Home » Faallo »

REER MARYOOLEEY U BARBAR DHIG REER MAYAAN

(Qiso mucjiso ah waa dhab dhacday)

Qore: Dr. Qasim Xirsi Faarax

Reer Mayaan (Maya) waxa ay ahaayeen qoon degenaa Jasiiradda caanka ah ee loo yaqaan Easter Island oo ku taalla Xagga darafka badda Baasifiga. Jasiiraddaan hadda waxaa maamul ahaan la hoos geeyey oo gacanta ku haya maamulkeeda dawladda Jilli ee ka mid ah qaaradda Ameerika. Haddaba waa sidee qisada qoladani? Waa sidatan:

Waxay ahaayeen dad aad u barwaaqaysan, aad u xoog badan, haysta ilbaxnimo dheer oo qadiimi ah. Afarta aduunyo iyo in ka sii saa’id ah ayaa Allah gacanta u geliyey. Waxay dhaqan jireen ari, geel, lo’, doofaarro, dameero, fardo, maroodiyaal, iyo dhawr kale oo ka mid ah inta xaywaanka la rabbaysto. Waxaa intaa u dheeraa in uu dhulkoodu lahaa inta uu Aadanuhu ku ceesho nolol ahaan iyo adeeg ahaanba intaba. Dhulku waxa uu ahaa doog iyo cagaar joogto ah oo ay har qabow ku sii daayaan dhirta waa weyn ee hawdka ihi (rainforest). Xagga kale beeruhu waxay ahaayeen kuwo isku qoofalan oo dhulka deexda ah iyo kan gebiga ah (landscape) labadaba mirtii lagu ridaa horay ka fufi jirtay. Xagga khayraadka badda markaad u leexato waxaa ku teedsanaa bad weyn oo aad u dihin. Dhammaan noocyada xayawaan badeedka ah iyo macdanaha badduba waxay ku soo faalali jireen xeebaha aroor walba.

Intaa waxaa dheer in ay dadkaasi lahaayeen maamul dawladeed iyada oo ay derisyadoodu wada dabato qawlaysato ah yihiin (hunterer-gatherer). Waxay lahaayeen hal madax weyne oo meerto u ahaa ugu yaraan labo iyo toban qabiil oo dalka degenaa. Laakiin qabiil waliba waxay lahaayeen kaabo-qabiilkooda; ugaas, malaaq, islaan, suldaan, caaqil, wabar, iyo wixii la mid ah kii la doonaba ha loogu yeeree.

Haddaba waxaa jiray tartan joogto ah oo qabiiladaas ka dhexeeyey oo ay ku tartamayeen jagada madax-weynenimada guud ee dalka oo iyadu meerto ahaan ka sokow ahayd mid lagu bixiyo kolba qabiilka ugu ixtiraami og oday-dhaqameedkooda, illeen waxaa la rabaa in lagu aamino cid maamul iyo kala dambayn wax ka taqaane.

Sidaas awgeed waxaa caado noqotay in ay qabiil waliba dhisaan Qabriga odaygooda marka uu ka dhinto. Dhismaahaasi marba marka ka dambaysa wuu ka sii casriyoobayey oo ka sii xoogaysanayey illeen waa wax laysugu faanayee. Waxaa jiray shuruudo lagu dhiso qabriga oo ay ka mid ahaayeen in loo gooyo dhul aad u ballaaran oo sanad walba ay ku caweeyaan dadka u imaanaya xuska Awoowgood ama Ugaaskoodii. Waxaa kale oo ka mid ahaa in ay dhismaha qabriga ama taallada (Statues) ay dhisaan ugu yaraan 500 oo ah kuwa ugu xoogga weyn reerka. Sidoo kale waxaa shardi ahayd in laga sameeyo dhismaha taallada labada sheey ee ugu qaalisan dalka oo kala ahaa Alwaax iyo Dhogor (wood and wool) oo la iskula xir xiro mayrax iyo xargo laga sameeyo libaax badeedka iyo qubada.

Haddaba waxa uu isu faankaasi socdaba subixii dambe waxaa gabaabsi noqday dhirtii hawdka ahayd ee laga soo guri jiray Alwaaxda oo waxaa la waayey alwaaxdii qiimaha badneyd ee qaaliga ahayd. Sidoo kale waxaa gabaabsi noqday Xoolihii Dhogorta laga soo rifi jiray, kuwii hilbaha xuska laga cuni jiray, iyo xattaa kuwii caanaha laga maali jiray. Itaa keliya maahee waxaa gabaabsi noqday libaax badeedkii iyo qubadii laga samayn jiray mayraxda qaaliga ah. Weliba ka sii darane waxaa gabaabsi noqday dhoobadii adkayd oo laga samayn jiray dhismaha Qabriga ama taallada ama lagu xardhi jiray derbigeeda. Dhoobada dhammaatay waxaa keenay in ay ciiddii qarni gadoontay oo uu ku dhacay nabaad-guur ba’ani ka dib markii laga jaray dhirtii ay nafaqada ka heli jirtay.

Waxaa dhacay carro-guur, bacaad, iyo carro-nafaqo-beel. Taasina waxay keentay in ay reer Mayaan waayaan badarkii usoo bixi jiray iyo xattaa roobabkii illeen cimiladii dalka oo dhanbaa la kharibaye. Halkaasna ay ka dhacdo tii laysku habaari jiray ee ahayd “Baad iyo Biyo waa”.

Subixii dambe waxaa la isugu soo baxay maxaan cunaa iyo maxaan cunaa? Miro beer ka soo baxa lama hayo, neef la qasho lama hayo, neef caano laga soo listo lama hayo, kalluun bad laga soo qabsado lama hayo, illeen dhamaan khayraadkaas dabiiciga ah waa la xaalufiyaye. Warrooy illeen balaayo waa tanoo kale!

Intaa ka dib waxaa ka dhacday in birta iyo seefta la isu qaato oo huf iyo qaraban la iska dhigo iyada oo qabiilba uu qabiilka la deriska ah ku bilaabayo duullaan is maqiiq ah, ilaa ay is reebreebkii ugu dmabeeyey isu soo hareen labo qabiilood oo keliya. Labadii qabiilood ayaa gamta isu fariistay ilaa uu ninkii ugu dambeeyey dilay kii kale ee ugu dambeeyey iyo naftiisiiba isku mar.

Burbur ka haray dhismayaashii guryihii Maya

Marka ay qisadaasi dhacaysaa ma dheera ee waa bilowgii qarnigii 19 aad. Haddaba 1815 kii ayaa waxaa Jasiiraddii ku soo laabtay gumaystayaalkii reer Yurub oo iyagu markaa ka hor intay meesha ugu yimaadeen damacoodii gumaysi ee ay dunida oo dhan ku hayeen weji gabax kala noqday, ka dib markii ay foodda gelin waayeen. Laakiin dhawr sano ka dib 1815 kii ku soo noqdeen waxay ugu yimaadeen labo neef oo ari ah iyo hal doofaar oo aan weli la qalan, iyo xoogaa alaabo ah oo hor daadsan guryahoodii oo uusan qofna ku jirin. Afarta gees waxay ku arkayeen lafo dad oo daadsan iyo birihii la isku dilay – seefta, toorreyda, qaansada, fallaarta, garruunka, iyo weliba wax xooga arasaas iyo qori dhoombir ah oo la isu adeegsaday.         Waxa keliya ee meesha ka taagnaana waxay ahaayeen boqolaal Taallo oo ah qabriyadii Ugaasyada oo ay xattaa qaarkood qabyo ahaayeen, qaarna ay aga yaalleen alaabadii lagu cunay siyaaradoodii ugu dambaysay. Ilaa maanta Jasiiraddaas waxa keliya ee loo isticmaalaa Dalxiis ahaan, Taariikh raad raac, Cilmi baaris, iyo cibro qaadasho la xiirta xagga barashada cilmiga bulshada (social studies) iyo cilmiga bii’ada (environmental studies)

Waa su’aale Abbooyaalow maxaa isu galay Reer Mayaan iyo Reer Maryooleey?

Qoraaga kala xiriir: qaasim / at / mail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " REER MARYOOLEEY U BARBAR DHIG REER MAYAAN "

  1. ridwan says:

    as/c sxbyaal wa arin cajiba ana arintan la yabay wana baray wa wax sugan jiritanka qisadaan ee anu is daba qabano oo rabianu barino in anu badbaadno aya la arkaaye w/s

  2. Cabdullahi says:

    Waa sheeko micna weyn ku fadhida. Micnaha oo koobanna waa Maryooley waa annaga reer mayaan na waa qolada dabargo’dey, sidooda oo kalena reer maryooleey (Soomaalida) loo cabsi qabo iney dabar go’aan. Waxaanse sii raacinaa oo dhab ah iney reer galbeedka horey isu weydiiyeen armey soomaalida dabar go’daa, waxeyse ku qaboobeen markey arkeen inaan annagoo qaxooti fara badan ah u xarooney… Sidaa darteed inta ka fakato tijaabooyinka daawo soo saarka iyo daroogada ayaa lagu wadaa iney kasoo harto maryooleey.

  3. CAJIIB says:

    waa layaab dakan magacooda lakala yiraahdo mayaan iyo maryoolay oo u eg magacyadooda sida walaalka uusheegay magacyo somaliyed aniga lkn waxay iila ekaadeen in lakala yiraahdo mayeeleeno iyo mar iiyeeel waana tan kataagan dalka yaga siiba muqdishow allaha qabojiyo waxa kataagan ee

  4. xujaale says:

    waxa moo daa ineey sheekadaani u muuqato tan ka tagaan soomaliya waxena ku dabeey doonaan sideey qoonkaas u baabeen ee qorayga waxan ka codsanaaya inuu noo raadiyo sheeko kale oo ku sabsan qoon dhiiga dadkooda ku noqaday madax sare iyo kuwa ku hoolan sideey dad u baabilahaayeen oo laga dhigi la haa madax

  5. Ina Xuseen says:

    Salaam

    Waa sheeko qurxoon oo macne ku fadhida, tixraacyada qisada hanaka hilmaamin, si aan raadkeeda u sugno.

    Mahadsanid

  6. mahdi xibil says:

    wa qiiso ad i cajab galisay wana halka ay ku socoto somalia ama somalidaba an dhahee sababto ah dadkas waxa ay isku layen qabil iyo iyaga oo kheradki wadanka ku ciyaray marka waxan dhihilaha wa lagu tusalo qaato somali melwalba ay jogan dalkoda sida ay ubadbadinlahayen habilaben qoraagana so diyariyay maqalkan wd ku mahadsantahay maryooley iyo mayaan waxba isma dhaman waba ay isku abtirsadan ayaanba dhihi lahaa

  7. omar says:

    Reer Mayaan iyo Ree Maryoolee armeeyba Somali ahaayeen shaki baa i galay. Maxaa yeelay labada qabiil magacooda waxay u egyihiin erayo somali ah. Kalamada ” MARYOOLEEY xamar waxaa looga yaqaana nooc ka mid yaanyada MAYAAN waxay u eg tahay carao maanyo ama Maya