Home » Warar »

Puntland: Wasiiro xilkii laga qaaday

Wareegto ka soo baxday Puntland ayaa xilkii looga qaaday Afar Wasiir iyo Wasiir ku xigeen, waxaana lagu bedeley wasiiro cusub. Wasiirada xilkoodii waayey waxay kala yihiin: Axmed Cilmi Cismaan (Garaash) oo ahaa Wasiirkii Duulista iyo Garoomada, Cabdixakiim Axmed Guuled oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta, Maxamuud Nuur Xirsi (Cagweyn) oo ahaa wasiirkii Isboortiga & Shaqaalaha iyo Xasan Cabdi Axmed oo ahaa wasiirkii Beeraha iyo Waraabka.

Wareegtada oo soo baxday Janaayo 28, 2011 waxaa saaafadda u akhriyey Axmed Caydiid oo ah agaasime ku xigeen Madaxtooyada Puntland.

Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xilkaqaadis_jan28.mp3]

Wareegtada hoos ka akhri…

Xeer Madaxweyne Lambar 17, taariikhduna tahay 28.1.2011 kuna saabsan isku shaandheyn Golaha Wasiirada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland: Markuu arkey Dastuurka Dowlada Puntland,
Markuu la tashaday M/weyne ku xigeenka Dowlada Puntland,
Markuu texgeliyay baahida loo qabo in isku shaandheyn lagu sameeyo,
Golaha Xukuumada Puntland si kor loogu qaado shaqada tayada iyo waxtarka Wasaaradaha,

Waxa uu xeeriyay Madaxweynuhu Magacaabida Xilalkan:

1. C/wali Xirsi Cabdule — Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Cali Askar — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka
3. Eng. Maxamuud Xaaji Saalax — Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka
4. Axmed Cali Gamuute — Wasiirka Waraada Duulista Hawada & Garoomada

Wasiir-xigeeno:

1. Maxamuud Maxamed Idiris — Wasiir  ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada
2. Faarax Siad Cilmi — Wasiir ku xigeenka kaliya ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
3. Burhaan Cilmi Xirsi — Wasiir ku xigeenka Wasaarada Degaanka
4. Cismaan Cawad Cali — Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Sportiga & Dhalin-yarada
5. Axmad Cigaal Cawaale — Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka
6. Faarax Cali Cabdi — Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud & Gaadiidka

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo

Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed
Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somaliya

###

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.