Home » Warar »

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qaybsan in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahan kulamo kula yeelanayay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu kala qaybsan yihiin in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, qaarkood waxay ku doodayaan in Madaxweynaha xilkiisa uu ku eg yahay 31-ka January ee sanadkaan, kuwo kale ayaa waxay sheegeen in xilka Madaxweynimada uu ku eg yahay bisha August oo ay iyana ka harsan tahay mudo 7 bilood ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha FKMG ayaa iyagu ku kala qaybsan fikradaha ay kala wataan xildhibaanada Baarlamaanka, warar ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Seekh Aadan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa doonaya in Madaxweynaha xilkiisa ku ekaado 31-ka Janaayo, waxa uuna maanta kullan ay albabaabdu u xirnaayeen la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka la socotay ilaa iyo 40 xildhibaan, waxaana kullankaasi layskula soo qaaday sida laga yeelanayo madaxweyne Sheekh Shariif oo markii la doortay ay ahayd 31-kii January 2009 hase yeeshee Xildhibaanada taageersan madaxweyne Sheekh Shariif ayaa iyagu aaminsan in Madaxweynaha xilkiisa uu ku eg yahay bisha August ee soo socota.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa shaki weyn ka muujiyey kullankii dhawaan ka dhacay guriga Cali Max’ed Geedi uu ku leeyahay Magaalada Nairobi oo ay ku kulmeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Ma’xed Geedi iyo kuwa dhawaad 50 xildhibaan. Waxaana kullankaasi diiradda lagu saaray in xilka Madaxweynimo ee Sheekh Shariif uu ku ekaado 31-ka Janaayo isla markaana mudada 8-deeda bilood ah ee ka harsan Dowladda uu xilka Madaxweynimada sii hayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa la sheegay in uu wato ajandayaal badan, waxaana ugu muhiimsan in Baarlamaanka la hor keeno mowshin ku saabsan in xilka xubnaha Baarlamaanka lagu kordhoyo mudo 3 sano ah maadaama iyaan waqtigooda uu ka sii dhamaanayo, sidoo kale waxa uu Shariif Xasan wataa qorshe ku saabsan in uu Xildhibaanada ka dhaadhiciyo in xilka Sheekh Shariif uusan dhaafin 31-ka janaayo ee sanadkaan. Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaa laga ogaan doonaa halka ay siyaasaddu u ciirto iyadoo markii uu dhawaan soo gaaray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ku canaantay in aysan magaalada Muqdisho ka sifeyn Xarakada Shabaabul Majaahidiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Guriga Cali Maxamed Geeddi ka iibsadey Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qaybsan in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif "

  1. cabdullahi says:

    aniga waxaa rabi lahaa in sida ugu dhakhsaha badan shacabka loo sameeyo xisbiyaal u tartamo wax qabadka dalka..mana dooneeno kumeel gaar danbe. waa in shacabka soomaaliyeed ee codsadaan madaxweynahooda, codsigaag waxoo ka dhici karaa gobolka banaadir inta ee dowladaan qaabka daran heeso, iyo maamulada woqooyiga soomaaliya.. mana rabno muran danbe, teeda kale halaga fogeeyo madaxtinimada shariifka baarlamaanka. shaiifka faruuryaha cad hasii haayo intii ee wax ka sameenaayaan balaayada.

  2. Magan says:

    Waxaa waqtiga hadda la joogo muhiim ah inaan khilaaf la abuurin oo lagu mashquulo sidii dhibaatooyinka hadda taagan shacabka looga saari lahaa
    shacabkeena masaakiinta ah ee maanta la leeyahay madaafiicdii ay ka carareen waxaa uga daran haraad iyo gaajo ayay u dhimanayaan. waxaa maantoo kale fiicnaan lahayd xitaa dagaalada la joojiyo oo loo gargaaro qofkasta oo somali ah oo duur iyo magaalaba ku gaajaysan ama ku haraadan maalinta qiyaaamaha ilaahay wuu na suaalayaa caruurta yar yar ee guryahoodii laga qixiyay ee iskool la’aantii iyo hoy la’aantii ay maanta ugu darsantay biyo la’aan iyo cunto la’aan oo meelaha qaarkood laga soo sheegaayo in maydkoodii ay yaal yaalaan sidii neef bakhtiyay.

  3. maryan says:

    waa ayaan daro in geedi gato guri uusan lacagteeda shaqeysan oo uu dhacay xoolihii qaranka waxa taa ka sii daran marka uu isagu ku gadanyo xoolihii qaranka guriganu eg guri shiineyska in safaaradii soomaliyeed laba qol oo kira ah ka degen yihiin kenya soomaliyee waxaad ogaataan in damiirkii soomalinimo dhintey ee ay tahay dhac aad ku kifaaxdide walee waan la aaminin nin danboo dowladnimo sheegta walee ma doorano nin danboo madaxweyne raba walee r/salwasaare jaahila nama soo galo soomaliyeey ku xisaabtama xoolihiina geediyoow guriga dib ayaa lagaala wareegi ee ogow beryo ku raaxeyso waxa dadka iyo dalka cunaqabateynta loo saarey wa aawadaa saa xoolihii umada laguugu dhiibay ayaad qasrigaa ka gadataye, mase laga yabaa soodaanta madow markey goosstaan iney yiraahdaan girigaan anagaa lahayn ee nooga bax waa safadii aanu kenya ka furan laheene allow na tus amiin

  4. Xujaale says:

    Aawaye maalaayiintii dolar ee dadka soomaaliyeed lahaa ee laga dhacey, gurigaas kaliya kuma koobna, weli waxaa jira dad soo taagan oo weliba siyaasadu hunguri kaga sii jiro tiiyo ay u dheertahay dhaqaalihii ay lunsadeen xiliyadii kala duwanaa oo ay magaca somaliyeed xambaarsanaayeen.

    Gaar ahaan waxaa xusid mudan masuuliyiintaan hoose oo ah eedeysanayaasha waqtiga lala sugaayo. waaba haddii fursadaas shacabku helee:

    Cali Mahdi,
    Cali Khalif,
    Cali Geedi
    Abdiqasim Salad,
    Xasan Abshir,
    Shariif Sakiin
    Sheikh Sharif
    Abdikariim “Saracen International”
    iyo isbaaroleey (warlards) oo dhan.

    Intaaba waa qaameysan yihiin oo malaayiin dollar oo dalkaas inta ay xilka haayeen soo martey ayaa ku maqan, afkooda iyo qalbigooda iyo iimaankooda waa kala tagsan yihiin.

  5. Togane says:

    Goormee gurigaan shacabka Soomaaliyeed loo soo celin doonaa?!
    Cali Ameerikose ma ogyahay in howshaan ay sugeyso?!

  6. ismil says:

    Guriga cali maxamed Gedi waa hanti ay leedahay umadda soomaaliyeed.