Home » Warar »

Mahiga oo Bilaabey in uu dhexdhexaadiyo Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole

iyo Shiikh Shariif oo Khamiistii ku soo laabtay Muqdisho –

Iyadoo dhawaan Maamulka Puntland uu ku dhawaaqey in uu xiriirkii u jarey Dowladda Federaalka ee uu Madaxda u yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed  iyagoo ku eedeeyey Dowlada Federaalka in ay ka soo horjeedo Horumarka Deegaanada Maamulka Pundland,  hase yeeshee waxaa jira in la sheegay dhab ahaan in  Maamulka uu ka xumaadey Hadal ka soo yeerey Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ku saabsan in uusan ka qaybgeli doonin Xaflad loo sameynayey Cidamoo Tababar loogu soo gabagabeynayey Dalka Jabuuti haddii lagu martiqaado Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxaan Faroole.

Maamulka Pundland ayaa qoraalo u kala direy Qaramada Midoobey hayadaha Caalamiga ah oo ay ku saabsan in Dowlada Federaalka wixii haatan ka dambeeya aysan Wakiil ka hayn islamaarkaan waxay soo jeediyeen Dowladaha Caalamka  in wxii martiqaad ah aan loo soo marsiin Dowlada Federaalka oo ay sheegeen in aysan ogoleyn Horumarka Deegaanada Pundland.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dib ugu soo laabtey Dalka Jabuuti ka dib marii uu sidaa ka codsadey Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya  Mahinga  si loo dhexdhexaadiyo Shiikh Shariif Shiikh iyo  Cabdiraxmaan Faroole hase yeshee mar uu Cabdiraxman Faroole ka baxayey Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa uu sheegey in uusan wax wadahadal aysan la geli doonin Dowladda Federaalka oo uu ku eedeeyey in ay is hortaagtey Horumarkii Maamulka Puntland

Warar kale ayaa sheegaya in xitaa Dowladda Jabuuti iyana ku howlan tahay in ay dhex dhexaadiso Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Cabdiraxmaan Faroole  waana midda soo dedejisey in uu dib ugu oo laabto Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Dalka Jabuuti

Raiisul Wsaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa laga soo xigtey in uu aad uga xun yahay in Pundland ay waqtigaan Tiraahdo Waxaan Xiriirkii u jarney Dowlada Federaalka isagoo sheegey in arrintaas ay ka faaiideysanayaan kooxaha ka soo hoejeeda Dowlada Federaalka  wuxuu kaloo uu sheegey in uu si dhaqsi u dhexgeli doono labada dhinac.

Oodyaasha Beelaha Hawiye ayaa iyana si aad ah ugu Xumaadey hadalka ka soo yeerey Maamulka Pundland  ee ahaa in ay Xiriirkii u jareen Dowlada Fedraalka waxay ka codsadeen in ay arrintaa dib u eegaan waayo ayey yiraahdeen Dowlada Federaalka iyo Maamuka Pundland waa  kuwo aan sinaba u kala maarmin

Ma aha markii ugu horeysey in in uu Xumaado Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Maamulka Pundland hore ayey maamulka Cabdiraxmaan Faroole u sheegeen in ay xiriirkii u jareen Dowlada Federaalka .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Khamiistii dib ugu soo laabtey  Magaalada Muqdisho ka dib markii uu Booqoshooyin ku soo kale bixiyey Wadamada Jabuuti iyo Masar waxaana la filayey in uu la kulmo Wakiilka Qaramada midoobey ee soomaaliya oo isugu ku howlanaa Dhexdhexaadinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Cabdiraxmaan Faroole waxayna wararka ay sheegeyaan in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu mar kale dib ugu laabanayo  Jabuuti iyadoo imaashihiisa Muqdisho lala xiriirinaya arrimo dhinaca  Amaanka ee Magaalada Muqdisho.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Kulan ay ka dambayso xukuumadda Gumeysiga Itoobiya oo lagu qaban doono Minneapolis

Hayada EDCO oo ka Deyrisey Xaalada Dad ka soo Barakacay Tuulooyin Ka Tirsan Degmooyin Buula Burde , Jalalaqsi iyo Buurweyn

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Mahiga oo Bilaabey in uu dhexdhexaadiyo Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole "

  1. Xumata laga maleegayo degmada Mogadishu waxba u dhimimeysa horumarka balaran ay ku tiisaynayso Dowlada Puntland. Kuwa ku xareysan 2kilo waxaa u fiican in ay joojiyeen xumaha ay farah kula jiran. Waxaan ka xumahay weli in uu fahmin Sheekh Shariif raadinta dowladnimada Somalia

  2. Mire says:

    Ac

    Puntland waa carootay waxayna ka carootay ayaa jira balse faahfaahin dheeraad ah Kama bixin aan aheyn horumarkeenaa lagasoo horjeedaa iyo heshiis ayaa nalooga baxay, waxaad xaq u leedihiin in si wanaagsan la idiinla shaqeeyo maadaama aad tihiin maamulka kaliya ee nabdoon hadana taageersan DFS marka bal sharaxaad dheeraad ah ka bixiya sida wax u jiraan si dawladaan taagta daran waxaad ka sugaysaanba aysan meesha

  3. AJ says:

    SOOMAALIYA waxay u baahantahay hoggaan cusub.

    Sheekh Shariif ma aha nin leh heybad iyo karti uu Soomaali isugu keeni karo
    Xataa wuxuu la heshiin waayey Puntland, Garowe ma booqan, Galmudug ma booqan. Wuxuu ku shaqeyaa talada ay u jeediyaan niman qabiil dardary
    Madaxweyne Faroole boqolkiib boqol waa saxsanyahay, Ilaahow Shariif nin dhaama u keen Soomalida dhibaateysan

  4. DAWARSATA DARIIQEEY ISKU NACDAA

    Putland Qaskeeda hanala dhaafto aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay
    Dhib oo dhan ayuuda nooga yimid
    Adeerayaal na dhaafa sida Somaliland noo dhaaftay aan kala nasanno intaan isaga imaaneena
    waxaan yar ee meelaha lagasoo Dawarsado kama badna 2 Shariif
    mise Putland boor ayey isku qarineesaa oo oohintu orgiga kawayn?

  5. Magan says:

    Somalitalk waan idin salaamay Waxaa Xaqiiqo ah in mushkilada na haysata aysan sahlanayn beesha caalamkuna aysan waxba ka qaban karin haddii ay ka dhabtahay inay waxka qabtaan xitaa, waxaad arkaysaa sanad walba khilaaf taagan oo ergayga gaarka ahi uu xalinaayo. miyaan wax laga xishoodo aysan ahayn dadkii wadanka u istaagay inay dib u soo celiyaan inay isku qabqabsadaan wax danahooda gaarka ah ama wax aanan saas u buurnayn oo laga tagi karo.Mida kale markaad is tiraahdo dawladii somaliya haday istaagaysaa waxaa soo baxaaya khilaaf lugta sii jiidaaya oo hoos u sii celinaaya.

  6. Abdirisaq says:

    Qarannimadu ma aha wax cayaar cayaar gala.
    Arrimaha maalmahan soo duulduulayana waa arrimo aad xasaasi u ah.
    Qalad yar oo si wax isu daba maraan ayaa keeni kara in meel aan laga soo noqon karin (point of no treturn) oo halisa ka tuuro jiritaanka iyo qarannimada dalka Somalia.
    Waxaan ognahay arrinta loo maaro waayay iyo burburka iyo barakaca aan dhamaadka lahayn ee aan ka dhaxcalnay dagaalladi aan la qorshayn ee sokeeye.

    Annaga oo og xaalado aad isu baraanbaraya in ay ku xeeranyihiin dalka Somaliya maanta oo aad mooddo sidi neef xanuunsan oo habar dugaagti yaryareyd iyo haaddu ku dul waregayaan si marka uu ax dhigo oo dhinac u dhaco ay micida iyo ciddiyaha ugu kala boobaan hilibkiisa.
    Waxaa haddaba qof kasdta oo muwaadin Somaliyeed ah la gudboon in aan hoos loo eegin caro yar is dhaliil iyo dareen tuhun ku dhisan ama gocoshhooyin aan saas u fogayn oo aan indhaha sare u qaadnaa fahamnaa xilka nagasaaraan sidi aandalkeenni qayrkiisa ka harey,noqday mid tusaale fashalka ah caalmka loogu soo qaato aan dib ugu celin lahayn maqaamki iyo sharafti uu xaqa u lahaa.
    waa in haddaba aan ka hortagnaa wax kasta oo khilaaf kale iyo luggooyo kale nagu sii abuuraya waana in idaacad iyo urur, masuul, iyo shakhsiba aanan ka qayb qaadan buunbuuninta arrimaha shartooda aan la xakamayn karin.qof waliba kheyrka dadka dalka usoo jeestaa.
    Waxan hubaa markaan isku qalbi noqonno oo wax wadaqabsanno in uu naga badan doono dalku jago, dheef, iyo nololba.