Home » Warar »

Gaari Zuu ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda FKMG oo Xasuuq u geystey Dad Rayid ah oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka Banaadir


(Waa arrin la yaab leh in shaqsi inta soo ka xaysta Gaari ku Calaamadeysan astaan Ciidamada Dowladda  uu Xasuuq u geysto Dad Rayid ah ) –

(Inta lagu hayo Cidamada Beel Hebla iyo Ciidamada Hebel  Shacabka Muqdisho ka dheer Dowladnimo )

Isniintii Saacadu ahaad 4 Barqabnimo ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda FKMG  Gaar ahaan kuwa loo yaqaan PIS-ta waxay toogasho ku dileen nin la sheegay in uu watey Bastoolad oo Marayey cibitaalka Banaadir hase yeeshee ninkaas ayaa lagu waramey in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowlad ee fariisinka ku leh EX –kontorool ee Afgooye markii loo geeyey Maydka Askarigaas ayaa waxaa dhacadey in ay Isbitaalka yimaadeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda FKMG ee EX- Kontorool  waxaana la sheegey in Israsaaseyn dhexmartey iyaga iyo Ciidamadii joogey Isbitaalka.

Ciidamadii dib bay ugu laabteen EX-kontorool markii ay badiyeen qayla dhaantooda ayaa waxaa soo raacey laba Gaari oo tikniko ah oo ahaa Gaari Zuu oo lidka Diyaaradahaah  iyo Gaari Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay Qoriga Dhashiikaha waxaana lagu waramey in markii ay soo gaareen Isbitaalka Banaadir uu Gaarigii Zuu-ga ahaa uu rasaas ooda kaga qaadey dadkii Rayidka ahaa ee ku sugnaa agagaarka Isbitaalka Banaadir kuwaas oo isugu jirey dad ku ganacsaneyey Isbitaalka agagaarkiisa, dad Tagaasi u taaley Isbitaalka , Shaqaalihii Isbitaalka  iyo ardey wax ku barata Isbitaalka Guddihiisa iyo Dad rayid ah oo marayey Agagagaarka Isbitaalka waxayna Dhimashadu Caga-cageyneysaa ilaa 20 Qofood  oo u badan Rayid iyo Dhaawac gaaraya 45 qofood oo badankoodu uu ahaa dhaawacooda mid halis ah.

Dhacadadaan Xasuuqa ah ayaa ah kii ugu xumaa ee ay geystaan Ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG  iyadoo maalimihii la soo dhaafey ay sii korodheysey Israsaaseynta Ciidamo ka wada tirsan Ciidamada Dowladda KMG waxaana markasta Israsaasyntaas  waxyeelo ka soo gaartaa dad Rayid oo aan waxba galabsan  ilaa iyo hadda ma jirto wax wax ka qabtey Dhibaatadaas soo noq noqotey

Waxaan  ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Isbitaalka Banaadir oo howlo Shaqo u tagey halkaa waxaana goob joog u ahaa dhacdooyijnkii halkaa ka dhacay waxaa iigu yaabka badnaa markii Madax iyo Saraakii ka tirsan Dowlada FKMG oo ku sugnaa Isbitaalka  ay ku dhawaaqayeen hadalo aan u wanaagsaney Dowladnimada waxaa ka mid ahaa” waxaa noo soo gurmanaya oo Ciidamadaan kala dhexgalaya Ciidan ina hebel  iyo Ciidanka ina Hebel “ waxaan hoosta ka iri” Dowladnimow ba’ waxaan maqli jirey waagii dowladnimada jirtey marka     Mashaqo dhacdo iyo  arrimo kale” Waxaa soo socda Ciidanka Gurmadka Deg dega ah , Ciidamada Daraashiista , Ciidmada Booliiska , Ciidamada Sida Booliiska u tababaran iyo Ciidamo kale  oo ah kuwa Astaan Dowladeed ka muuqata maanta waxaa bedeley Ciidanka ina Hebel iyo Ciidan Beeleed  sidaas Dowladnimo laguma noqon doono.

Hada ka hor aniga oo ku sugan Isbitaalka Madiina kuna dhex jirno Xafiiska Isbitaalka ayaa waxaa isbitaalka soo galey Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG oo Waraaq Caafimaad wata markiiba waxaa la Hadley Agaasimihii Isbitaalka markuu yiri “{Ciidamadee ama  ururkeeama Guutadee  baa ka tirsan tahay”  Markaas baan hoos iska iri Ururkee ama Guutadee ayuu ka tirsanaan doonaa “ wuxuu yiri “ War urur iyo Guuto ma aqaane waxaa ka tirsanahay Ciidamada in hebel isaga oo markaas tilmaamaya Ciidamo uu leeyahay mid ka mid ah Qabqabalayaasha Muqdisho” markiiba Agaasihii iyo aniga aad baan u yaabney  aad baan u naxay waxaan gareystey dadka ku nool Muqdisho ay in Cabaar ah u jirto wax Dowladnimo La yiraahdo waxaana Xaqiiqo in  sidaan lagu  noqon doonin Dowladnimo waayo markey maalin weliba ay israsaaseeen Ciidamada waxaa dadka muqdisho la soo boodayaan Ciidamo Hebel iyo Hebel baa dagaalamaya Xitaa Dowlada Federaalka waxay ka gaabisey in ay Ciidamada isku darto oo ay u dhisto sidii Ciidamo Qaran waxaana dhab ah in Xasuuqa maanta dhacay uu yahay mid sataan u ah sida Dowlada uga gaabisey Dhismaha Ciidamo Dowladeed waayo haddii askari Askari kale sidaa u fiiriyo in la soo kaxaysanayo Gawaari dagaal iyadoo la adeegsanayo Shaar Qabiil waxaa ka sii yaab badan in maanta  in beel ay weli haysto Hubka waayeyn oo Dowlada looga fadhiyey in mar hore xareyso Hubkaa  oo aad ku arkeysid Dariiqyada Muqdisho iyadoo maanta ay jirto ragg kaaba maleeshiyo oo haysta Hub waaweyn uu weli ku sugan yahay deeganada Dowlada ka taliso

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Gaari Zuu ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda FKMG oo Xasuuq u geystey Dad Rayid ah oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka Banaadir "

  1. adirisaq says:

    Ciidan Somaliyeed waxan weligeen u niqinn nin lagu soo qorey sifaalo wanaagsan, loo dhaariyey dalkiisa markuu tababarka dhammastey, lagu dhafay xubno isaga la mid ah oo isaga yimid dalka qaybihiisa kala duwan loo xiray astaan muujinaysa inuu ilaalinayo shacabka, dalka ,diinta iyo calanka Somaliyeed oo kulletiga afkiisa loo surey calamd ka kooban calnki buluugga ahaa ee Somaliya.
    Haddaba ciidanka kooxaha hadba isugu dhacayaa magacooda maxaan u bixinnaa?

    MiddAa labaad qoriga Zuu la yiraa waxa Ruushku u sameeyey diyaarad in lagu qarxiyo, waa qori tiiro dheer haddana ah boobe culus oo xabbaddiisu leedahay gal ku bir ah oo ku wareegsan lagana buuxiyey walxo qarxa oo loogu talo galay marka ay wax adag taabato inay u qaraxdo xabddiiba intaas oo firir sida bambada.
    Haddaba qoriga sidaas halista u ah oo marki horeba in aadami lagula dagaallamo ay sharci darro ahayd muxuu ka qabanaya bartamaha isgoyska banaadir. waa suaasha aan isweydiinayo intaan loo imaan xabbaduhu waa fakadeen iyo ma fakan.ma dagaal culus oo markaas socday ayuu kusoo gurmaday?
    Midda labaad intaas oo dhimasho iyo dhaawac ah ma xabbad fakatey baa keentey?
    Tiro labo jeer ayaan mediaha ku arkey askar la leeyahay waa la toogtey dad ay dileen awgeed, waxaan rajaynayaa maxkamddi xukuntey inay weli shaqaynayso.

  2. mubarig says:

    waxay ila yahay in an ilahay amiino oo an iska dayno waxa kolba wadan lagu soo dhisayo ee shadh dawladeed loo galinaayo. aduunka ma soo marin dawlad wadan kale lagu dhisay oo hir gaasha, xata hadad tiidhaahdiid bosnia ayay ka dhacday.jawaabtu waa maya bosnia dhex dooda ayay heshiis ku gadheen. inaga hadii ilaahay in amiino oo an qabiil iska dayno waan gadhayna, lakiin qabiil iyo nin jeclaysa ayaan wax kasta ka hor marinaa

  3. Ahmed says:

    aniga waxaas waxaa igala daran hadda,
    in kuwiicusbaa ee ahaa Diasparaha ay hadda u egyihiin hogaamiye kooxeedyo oo ay ciidan iyo askar sameeysanayaan.
    dhanka kale majirto dowlad ciidan isku dari karta sabata ayaa ah
    Madaxda wadanka Ciidan u ah mid kasta qabiilkiisa,
    waxaan talo kusoo jeedinayaa madaxda Soomaaliyeed Ciidankooda haka bilaabeen in la isku dhafo oo isku dar haku sameeyaan, si ciidanka kale ay ugu noqoto tusaale ama wax kudayasho mudan

  4. waxan halkan kaga hadlayaa ra;gaga oo kooban intabada warku waa mid aan kabagal laheen ama tixraac meel looga sooharo hadaan ahay aqriste somalitalk waxan jeclahay in aan mar wal bo war bixin dabagal ah raadiyo taasina ii masuuragalin in aan helo bal aaniwaydiiye ma lahan miyaaaaaaa

  5. Togane says:

    Ciidaanka noocaas ah ayaa la rabaa in ay soo celiyaan kala dambeyn iyo dowladnimo.

    RWasaarahana FARMAAJO kuwa uu maalin walbaa ku faano marka u joogo golayaasha caalamiga ah waakuwaas.

    Su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay: yaa dhaama ALSHABAAB?!

  6. Adam Abuzhri says:

    Fadlan ila qaada heestaan adinkoo iga raali ah:
    Aduunyada nin nooloow
    maxaa aragti kuu laaban
    maxaa aragti kuu laaban.
    Sorry haddii aan jajabiyey heestan oo aan waayo kamaqli jirey Idaacadii codka Ethiopia ee Afsomaliga, waayo waayo.