Home » Warar »

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka oo baaq ka soo saarey xaalada abaareed ee dalka ka jirta.

Xaalada abaareed ee ka jirta dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan degaanada Jubooyinka ayaa ah mid mareysa meel aad u khatar ah oo dadkii iyo duunyadiiba galaafatay.

Waxgaradka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegey in gobolada jubooyinka gabi ahaanba ay ka taagan xaalad aad u adag, oo hada ay ka socoto qaxitaan baahsan oo aysan cidna ku hari doonin haddii ay xalaadan abaareed aan waxba laga qaban, waxay hadalkoodii ku dareen abaarahan oo sabab u ah in aysan sanadka deyrtii si fiican uga wada di’in deegaanada, haday dadeyna ay aad u yareed oo warahii aynan ku hoorin biyo badan.

Waxgaradka ayaa intaasi ku daray in dadka deeegaanka Waamo ay  99% ku tiirsan yihiin xoolaha nool iyo beeraha oo labaduba ay abaaruhu xaalufiyeen.

Deegaanada gabi ahaanba laga qaxay oo abaaraha ku dhufteen waxaa ka mid ah, Godaya, Sariiraha, Yeya, Tobli, Shidkus, Arba qarso, Qoraxey, Jirole, Negesroba, Habajo, Totora, Canatel, deeganadan oo  iyagu meelaha biyaha ay u jira min 10 – 80 KM.

Degmooyinka iyagana dadka barkiisa ay ka qaxeen waxaa ka mid ah, Magar, Jamaar, Xagar, Qalawiley, Qeysanguur, Gomes, Caglibax, Xayo, deegaanadaan oo meelaha biyaha u jira min 20 – 60 KM.

Deegaanadan laga wada qaxay amaba bar laga qaxay ayaa ahaa kuwo ka heli jirey biyahooda waraha ay qotaan oo xiliga gu’a ama deyrta ay buuxin jireen, laakinse sanadka aysan deyrtii si fiican uga di’in, taasina ay sababtay biyo la’aan amaba yareen soo wajahday dadka iyo xoolahaba.

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka ayaa qeylo dhaan u diraya shacabka muslimiinta ah kheyrka jecel ee dibada ku nool, Ha’yadaha gargaarka maxaliga iyo kuwa caalamigaba in ay gargaar dag dag ah la oo gaaraan shacabkan dhibaateysan ee abaaruhu ku dhufteen.

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka waxaa uu si naxariis leh uga codsanayaa maamulka xarakada Alshabab ee degaanada ka taliya in ay dadka biyo dhaamin u sameeyaan oo ay u fasaxaan hay’adaha gargaarka caalamiga ah si ay gacan uga geystaan xaalada abaaraha ee dalka ka jira.

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka waxaa uu baaq u soo jeedinayaa jaaliyadaha Waamo ee qurbajoogta ah In ay shacabkooda gargaaraan oo mixnida maanta ku habsatay la qeysadaan ,kana samato bixiyaan dhibaatada iyo xaalada abaareed ee degaanadooda ka taagan.

Wabilaahi towfiiq,

Jubbaland Diaspora Forum,

London, UK

info@jubbalanddf.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.