Home » Warar »

Baarlamaanka DFKMG oo la sheegay in Beesha Caalamku u ogolaatay in 3 Sanno loogu daro Waqtigiisa

Shariif Xasan oo ku gacanseyrey in la Dhimo Tirada Xubnaha Baarlamaanka isagoo ku Taliyey..

Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu waayadan ku hawlanaa sidii Baarlamaanka loogu kordhin lahaa mudada uu jirayo iyadoo xilkiisa uu ku eg yahay 22-ka Agoosto 2011 waxaana hadda soo baxeysa warar sheegaya in Beesha caalamka ay ogolaatay in mudo 3 sano ah loogu daro jiritaanka Golaha Baarlamaanka.

Beesha Caalamka ayaa ku tirtirsiisay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan in la dhimo tirada xubnaha Baarlamaanka oo hadda ah 550 xildhibaan kuwaas oo  Mushaar ka qaata hay’ado caalami ah hase yeeshee beesha caalamku waxa ay sheegtay in aysan awoodin in ay Mushaar siiso tiro intaa la eg oo xidhibaano ah, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu waramay in uu qoraal u gudbiyey beesha caalamka oo uu ku sheegayo in haddii la dhimo xubnaha Baarlamaanka uusan baarlamaanku isku dheeli tirnaan doonin maadaama Baarlamaanku ku dhisan yahay qaybka qaybsiga 4.5. Qoraal kale oo la sheegay in uu guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyey beesha caalamka ayaa waxa uu ku sheegay in tiro badan oo Baarlamaanka ka mid ah aysan sida caadiga ah soo xaadirin fadhiga baarlamaanka isla markaana aan mushaar qaadan waxa uuna ku taliyey Guddoomiyuhu in sida hadda uu yahay Baarlamaanka lagu daayo haddii kale wuxuu sheegey in ay bilaabaneyso is qab qabsigii Beelaha .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxa uu ku wargeliyey Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda in marka la gaaro bisha Agoosto ee sanadkaan ay gebi ahaanba mas’uulyiinta sare u dhamaan doono xilalka ay hayaan, kadibna Baarlamaanka loogu daray saddexda sano uu dooran doono mas’uuliyiinta sare ee Dowladda sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu waramay in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay si aad ah u soo dhaweeyeen arrinkaasi.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa dhiniciisa ka wada dadaal uu ku doonayo in mar kale uu dib ugu soo laabto xilka madaxweynimada mudad 3-da sano ah ee soo socota, waxayna siyaasiyiin ku dhow dhow madaxweynaha DFKMG noo sheegeen in arrimahan xil kordhinta ay si aad ah uga wada hadleen madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele maadaama 31-kii Janaayo 2009 lagu soo doortay Sheikh Shariif dalka Jabuuti.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Beesha uu ka dhashay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ay qoraalo u gudbiyeen Beesha Caalamka ay kaga dalbanayaan in Sheekh Shariif aan dib loogu soo celin xilka Madaxweynimada iyagoo sabab uga dhigay uusan waxba ka qaban xaaladda Magaalada Muqdisho iyo dagaalada weli ka sii socda Gobalka Banaadir oo ay sheegeen in uu si gaar ah u saameyeey.

Beesha caalamka oo iyadu isteersada u haysa arrimaha Soomaaliya ayaa waxay kullamo gaar gaar ah la leeyihiin mas’uuliyiinta ugu sareeya Dowladda FKMG iyagoo mas’uul kastaba si gooni wax ugu sheegaya, waxayna si aad ah u danayneysaa in xilka loo kordhiyo Dowladda jirta. Hase yeeshee Markii  Madaxweyne  loo soo magacaabey Shiikh Shariif Shiikh  Axmed wax isbedel Shacabka ma dareemin oo Dagaaladii weli way ay sii socdaan  iyo weliba Barakacii Dadka hese yeeshee markaad  la sheegeysitid  Shacabka waxay kuu sheegayaa in ay doonayeen in gabi ahaanba baneeyaan xilka  Dhamaan Masuuliyiinta Dowlada FKMG iyo Xildhibaanada Baarlamaankuba.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Shirkad laga leeyahay Norway oo Heshiis Cusub oo 10 Sano ah la gashay DFKMG, si ay u “ilaaliso” Kalluumaysiga Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Baarlamaanka DFKMG oo la sheegay in Beesha Caalamku u ogolaatay in 3 Sanno loogu daro Waqtigiisa "

  1. Ordaaye says:

    Waxaan filayay doodu inaysan ahayn in la dhimo barlamaanka ee waxay iigu muuqatay in dhammaan la kala diro. Ugu yaraan si loo helo kuwo kuwaa ka fiican ama dhaama.
    Laakiin duacadii waxay ahayn ilaahow hanagu saladin midaan kaa baqayn anaga aan noo naxayn.
    Maraykanku waxaa ku haboon inay Tunisia ku quus qaataan, shacabka Somaliyeed ayaan u hor kicidonaa si loo rido loona kala diro burcaddaan sharciyadda haysata. dambi weeye in muddo kale ay umadda hortaagnaadaan. saddexda mushkiladood ee Somaliya ka jiray qaybta ugu yihiin.

  2. Anigu waxeey ila tahay in Madaxwene Shiikh Shariif uu ka daranyahay Raisulbaarlamanka ninka madaxda u ah ee lagu magacaabo Shariif Xassan Sheekh Aaden oo runtii aadba moodo in uu yahay nin dalka Somalia ku soo duulay.

    Hadii aad u fiirsato xarakaatka siyaasadeed ee Raisulbaarlamaanka Shariif Xassan waxaad u arkeeysaa dipolomaasi ujeedo culus oo siyaasadeed fulinaya.

    Dowladii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yusuf ilaa iyo dowlada Shiikh Shariif fursadii soomalia iyo shacakeeda soomartey ninkii burburinteeda iyo naqdinteedaba ka danbeeyey waa Raisulbaarlamaanka Shariif Xassan .

    Ma’doonayo in aan Shariif Xassan Raisul baarlamaanka ku talaxtago balse Shariif Xassan Taariikhda Somalia ayaa ka sheekeendoonta.

  3. Gaatame says:

    Salaanta Islaamka kadib, Ilaahay ayay mahadi oodhan u sugnaatay, Nabigeenii suubanaa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato. Walaalayaal waxaan hubaa inta garashada iyo aqoontu u saaxiibk ah ay dheregsantahay in wadadnkeena uu gumeysi gacanta ugu jiro, weliba gumeysi xeeldheer kaasoo adeegsada magacyo maldahan, Bal aan su,aal idinweydiiyee magacyadan awoodada badani maxay yihiin?

    1. Beesha Caalamka?
    2. Hay`ado Caalami ah?
    3. Hay`adaha samafalka?
    Hadii aan sii raadraacno magacyadaa aan halkan xu xusay bal eeg waxaan maqlaynaa
    = Beesha caalamka aya Barlamaanka u kordhisay 3sanadood inay shaqadooda sii wataan, layaab maleh, waayo iyagay u shaqeeyaan.
    =Hay`ado caalami ah ayaa mushaharka siiya Baarlamaanka, oo waayaabe`e maxay kalayihiin Baeesha caalamka iyo Hay`ado Caalami ah.

    Hadii aad aragtideyda soo gudbiyo, waxaan leeyahay sharaf iima aha in aan amaano xeeladaha iyo khidarka uu gumeystuhu ku burbiranayo Diintayda, Dadkayga iyo Dalkayga. marka waxaan waxaan dadoow idin leeyahay aan ka shaqayno sidii aan dalkeena u xorayn lahayn.

  4. Shiikh Shariif waa madax’weynihii somali soomara kii ugu nasiibka fiicnaa, lakii wuxuu noqday madaxweyne aan aqoon u’lahayn sayasada iyo habka wax loo hogaamiyo, Tusaale Puntland waxay in badan sheegi jirtay in ay taageersantahay Dowlada federalka ayna dhabka ahayd.

    laakiin Shiikh Sharif wuxuu mooday in uu madaxweyne u’yahay beel, maxaa u’diiday in uu Puntland kasoo dago in uu booqdo shacabka somaliyeed ee halkas dagan ee uu madaxweynaha u’yahay,maxaa u’diiday in uu xiriirka Puntland iyo DFKG ilaaliyo, waayo gobolo dhan oo ay shackii iyo mamulkiiba kuhayaan waxaan taagersanahay DFKG.

    Jawaab:- waxay ilatahay in uu madax weynanimada mooday (NGO) uuna iska indhatiray maxay (what is call Puntland) Jawaab teediina uu helay…
    Una asagu mas’uul kayahay waxa dhacay………………….

  5. mohamed says:

    scw.
    Dalkeenu wuxuu gacanta ugu jiraa dad shisheeye, oo aan waxba inala rabin barlamaanka iyagaa xukuma koonfur mudo dhow waa lagu kala tegaya sheikh sharif dalkiisu waa jabuti wayo danta jabuuti buu had iyo jeer ka hormariyaa tan Somaliyeed.

  6. wadaad says:

    sida muuqata beesha caalamka ayaa baarlamaankii ah sababtoo ah ayagaa waqtigii kordhinaya aaway dadkii dalkan iskalahaa??