini’aadannimada ah, waxay sidii xoolihii intay dadka qoorta isaga xiraan ku qaadi jireen maraakiib si ay ugu safriyaan wadamadooda, qaarkood waxay ku sii dhiman jireen badda sidaas ayaana Meydadkooda  Badda loogu tuuri jiray, waxaana laga yaabaa  in yar oo ka mid ah dadka la dhoofiyo in ay gaarto wadamada loo dhoofinayey, uur ku taaladaasi afrika weli kama suulin oo meelaha qaarkood waaba laga xusaa.

Markii ay Gumeystayaashu sheegeen in ay afrika siinayaan xoriyad ayaa waxa ay yeesheen kullan waxayna go’aansadeen in afrika gumeysigeeda loo bedelo dhanka Maskaxda taas oo ilaa iyo haatan muuqata in afrika weli laga Gumeysto dhinaca Maskaxda hase yeeshee ukuntii ay aaseen gumeystaha  caddaanka ah weli afrika sideedii bay uga dhex jirtaa oo waxaa loo sameeyey xuduud beenaadyo si ay dagaalo u dhex maraan balse Afrika ma aysan fahmin.

Halgamaagii madowga ahaa ee Mareykanka ka soo baxay Martin Luthar King ayaa isaga oo u dagaalamaya in dadka madowga ah ay la simaan dadka kale ee caddaanka ah ayaa waxa uu yiri “Maalin ka mid ah maalmaha ayaa aad gaari doontaan in aad ka xarowdaan Maskaxda iyo Muraqa” hase yeeshee hadalkaasi uu ka dhawaajiyey halgamaagaasi Afrika sidaas uma qaadan balse weli waxay ku nooshahay duligii uu baday gumeystuhu, sidoo kale Hogaamihii Madowga ee Koonfur Afrika Nalson Mandela ayaa isaga oo abaabulaya in dadka Madowga ee Koonfur Afrika la simaan dadka Caddaanka ah waxa uu ku muteystay in uu 28 sano xabsi ku jiro, hase yeeshee markii la soo daayey waxa uu yiri “waa in ay isku xaquuq noqdaan dadka Madow iyo kuwa cad”, isla markaana Mandela dadkiisa kulama talin in ay dagaalamaan waxayna si tartiib ah ku gaareen in ay qabtaan jagada ugu sareysa dalka Koonfur Afrika ilaa iyo haddana sidii ayay u hayaan.

Dalka Simbabwe oo xoriyadda oo Sideetameeyadii qaatay waxay reer galbeedku ku hayaan cadaadis aad u xoogan kadib markii hogaamiyaha wadankaasi Robert Mugambi uu si cad u yiri “Dhulkaan waxaa iska leh dad madow ah, waayo waxaad nooga soo haajirteen wadamo fog, marka ma ahan in aad manaafacaadsataan kheyraadkeena”, waxaana Simbabwe la oran jiray Damiishii Afrika waayo wax soo saarka wadankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ku filan tahay qaaradda Afrika oo dhan , hase yeeshee Geesigaasi waxa uu garab ka waayey walaalihiisa kale ee Madowga ah ilaa iyo haatanna wadamada Afrikaanka ah wax ka hadalay arrintaasi ma jiraan balse  dad aqoonyano ah oo u dhashay Simbabwi ayaa garab istaagay Madaxweyne Robert Mugambi kuwaas oo sheegay in Madaxweynuhu ku taagan yahay dariiq sax ah, waayo waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in dal uusan ku xadgudbin dal kale gaar ahaan iyadoo la fiiriyo xeerarka Qaramada Midoobey.

Afrika waxay leedahay Aqoonyahano fara badan oo ka cilmi badan dadka caddaanka ah hase yeeshee waxay nasiib daro ka taagan tahay  in reer galbeedku ku guuleystay in Maskaxda afrika iyaga ku xirnaato oo aysan qaadan Karin go’aan gooni u ah, waxaana mararka qaarkood maqleysaa erayo ay Afrika isku liideyso waxaa ka mid ah “Jaamacad hebla iyo Iskuul Hebla waxaa wax ka dhiga dad caddaan ah”, taana waa ii dheh loo sameynayo dadka caddaanka ah, waayo qofka madow iyo qofka cad alle isku si ayuu u abuuray waxayna ku dhasheen min 9 Bilood marka cid aqoonta la dhalatay ma jirto waxayse dadaalka qof ahaaneed ee la geliyo, Afrika waxay leedahay kheyraad far Abadan sida Shidaal, Dhul Beereed, Macdin, Xoolaha nool iyo Bad, waxaana wadamada Afrika ee laga helay qaar ka mid ah kheyraadkaasi waxaa ka shaqeeya shirkado shisheeye taasna waxaa u sahaley dagaalkii Maskaxda ee Afrika lala galay laguna qabsaday.

Reer Galbeedku waxay ku guuleysteen in Afrika maamulaan taas oo keentay in Afrika ka dhaadhacyo in aysan waxba qabsan Karin, waxaad maqleysaa Wadanka Afrikaan oo ciidankiisa iyo shaqaalihiisaba ay mushaar ka sugayaan Wadan ama Hay’ado shisheeye oo caddaan maamulo welina ma aysan qaadin wadooyinkii ay u jeexeen raggii madowga ahaa ee  u soo halgamay in Afrika ka xorowdo dhinac kasta.

Waxyaabaha la yaabka leh oo afkrika laga dhaadhiciyey waxaa ka mid ah in ay jirto Duni saddexaad oo loola jeedo Afrika iyadoo lagu liidayo, markaan caqiido ahaan ka fiiriyo Diinta Islaamka Alle (SCW) waxa uu abuuray hal Duni mana jirto wax la yiraahdo Duni koowaad, Duni labaad iyo mid saddexaad, inkastoo Afrika lagu tilmaamay Duni saddexaad haddana waxaa dhihi karaa waa isha koowaad ee kheyraadka adduunka tusaale Yurub iyo Mareykan waxay keliya farsameeyaan kheyraadka Afrika uga yimaada sida Shidaal, Macdanta, Dallaga, Xoolaha nool iyo Kalluunka marka akhristow afrika sow laguma tilmaamo karo in ay iyadu tahay Dunida koowaad haddii Adduunka la kala qaadqaadayo xitaa reer Yurub iyo Mareykan dadka afrikaanka ah ee wax ku bartay wadamadooda waxay ka dhaadhicyeen ama ay geliyeen in aqoontooda ay la joogaan reer galbeedka haddii kale aysan wax u qabaneyn haddii ay dib ugu laabtaan Afrika.

Haddii aan u soo labanayo dalkeena Soomaaliya waxaa si weyn uga jira gumeysiga maskaxda ee uu ka tegay Gumeystihii dalka soo maray, waxaana mararka qaarkood aad maqleysaa iidhehyo ama ogeysiisyo ka baxa idaacadaha dalka ku yaala sida “Isbitaal ehebel waxaa ka hawlgalaya dhakhaatiir caddaan ah”, marka Idaacadda intaa laga dhageyso waxaa isbitaalka buux dhaafiya dad fara badan iyagoo aaminsan in caddaanku ka fiican yahay ama aqoon badan yahay dhakhaatiirka dalka u dhalatay ee dalka ka hawlgala, waxaa sidoo kale maqleysaa “Jaamacad heblaaya waxaa wax ka dhiga Macallimiin Hindi ah ama caddaan kale ah”, iyadoo la heli karo aqoonyahano Soomaaliyeed iyadoo taasi jirto oo la yasayo aqoonyahanada soomaaliyeed aan ku xasuusiyo in dhawaan wiil soomaaliyeed oo uu daaha ka rogay in la hakin karo faafitaanka cudurka Kansarka oo horey ay dad caddaan ahi ugu caal waayeen ama wax ka qaban waayeen.

Waxyaabaha kale ee la yaabka leh ee weli Afrika ka jira waxaa ka mid ah waxaad arkeysaa Hooyo Soomaaliyeed oo mudo wiilkeeda ugu dambeysay oo dhaheysa marka la yiraahdo wiilkaaga la hadal “Ma Axmedaa”, “Haa Hooyo”, markaas ayay inta yaabtu waxay leedahay “Ar gaalaa, ma hadduu wiilkeygii oo kumnaan Mayl iga hadlayaa ” oo ay ula jeedo ama iska dhaadhicisay in caddaanku uu ka karti badan yahay dadka madow isla markaana uu isagu suurageliyey in Masaafo intaa la eg lays kala hadlo waxaana sidaas qaba inta badan dadka Soomaaliyeed balse Culimadda Islaamka ayaa sheegay in aan la dhihi Karin “waxaan waxaa soo saaray Gaal”, waxayna amreen in la yiraahdo “Waxaa soo saaray Insaan”.

Gumeysiga Maskaxda ee Qaarada Afrika oo weli sii laba kacleynayo ayaa waxaa reer Galbeedku u sameysteen Ururo Caalami ah oo weli aysan Fahmin dadka afrikaanka ah isla markaana Iloowsiiyey Xanuunkii  Addoonsiga waxaana Jiriracoodaa markaan arko dad Madaafiic lagu laaynayo oo qaar dhintey qaarna uu soo gaarey Dhaawac Culusl ayaan Hoosta ka iraahdaa dadkaan Miyeysan afrikaan ahayn oo aysan u naxayn Walaalahooda kale ee ka soo wada jeeda Qaarada afrika Ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho  waxaa dhab ah in dalka  ay keeneen Yurub iyo Mareykan iyaga oo fulinaaya Danahooda marka Goormey fahmi daanaan Gumeysiga Maskaxda ee Reer Yurub iyo Marekan

Yurub waxay ka midowdey dhinaca lacagta , Basaboorka iyo Ciidamada  hase yeeshee dhowr jeer oo  Afrika isla soo qaadey Midnimo ayey ku kala dareereen Shirarkoodii  iyaga oo fulinaya Danaha Reer Galbeedka waxayna u muuqataa in aysan midnimadooda ay aad u fog tahay

Isku soo wada duuboo afrika waxaad moodaa in marba marka ka dambeysa ay ka sii liidaneyso, halka wadamada Aasiya ku talaabsanayaan horumarka isla markaana Aasiya inteeda waxay iska tuurtay heeryadii gumeysiga ee dhinaca maskaxda ah waxaa qaar ka mid ah dalalkaas haatan la tartamayaan Wadamada reer  Yurub oo waxaa lagu darey dalalka la isku yiraah G-20 haddaba afrika waxaa looga fadhiyaa in ay la timaado qorshe ay uga hoos baxeyso heeryada gumeysiga ee dhinaca maskaxdda ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail aminkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Afrika ma Xorbaa Baa ? "

  1. asc Amiin Khasaaro sxb guuleyso waligaa, niyad wanaag iyo karti aan nagu jirin ayaan ka helnaa maqaaladaada, kan hada aan akhriyayna waxuu maskaxdayda ka badalay waxyaabo badan, waxaanse ku talin lahaa in maqaalkan latarjumo wuuna igala qiima badan yahay maqaaladaadii wada wanaagsanaa ee hore aad u qortay, shakhsi ahaan ayaan kuu aqaanaa walaal ilahay cimrigaada ha dheereeyo, wadankana ilahay hanoo dajiyo qurbo joog waxba tarimaa waao u xiisnay wadankena (Soomaaliya Soomaali baa keh, Afrikana Afrikaankaa leh.

  2. A.c.w.w salaan ka dib walaalkey amiin aad ayuu umahadsan yahay aad iyo aad ayuu umacaan yahay wuuna i dhiira geliyay waana fikrad dhab ah oo xambaaqsan aqoon qoto dheer anaguna aan aad ugu baahneyn

  3. c/samed says:

    ASC,, Amiin yuusuf ilaahey hakaa abaal mariyo,, qoraaladaada fikirka iyo cilmiga xambaarsan kuna dharjinaya,, runtii aaduu ii dhiiro galinayaa maqaalkan,, waxadba moodaa in hadda maskaxda la iga heysan,, insha’alaah waa laga gudbayaa xaalkan,, afrikana waa loo soo biyo doonan doonaa,,

  4. m.faratoon. says:

    Aad iyo aad ayaan ugu bogay maqalkan…..balse waxaan ku dari laha waxaaba africa gumaysiga usii dheer ugu darani waa hada saxaafada rer galbeedka oo si buunbuunisa crisiska qaarada sida gaajada cudurada iyo waliba dagaalada..
    waxaad moodaa inay si aad iyo aad colorful ah u dhigaan wararka qaarada hadii ay tahay dhaqandhaqaalaha africa.
    teeda kale waxay africa iyo somaliya u sawireen meel la isku cuni…waana gumaysi ugu khtarsan ilaa maant ay dhalinyartii ka qaxaysaa qaarad iyo dadkii wax bartay…lakin inta kale walaga baxaa hadii ay tahay gajo, cudur,balse waxaa ugu dara tan maanta oo ah dadka oo niyada laga dilay iyo nuxurkii dadka oo laga fuuqsaday sida maraqa subaga xagiisa sare looga fuuqsado ayaa subagii qaarada loga fuuqsaday. mahadsandiin.

  5. Aamiin waad mahadsantahay sxb. dhowr jeerna waan arkay in aad qortay faalooyin wanaagsan. waana hubaa in aad awood uleedahay in aad curiso qoraal la taaban karo oo feker iyo mabda’a xanbaarsan. laakiin waxaan ku leeyahay si aan uga baxno gumeysiga xaga maskaxda ah waxaan u baahanahay aqoon iyo dad wax qora oo keydiya aqoonta. wax walba oo aqoon iyo waayo aragnimo leeyahay weyna dhaafaan. oo qofku wuu la dhintaa marka adigu buugaag qor oo waari meyside aqoonta noo reeb…

  6. ASC

    Amiin yuusuf,aadbaan kaaga mahadcelinayaa qormadan aadka ulayaabka badan oo haddana cilmiyeysan.waxaa xaqiiqo ah in ay africa weli hoos taallo ama ay hoostagto wadamada awoodda isbidaya ee yurub iyo maraykanka. waxaad katagtay in dhawaanahan ay cayba kanoqotay magaca africa wadankeena soomaaliya,waana kan ugu liita haddiiba lagugu sheego”waar ileen qofku africaan ayuu ahaa!!! adeer sow africa majoogno!!! allla ma anniga oo aan africa kategin ayaan dhimanayaa!!! hadaladaa iyo hadalo kale ayaabay hadda dhalinyaradda africa halhays kadhigteen, ka aad doonaysid in aad liidana waxaa loo adeegsadaa africa markaa alle hanoo sakhiro oo africa ha ugu deeqo hogaamiyayaal ubabacdhiga horarada cadaanka ee maskaxdii shacabka africa kagumaysanaya.Ta kale,waa in dhalinyaradda africaanka ah lagu barbaariyaa in ay kahoos baxaan maskax guamaysiga caddaanka .mahadsanidin