Home » Warar »

Ururka Haweenka ee Xanaano Degmada Guriceel oo Deeq lacageed gaarsiiyey dad Duruufo kala duwan haystey

Ururka Haweenka ee Xanaano  Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Dhawaan waxay deeg lacageed gaarsiiyeen dad ku dhibaateysnaa Deegaankaas kuwaas oo isugu jirey Dad Naafo ah , kuwo Dan yar ah iyo kuwa kale oo heystey Daruufo kala Duwan  waxayna arrintaan ku timid markii uu ururka soo Kormeerey Dadkaas ka dib uu u qaybiyey Deeqdaas lacageed

Howshaan lacag qaybinta ayaa qaadatey Muddo hal  maalin ah waxayna dadka  loo qaybiyey Deeqdaan ay ku noolaayeen 11 Goobood kuwaas oo ay ka muuqatey Daruufo kala duwan waxaana lagu waramey in deeqdaan ay ku soo beegantey Xilli ay u baahnaayeen maadaama Deegaankaas ay ka jireaan Abaaro aad u daran iyo weliba dad ka soo barakacay Dagaalada

Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Xanaano Deeqo Cali Cumar ayaa ku warantey  in ay sameeyeen Indha indheyn iyo weliba ay si aad ah uga warqabaan dadka liita ee ku nool deegaankaas waxayna sheegtey intaasi ay sahashey  in ay Deeqdaas gaarsiiyaan dadkii ugu nuglaa ee ku noolaa Deegaanka uu ururka ka Howl galo waxayna sheegty in deegdaan  lacageed ay dadkaas u tahayd mid wax u tareysa maadaama ay ku noolaayeeb Xaalada aad u u daran waxayna ka codsatey Jaaliyadaha Soomaaliyed ee ku nool Dibadaha in ay gacan siiyaan dadkaas weliba waxay  sheegtey in dadka ku nool deegaanka uu ururka ka shaqeeyo  ay ku nool yihiin dad aad u liita kuwaas oo markasta u baahan in la Caawiyo

Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley dadkii Deeqda la gaarsiiyey waxayna u mahadceliyeen ururka Haweenka Xanaano  iyagoo sheegey in ururka uu yahay md si aad ah uga warqaba dadka ku dhibaateysan Deegaanka waxayna Baaq u direen Jaaliyadaha Dibada oo ay ka  codsanayaan in mar kasta ay indhaha ku hayaan dadka ku dhibaatyeysa Deegaanka

Gobolada Soomaaliyaa ayaa xiligaan waxaa Saameeyey Abaar aad u daran kuwaas oo lagu waramey in ay galaafteen Dad iyo Duunyo haddii Xili dhow aan la helin Roob waxaa laga Cabsi qabaa in dad iyo Duunyo badan ay ku haraan Abaarta sidoo kale waxaa deegaanka ku nool dad ka soo barakacay dagaalada kuwaas oo ku jira xerooyin ku yaal Deegaanka  waxaana kalkaa ku haysta dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi Karin

Gudoomiyaha Ururka

Deeqa Cali Cumar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mal  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.