Home » Warar »

Shirkadaha Diyraadaha oo ka welwelsan Shirkadda ay Dowladda FKMG ku wareejisey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

“Hawl ay dad Soomaaliyeed qaban karaan ma ahan in gacata loo geliyo dad shisheeye ah”

Waxaa maalmahan kulamo u socdey Shirkadaha Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxayna Shirarkaas uga waramayeen Ariimaha ku soo kordhey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Dowladda Federaalka ku wareejisey Shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo SKA Air & Logistic.

Shirarkaan ay yeelanayeen Masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa lagu waramey in wareejintaa ay welwel ka muujiyeen Shirkadaha ka dib markii ay is tusiyeen in shirkadaan ay boor isku qarineyso balse Mustaqbalka ay la wareegi doonto dhamaan adeegyadii kala Duwanaa ee ay qaban jireen Shirkadaha Diyaaradaha oo isugu jirey Rakaabka iyo Xamuulka sidoo kale waxay aad uga cabteen in ay shirkadda la wareegtey Garoonka ay ku kordhisey Kharashaadkii Diyaaradaha ee dhulka Garoonka iyo weliba Hawada.

Masuuliyiinta Shirkadaha ayaa dhawaan waxay la kulmeen Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kullankaas oo loo diiday Saxaafadda ayaa waxaa shirkadaha Masuuliyiintooda Ra’isul Wasaaraha u gudbiyeen Qoraalo ay kaga cabanayaan Shirkadda Shisheeye ee lagu wareejiyey Garoonka iyadoo Masuul ka tirsan Shirkadaha oo diidey magaciisa uu sheegey in Raiisul Wasaaraha ay u sheegeen in Howlaha ay qabaneyso SKA Air ay qaban karaan Dad Soomaaliyeed isagoo sheegey in ay jiraan dad Khibrad u leh oo ku sugan Dalka iyo Dibadiisa.

Raiisul Wsaaraha DFKMG ayaa wuxuu sheegey in arinkooda cabashada ay wax ka qaban doonaan wuxuuna Garowsadey in Howl ay Dad Soomaaliyeed qaban karaan in la siyo dad aan u dhalan Dalka.

Shirkadaha Diyaaradaha Mas’uuliyiintooda ayaa waxay sheegeen in Cabashadooda gaarsiin doonaan Madaxweynaha DFKMG iyo Golaha Baraalamaanka waxayna taageereen Go’aankii ka soo baxay golaha Baarlamaanka ee ahaa in afar todobaad la hakiyo hawlaha shirkadaha la sheegay in Soomaliya ay soo galeen isla markaana ay heshiis la gashay Dowladda Federaalka, sidoo kale waxay codsadeen in ay u istaagaan in aysan marnaba ogolaan in Baarlmaanka la marsiiyo in shirkado shisheeye lagu wareejoy hawlo ay ummadda Soomaaliyeed qaban karaan.

Mas’uuliyiinta Shirkadaha ayaa waxay sheegeen in ay qabanqabinayaan banaabaxyo aykaga soo horjeedaan Shirkadda SKA Air and Logistic iyadoo maalintii shalay ahayd Muqdisho lagu daadiyey ama lagu qaybiyey qoraalo iyo sawiro looga soo horjeedo shirakaddaasi.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shirkadaha Diyraadaha oo ka welwelsan Shirkadda ay Dowladda FKMG ku wareejisey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho "

  1. Sucaad says:

    Waxaan dhihi lahaa soomaalay runta aan isku sheegno nin aqoonyahan ah oo soomaali baa qaban karo waa ognahay taas laakiin Soomaali wadankiisa ka shaqeen karo maanta oo xor ah Muqdisho mawa jiri karo sababtoo ah magaaladaas qofka waxuu yahay iyo qabiilkiisa loogu dilaayo, maan runta isku sheegno dadka la iska leeynao oo qabiil ahaan lo faquuqayo, war tuugadii soomaaliya waa faa ideen ileey doqomo qabiil laga soo dhaadhaciyey ayaa laguu soo diraayaa kuwaas ayaa kaa taqalasuya. Maxaa soo haray ajnabiga tuuga ah ayeey ka jecel yihiin ruuxa soomaaliga. Qolodaan Xamar Qabsatayna miraheeda gurta idinkaa nidaam somalia leh bur buriyey marka walaahi weli laysma gaarin wax kadarana wa soo socdaan ha sugi weeynina.

  2. farxaan says:

    wax layaab leh ma ,ahan in somalia sidii larabay in wax looga qaban waxaan ognahay doolad walba oo timaada waxay latimaada wanaag iyo xumaan maanta ma ahan in somali airport loogacan galiyo shirkado ajnabiya

  3. A Salaam says:

    Marba taako ayaa wadanka la qaadanayaa, umada somaliyeedna waa la isku dirayaa, waxaana loo adgeesanayaa arintaas kuwo aan fahmeeyn iyo kuwo caloshooda u shaqeeystayaal ah oo uun warqadaha laga saxiixanayo. Saas ayaa wadanka lagula wareegayaa, oo wuxuu wadnaku noqonayaa wadan ay shikado qalaad leeyihiin oo sideey donaan ay ka yeelaan. Cidameey qoranayaan khaas ayaga u ah, dowladuna ayageey u shageeyneeysaa. SOMALIA SIYAASADO QALAFSAN OON DADKA SOMALIDA AHI WADA FAHMIN OO HOOS GELIS AH AYEEY SHISHEEYUHU KU WADA EE HA LA FEEJIGNAADO.

  4. Waddani says:

    Asc somaliyey awalbaa talo xumo shisheeye hoggaanka noogu qabteene, ma hadda ayaan garoon yar maamulan weyney. Taasi waxay caddeyneysaa in aan gumeysi galnay oo talkii nala kala wareegi doono dhawaan. Meeqa aqoon yahan oo soomaaliyeed oo hawlahan qaban kara ayaa dal iyo dibad jooga. Haddiise run la sheegayo maa shirkad somaliyeed lagu wareejo oo ka shaqeyn karta.
    Waxaan qabaa, nimankaan dawladda sheeganaya dalka waa iibinayaane aan iska qabanno, inta goore goor tahay, waa iga talo.