Home » Warar »

Shirkii Norway oo Digniin loogu diray DFKMG

iyo Magacyada dadkii ka qayb galay shirkaas….

Kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, looguna magac daray “Kulanka Nabadda, Wadahadalka iyo La dagaalanka Xag-jirnimada” oo lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway 13-14kii Janaayo 2011 ayaa waxaa ka qayb galay dalalka loo yaqaan NORDIC (Norway, Denmark, Finland iyo Sweden).

Qoraalkii lagu furay kulankaas ayaa xubnihii ka socdey DFKMG ee shirka tegey waxaa loogu sheegay in qorshaha ay soo jeediyeen qaar kamid ah deeq bixiyayaasha (Maraykanka) ee loogu magac daray “Dual-Track Approach” (oo ah in isku si loo tixgelinayo DFKMG iyo maamulada ka jira Soomaaliya) in arrintaasi ay u tixgeliyaan soo dhaweyn iyo digniin. In ay soo dhaweeyaan sababtoo ah waxaa dhici karta in ay arrintani xiriir u noqoto DFKMG meelaha aysan awooda u lahayn in ay gaarto. Laakiin waa in sidoo kale ay digniin arrintan u qaataan sababtoo ah haddii DFKMG aysan samayn isku day aad u weyn si ay (shaacabka) u gaarsiiso adeegyada asaasiga ah – oo aysan kasban shacbiyad, markaas waxaa dhici karta in si tatiib tartiib ah ay (DFKMG) u noto mid aan qiime badan ugu fadhiyin shacabka.

Magacyada xubnihii kulankaas uga qayb galay DFKMG ka eeg HALKAN.

Qoraalkii hordhaca ahaa ee Norway ka akhriday kulanka ka eeg Halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.