Shirkii maalmahan uga socdey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti Aqoon yahano Soomaaliyeed ee ka kala yimid daafaha caalamka, 13-ka ilaa 21/12/2010 oo uu soo qaban qaabiyey Mac-hadka Daasaadka Culuunta Siyaasadda iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti ayaa laga soo saarey qoraal ka kooban 12 Bogg oo cinwaankiisu yahay Hoogga Soomaaliyeed iyo Hiilka Aqoonyahan.
Qoraalkan oo ahaa mid ku qornaa luqadda Ingiriiska, islamarkaana xambaarsan arrimo aad xasaasi u ah ayaa wuxuu awooda saarayey mushkilada gaamurtey ee dalka Soomaaliya iyo halka ay ka soo bilaabatey iyo waxyaabihii looga doodey sida wax looga qabankaro, sida The Role Of Islam In National Renewal, Re-making National Security And The Forces Of Order, Role Of International And Regional Actors In Rebuilding The Somali State, The Role Of The Diazpora iyo Implementation. Waxaa kale oo qoraalka ku xusnaa guddi ay iska dhex doorteen xubnahan aqoonyahanada, qaab dhismeedkiisa, tirada xubnaha gudiga iyo ujeedadda gudigga
Xiritaankii Shirka ayaa waxaa khudbado gaagaaban ka soo jeediyey Madaxa Mac-hadka Daasaadka Culuunta Siyaasadda iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti Dr. Cumar Cismaan Raabeh iyo Shir gudoonka shirka aqoonyahanada Soomaaliyeed Prof. Axmed Ismaaciil Samar.
Dr. Cumar Cismaan Raabeh “Intan oo Aqoonyahay oo Waayo Aragg Iyo Aqoon Intaba Leh, In Ay jabuuti Yimaadaan, Jabuuti Waa u Sharaf…”
Dr. Cumar Cismaan Raabeh oo ugu horeyn halkaasi khudbad gaaban ka jeediyey ayaa wuxuu yiri “ annigoo ku hadlaya Mac-hadka Daasaadka Culuunta Siyaasadda iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti oo idiinku martiqaadey shirkan in aad kaga fikirtaan, wixii caqli iyo waayo aragg ilaahay idiin siiyey, aad u hibeysaan Ummadda Soomaaliyeed waqti kooban si dhibaatan dhamaan weydey talo loogu soo biiriyo oona ka duwan kuwii hore, aanad soo saarteen go’aano fiican, waan aragney, inkastoo mar qura lagu wada dhameynkarin…”
Dr. Cumar Cismaan Raabeh wuxuu keloo khudbadiisa ku yiri “waxaa farxad iyo mahadnaq u ah, intan oo aqoonyahay oo waayo aragg iyo aqoon intaba leh, in ay jabuuti yimaadaan Jabuuti waa u sharaf, inkastoo kii ugu horeeyey aanu ahayn, dowlada Jabuutina ay awoodikarto gogol in ay idiin fidiso, adinkuna fikirkiina iyo nidaamkii aad u maleyneysaan aad wax ku soo saarikartaan aad ku shaqeysaan, marka maanta waan idiin salaamadineynaa…”
Khudbadiisa oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.
Shir Gudoonka Aqoon-yahanada Soomaaliyeed Prof, Axmed Ismaaciil Samatar “…Arrinta Kasoo Baxdey Waxaa Weeye, Yeynaan Kala Quusan…”
Prof, Axmed Ismaaciil Samatar oo ahaa Shirka Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo isna meesha ka Hadley ayaa wuxuu yiri “annigu hadalkeygu wuu gaaban yahay, madnaq weyn oo dhab ah oo aan u soo jeedineyno, annigoo ka wakiil ah walaallahay aqoonyahanka halkaan jooga ee hawshii u dhamaatey, dowlada jabuuti, khaasatan madaxweynaheeda, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, martiqaadkii wanaagsanaa ee dowlada iyo machadku na siiyeen iyo dadka reer Jabuuti oo waxan dhan ka dambeeya, sida qalbiga diiran ee walaallnimadu ay ku jirto ee naloo soo dhaweeyey iyo fududeynta naloo sameeyey, mahad weyn ayaa xisaabta ugu jirta dowlada jabuuti” ayuu yiri
Isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey “tan labaad waxaa weeye, dadka aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dhowr iyo todobaatanka ahaa ee shirkan ka soo qayb galey, haddii la isku wada daro uu soconayey ugu yaraan toban maalmood, tacab badan, dhididd badan, haddal badan iyo fahmo badana ay na dhex martey, iyaguna waxaan jecalahay annigoo magacooda ku hadlaya inaan uga mahad naqo shaqada ay qabteen…”
Khudbadiisa oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/prof_ahmed_samatar_shir1.mp3]Shir Jaraa’id
Markii uu soogabagaboowey shirka ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtey Madaxa Mac-hadka Daasaadka Culuunta Siyaasadda iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti Dr. Cumar Cismaan Raabeh iyo Shir gudoonka shirka aqoonyahanada Soomaaliyeed Prof. Axmed Ismaaciil Samar, islamarkaana si wada jir ah su’aalo ay u weydiiyeen warfidiyeenada joogey goobta, waxayna si kooban sharaxaad uga bixiyeen waxyaabihii la iskula soo qaadey iyo waxa ka soo baxay shirka. Waxaana hadalka ku hormaraya Dr. Cumar Cismaan Raabeh, inta badana waxaa hadalka qaadanaya Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Codadka Shirka Jaraa’id oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraaaid_shir_jabuuti.mp3]Prof. Muuse Maxamuud Axmed “…Ma Nihin Annagu Niman Wax Ridaya…” Wareysi
Intii uusan soo gebageboobin shirka ayaa waxaan wareysi gaar ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Dalka Maleysiya Prof, Muuse Maxamuud Axmed, islamarkaana wax ka dhiga Jaamacada Islaamiga ee Caalamiga ah dalka Maleysiya, isla goobta uu shirka ka socdey ee Hoteel Shariton. Prof-ku wuxuu ka hadlayaa shirka aqoonyahanada soomaaliyeed iyo waxa ka soo baxay, waxa uu ka bedelikaro dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, kalsoonida lagu qabikaro in uu hirgalo waxyaabihii ka soo baxay shirka.
Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa xaalada Soomaalida ee dalka Maleysiya, Tiradooda, Waxyaabaha ay ku hawlan yihiin intooda badan, dhibaatooyinka haysta soomaalida ku nool dalka Maleysiya, ardeyda Soomaaliyeed jaamacadaha ay dhigtaan iyo qaybaha ay u badan yihiin, doorka ay ku leedahay Soomaalida ku nool, dalka Maleysiya iyo arrimo kale .
Wareysiga Prof, Muuse oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/prof_muuse_shir1.mp3]Dhinaca kale shirka ayaa waxaa ka dhex muuqdey xubno ka tirsan Baarlamaanka TFG-da oo qaarkood soo marey xil Wasiirnimo, Laakiin Marka si guud loo eego qaabka shirka uu u socdey iyo aqoonyahanada isugu yimid ayaa waxaa laga dareemayey dhamaan qaybihii kala duwan ee uu lahaan jirey Qarankii Soomaaliyeed, marka laga reebo in yar, waxaana ka muuqdey, rabitaanka dhismo dowlad Soomaaliyeed oo leh sal adagg iyo u diyaar garowgeeda, taasoo in mudo ah laga baadigoobayey shirar kala duwan oo loo qabtey siyaasiinta Sooomaaliyeed mudadii dowlad la’aanta, islamarkaana sii fogeyneysey xal u helida mushkiladihii soo taxnaa mudadii dowlad la’aanta, hase ahaatee dadka wax dhaliila ee ku soo shaac baxay siyaasadaha is-diidan ee dalka Soomaaliya, ayaa waxay ka bixinayeen sawiro kala duwan oo qaarkood lid ku ah shirka, qaabdhismeedkooda iyo doonista Qaran Soomaaliyeed xiligan, halka kuwo kale ay si weyn ula dhacsanaayeen.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
Cid kasta oo wax isku dayda lama cambaareeyo, waxa keenaya in la tuhmo qoladaan shirtay waa dhawr arrimood, iyagoo ay ka muuqdaan rag in badan ku dhex jiray siyasadda daacadnimana aysan ka muuqan sida gudoomiyahooda oo kale, inaysan Jabuuti daacad ka noqon karin arrimaha Somaliya.
Xaqiiqda shirku wuxuu sidee loo kala diri karaa hadda barlamanakan wareersan ee Somaliya, waana fikrad aan qabo inaanba xal la helayn ilaa xirjiro-fajaasyadaan la kala diro.
Ragga oranaya anagu ma nihin kuwo xil doon ah runtay garab mareen. Ma doonayo inaan dad magacaabo laakiin rag badan ayaa u adeegsaday shirka inay ku muujiyaan awoodadooda wax qaban magacoodana ku dhisaan.
Jabuuti waxaan dhihi lahaa lugooyada naga daa? Ragaana kiina wax raba warwareega daa oo dalka badbaadu ayuu rabayaa cilmi iyo caqli hadaad hayso soo daa.
Salaamulaah
Inay aqoonyahanadeenu shiraan waa arin farxad leh oo badin kara dadka ka hadla caqliga iyo cilmiga, taasoo fududayn karta inay dadku isku soo dhawaadaan, kana fogaadaan caadifadda laga buuxsho si ay isku baaba’shaan.
Laakin dhanka kale hadaan si xikmadaysan u fiirino waaqica Soomalida, xalka Soomaliya kuma imaan karo kaliya ‘Aqoonyahhno shiray’, illaa inay aqoonyahanadaas yihiin ama ubadan yihiin dad daacada mooyee oo aan doonayn maslaxado gaara. Waayo mushkiladda dhabta ah ee Soomali haysata waa ‘Daacadnimo xumo & Masaalix Gaara’ noocii ay doonto ha ahaatee. Labadaas arimood ayaana asaas u ah guusha aadanaha xag naftiisa iyo xag bulsho wayn (private & public victory), waana arin sunno Rabbaani ah oo aysan cidna waxba kabadali karin.
Marka, hadii labadaas tilmaamood laga helo xittaa dad aanan ahayn aqoonyahanno, way soo celin karaan sharaftii dadka iyo dalka Soomaliyeed. Hadii labadaas tilmaamood laga waayo xattaa dad ah aqoonyahhno, waligood waxba keeni maayaan, shirarkooduna ka duwanaan maayaan kuwii 20ka sano lasoo qabtay, waayo daacadnimo hadaysan jirin masaalixdooda gaarka ah ayaaba iska hor imaanaysa. Tusaalayaal nagu filana soo aragnay oo qolo walba leh, xattaa rag lagu magacaabo wadaado.
Gebogebo>/b>
Marka xaajada iyo xalku maaha wax kuxiran aqoon iyo aqoon la’aan, balse waa daacadnimo, dadnimo, hadaf yeelasho iyo dhawridda masaalxida caamka ah ee umadda kadhaxaysa. Somalidana inay tilmaamahaas lahayn waxaa xattaa arkay dadyowga kale, wadamada aan usoo qaxnay buug laga qoray Somalida ayaan ku arkay ‘Haa, haka rumaysan waa dad labo Waji lehe’.
Salaamulaah Soomaalaay.
Ina Xuseen
SC WR WB.Salan ka dib waxaan filayaa in jabuuti shirar badan lugu qabtey
bal aan eegno waxii nooga soo baxey oo waxtar,hadii aan idin xasuusiyo
waxaan ku soo koobi karaa sidan
1.SHirkii ugu horeeyey waxaa lagu kala jibiyey jabhadii la oran jirey USC
waxii ka dhasheyna waan la wada socono.
2.Waxaa xigtey in Jabuuti nalooka soo xawiley waxa loo yaqaan FADARAL iyo 4.5 taas oo xataa hadaan heshiino aan laga gudbi karin
,waayo waxaad moodaa in naloo ku tal galey in aanan waligayo heshiin,
soomali badan baa diidan arintaa,waa dagaalka mustaqbalka,waase
hadii aan heshiino.
3.Markii wadankeena ay Etoobiya qabsatey Jabuuti xataa ma canbaareyn,
dayuuradaha ka soo kaca Jabuuti waxey duqeynayeen koonfurta soomaaliya. Anigu markii aan maqlo shirbaa ka dhacaya Jabuuti waan ka
naxaa waayo wali ma arag wax wanaaga oo dhankeeda ka yimaada.
WAR WAXAN IDIN LEE YAHAY AQOON YAHAN IYO SIYAASI WAA KUWA HALKAA NA DHIGAY MARKA HOOS LOO EEGANA AQOON YAHAN QABIIL KA MARAN MA JIRO SOMALIYANA WAXAA HALKAA DHIGAY WAAD GARANAYSAA OO WATAAS MANTA MARAYSA INAY KALA GO GODO OO QABIIL QABIIL LOO MAAMULO DAWLADO SHISHEEYE
WAXAAN IDIN LEE YAHAY NIMAN YAHOW WAX QABAD AYAA LOO BAHAN YAHAY EE LOMA BAHNA IN MAGACA SOMALIGA LAGU QARABTO OO MEEL KASTA LALA TAGO EE WAXAA LOO BAHAN YAHAY SI MUQAL AH INAD WAX U QATAAN
KA BILOW INDEERKAA IYO QOLADIINA MANSHARAFA NAFSAH FAHUWA SHARIF INADEER NAFTADA SHARIF YEEL MARKAS AYAA UMADAHA KALE KUGU DAYAN KARAANE
‘CAR YAA FARAHA LAGALA OO AAN KAGA GUBAN-SOMALIA’
Marka hore, waxaan dhihi lahaa arinta Somalia waa soo yara dhowdahay oo aqoonyahanka Somaliyeed ee karajo dhigey dalkii 20 sano ayaa iminka isugu imaanaya maslaxada umada, malaha waxaa umuuqday inaay wax kadhihi karaan arinta Somalia oo markii hore qolo aan la’aqoon meel ugu xirneyd..
Kulanka Jabuuti: Runta marka loo hadlo, 70 aqoonyahan Somaliyeed, dalka Somalia guduhiisa isuguma keeneen haddii aanay shirqool aheyn, aqoonyahaniinta laftooda iskuma aaminayaan inaay kushiraan Somalia oo koox koox iyo qabiil qabiil ukala qeybsan waayo haray ayaa dhagta dhiiga loo jaray. Dowlada dhexena ayadan amaankeeda mas’uul ka aheyn, dowlada gobaleedyadana hasheegin.
Gogasha Jabuutina, runtii waa naga xigtaa gogasha umadaha kale noofidiyaan, balse waxaa kamuuqato umada Somalia oo isu gurmanayso oo waad ogtihiin Jabuuti waa dal Somaliyeed.
Faa’idooyinka shirarka noocaan ah, waxa ugu yar ee aan shirkaan kafaa’ideysano waa anagoo caalamka umuujiney inaan leenahay aqoonyaano Somaliyeed oo lagala xariiro dalka Somalia taas oo muda yar kahor aheyd wax aadu adag in lahelo.
Waxaan xasuusta aniga iyo dhalanyar Somaliyeed mar aan laxariirney Al-jazeera oo aan kacodsanay inaay kahadlaan arimaha Somalia( ka hor inta aanay xafiiska kafuran Somalia) maadama uu kamid yahay wadama Carabta, waxaay noogu jawaabeen: Noo keeno aqoonyahan Somaliyeed oo aan kala xariirno arimaha Somalia.
Aqoonyahan shirey, qab-qablayaal shirey, wadaado shirey, shisheeya shirey iyo qabiil shirey intaba Somalia waxba kama badalikaraan oo waxa haya cudur intaa kaweyn- qarandiidnimo.
Fikrada in qofkii Somalia kahadlo uu shirqool maleegayo waa musiibada ay dad badan kacaado dhigteen. waxay lamid tahay halsayska Carabta marka uu qof kufo ay yirahdaan: Israelba kadanbeysey shirqoolkaas.
Runtii waa arin fiican in aqoonyahanadu shiraan waxaase meesha ka marneyn inaan weli lahayn xal arinta Somaliyeed iyo iney cadahay inaysan jirin dad daacad ka ah arimaha Somaliya ,ilaa la helona dad daacad ka ah.
taasna waxaa kuu cadeynaya markasta oo shir Someliyeed dhaco kama soo baxaan hal kudhegyo iyo xal la isku halayn karo,balse waxaa loo shiray sidee shakhsiyan ugaarnaa hamigeena.
Mahadsanid
Asc waxaa su’aal iga ah” Jabuti ma soomaaliyaa mise waa waddan ka madax bannaan Somaliya?
Jabuuti waxaan leennahay haka dayso dibin daabyada bulshada somaliyeed. Maanta waxay aqoon yahannadaan ugu yeertay, in ay dawlad kale oo tabar daran oo sanado kale sii murgisa arrimaha soomaaliya hadalheyskeeda meesha ka bilowdo oo guruubyo cusub aasaasto hadda, waayo shariif lagu mood waqtigii loogu tala galay, waana sii murgiyey arrinta somaliya.
Jabuti waxaan leennahay walaalayaalow faraha kala baxa arrimaha somaliya oo isu daaya soomaalida dhexdeeda, nagana daaya hadba maalin hurdo ka soo kicinta dadka qurbayaasho cimrigoodiiyo caqligoodi cunay ee aan soomaaliya xarig ka xiri karin, findhilna ka jabsan karin talada somalia.
Aqoonyahannada somaliyeed waxaan leeyahay, haddii aad daacad u tihiin diintiinna iyo dalkiina, maxaad u sameyn la’dihiin hal markiz oo cilmi baariseed oo dhibaatada soomaaliya iyo xalkeeda soo dhiraan dhiriya, ummaddana tusa dariiqa wanaaggu ugu jiro? Ma awoodi weydeen arrintaas?
Waxaan la kulmay aqoonyahanno badan oo aan la soo koobi karin, kalana sheekeystay xalka soomaliya, in badan oo ka mid ah dad iyo dal iska daaye dumarkoodi iyo carruurtoodi meel rasmi ah kuma oga oo waa hore ayey dayacmeen. Nin cawradiisa asturan waayey mid kale ma asturo, sidaa markaan leeyahay, kama wado in aqoonyahannada soomaliyeed wada xun yihiin ee halyeeyyo ayaa ku jira, laakiin xiniyaha la hayo.
Waxaan leeyahay marlabaad: Waa in aqoonyahannadu guntiga adkeystan oo dhisaan machad cilmi baariseed oo lagu dhirin dhirinayo dhibaatada ina haysata iyo sida ugu wanaagsan ee looga bixi karo, idinkoon jabuti iyo Kenya midna hoos galin.
Dalka inaga ayaa Alle ina siiyey oo noo hibeeyey xag talo, nacfi, difaac iwm.
YAANAAN TALADA DALKEENNA SHISHEEYE U DABA FARIISAN EE AAN ISU NIMAADNO DHAMMAANTEEN, DAWLADDA SHARIIF, DAWLADDA ALSHABAAB, PUNTLAND IYO SOOMALILAND, GEED HOOSTIIS CANBA AH FARIISANNO SHISHEEYE LA’AAN.