Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahan kulamo kula yeelanayay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu kala qaybsan yihiin in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, qaarkood waxay ku doodayaan in Madaxweynaha xilkiisa uu ku eg yahay 31-ka January ee sanadkaan, kuwo kale ayaa waxay sheegeen in xilka Madaxweynimada uu ku eg yahay bisha August oo ay iyana ka harsan tahay mudo 7 bilood ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha FKMG ayaa iyagu ku kala qaybsan fikradaha ay kala wataan xildhibaanada Baarlamaanka, warar ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Seekh Aadan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa doonaya in Madaxweynaha xilkiisa ku ekaado 31-ka Janaayo, waxa uuna maanta kullan ay albabaabdu u xirnaayeen la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka la socotay ilaa iyo 40 xildhibaan, waxaana kullankaasi layskula soo qaaday sida laga yeelanayo madaxweyne Sheekh Shariif oo markii la doortay ay ahayd 31-kii January 2009 hase yeeshee Xildhibaanada taageersan madaxweyne Sheekh Shariif ayaa iyagu aaminsan in Madaxweynaha xilkiisa uu ku eg yahay bisha August ee soo socota.
Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa shaki weyn ka muujiyey kullankii dhawaan ka dhacay guriga Cali Max’ed Geedi uu ku leeyahay Magaalada Nairobi oo ay ku kulmeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Ma’xed Geedi iyo kuwa dhawaad 50 xildhibaan. Waxaana kullankaasi diiradda lagu saaray in xilka Madaxweynimo ee Sheekh Shariif uu ku ekaado 31-ka Janaayo isla markaana mudada 8-deeda bilood ah ee ka harsan Dowladda uu xilka Madaxweynimada sii hayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa la sheegay in uu wato ajandayaal badan, waxaana ugu muhiimsan in Baarlamaanka la hor keeno mowshin ku saabsan in xilka xubnaha Baarlamaanka lagu kordhoyo mudo 3 sano ah maadaama iyaan waqtigooda uu ka sii dhamaanayo, sidoo kale waxa uu Shariif Xasan wataa qorshe ku saabsan in uu Xildhibaanada ka dhaadhiciyo in xilka Sheekh Shariif uusan dhaafin 31-ka janaayo ee sanadkaan. Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaa laga ogaan doonaa halka ay siyaasaddu u ciirto iyadoo markii uu dhawaan soo gaaray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ku canaantay in aysan magaalada Muqdisho ka sifeyn Xarakada Shabaabul Majaahidiin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.