Home » Warar »

Muran Xooggan oo ka taagan cidda shaqaalaha ka ah safaarada DFKMG ku leedahay New York

“Ciid Beddel  oo Fakad ugu maqnaa Canada oo dib ugu laabtay QM kaddib markii uu dib u soo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG” InnerCityPress –

Warbixin ay Arbacadii Janaayo 5, 2011 qortay shabakadda InnercityPress oo wararka ka soo tebisa xarunta Qarammada Midoobey (QM) ayaa tibaaxday: Kaddib markii uu muddo hal sano kabadan ka maqnaa xarunta QM ee New York, waxaa soo laabtay Ciid Bedel Maxamed  kaddib markii uu soo magacaabay Wasiirka Cusub ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah.

Arbacadii waxa uu hor taagnaa xarunta Golaha Ammaanka ee QM. Laakiin waxa uu diidey in uu u jawaabo warbaahinta ayadoo la weydiiyey su’aalo sida “Ma waxaad tahay kan Soomaaliya u ah Wakiilka Rasmiga u matala.”

InnerCityPress oo warbixintii sii wadey waxay qortay: Waxaa ka dhacay Safaaradda Soomaalida ee QM arrin inqilaab oo kale ah. Ka hor intii aan Ciid Beddel Maxamed soo laaban, waxaa ilo QM ay InnerCityPress u sheegeen in Ciid Beddel Maxamed fakad ku maqnaa lagasoo bilaabo December 2009, taas oo kadambaysay markii isbedel kale oo lagu sameeyey DFKMG lagu amray in uu ku laabto Muqdisho.

Waxaa ilo wargalka ay InnerCityPress u sheegeen in Ciid Beddel Maxamed uu diidey in uu ku laabto Muqdisho, balse uu aadey Canada.

Waxa kale oo InnerCityPress loo sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cusub uu warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, warqaddaas oo uu dib ugu magacaabayo Ciid Beddel Maxamed in uu noqdo wakiilka Soomaaliya, ayadoo la sheegay in wakiilkii muddada dheer joogey dib loogaga yeeray Muqdisho.

InnerCityPress waxay isla markiiba December 23, 2010 arrinta warqaddaas weydiisey afhayeenka xafiiska Ban Ki-moon inuu xaqiijiyo jiritaanka warqaddaas. Jawaab markii ay ka weydey InnerCityPress dhawr jeer oo kale ay ku cecelisey su’aashaas in warqaddaas uu soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG (ee xukuumadda Farmaajo). Ugu dambayntii jawaabtii ayaa loo soo diray InnerCityPress oo ah sidan:

Ka: Afhayeen QM
Ujeeddo: Jawaab
Ku: InnerCityPress

Waxaan xaqiijineynaa in 17 December (2010) aan hellay warqad ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu dib ugu soo magacaabayo Wakiilka Joogtada ah. Wakiilka joogtaada ah qudhiisu waxa uu 22 Decemeber warqad u sii diray Xoghayaha guud uu ku xaqiijinayo in dib loogu yeeray.

InnerCityPress waxay markaas isku dayday in ay su’aalo weydiiso Ciid Beddel Maxamed, oo ku sugnaa xarunta Golaha Ammaanka ee QM, laakiin waa uu diidey in uu ka jawaabo su’aalaha warbaahinta.

Xitaa laba dublomaasi oo Afrikaan ah oo la hadlayey Ciid Beddel waxa ay diideen in ay la hadlaan InnerCityPress. Ciid Beddel Maxamed wajiga ayuu kaduuday oo dhinac u jeensadey, ayey tiri InnerCityPress, sida muuqata ma uusan jeclaysan sheekadiisa ku saabsan intii uu ku maqnaa Canada. Markasta waxaan dooneynaa in aan maqalno oo daabacno, ayey raacisay InnerCityPress, laakiin qalaanqalka ka jira Muqdisho waxa durbadiiba laga dheehan karaa Manhattan (New York) ayadoo hadda aysan jirin wax sharaxaad ah.

Sidoo kale, InnerCityPress, waxay su’aal weydiisey Wakiilka Hindiya u fadhiya QM, oo noqon doona guddoomiyaha guddiga cunaqabatayta saaran Soomaaliya, in uu ka jawaabo arrinta DFKMG (iyo Puntland) ee ku saabsan qandaraaska militari ee ay la galeen shirkadda gaarka loo leeyahay Saracen, taas oo xiriir la leh ninka ay walaalaha yihiin Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Waxa uu wakiilka Hinidiya ku jawaabay in uu arrinta daraasad ku samaynayo, jawaabna ka bixin doono dhawaan… halkan ka daawo Video.

Isha Warka: http://www.innercitypress.com/mog1man010511.html

###

NEWS APRIL 2010: Guriga safaarada Soomaalida ee NY oo lacag loo haystey: Akhri Somali government hopes to avert condo foreclosure

OCTOBER 2010 (VIDEO) Safaaradad Soomaalida Rooma, biyo laa’n, nal la’aan iyo qaxooti Soomaaliyeed oo ku go’doonsan .. Daawo Video (Italian)

###

TAARIIKH

Ciid Beddel waxaa lagu xasuustaa hadalkii uu jeediyey xilligii Sheikh Shariif Sh. Axmed (madaxweynaha Hadda ee DFKMG) uu ahaa hoggaamiyihii Maxkamadahii Islaamiga. Hoos ka dhegeyso:

“Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad Cilmaani ah (oo wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn), Iyaguna Waxay rabaan in ay Soomaaliya Ka Asaasaan Dowlada Islaami ah” DFKMG

Ciid Beddel Maxamed oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo ka jawaababyey su’aalo ku saabsan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo December 13, 2006 laga weydiiyey Telefishanka Voice of America, ayaa ku jawaabey  “Waxaan rabnaa in aan Soomaaliya ka Asaasno Dowlad ‘Secular‘ ah (diin iyo aakhrino toona shaqo ku lahayn), iyaguna (Maxkamadaha) waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah”. Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay tan keentay xiisadda u dhexeysa  Maxkamadaha iyo Dowlada Federaalka Kumeelgaarka. [Kelmedda “Secular” qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)].

DHEGEYSO:: Hadalkaas ka dhegeyso Halkan.

Sii Akhri: http://www.somalitalk.com/2006/un/si.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Muran Xooggan oo ka taagan cidda shaqaalaha ka ah safaarada DFKMG ku leedahay New York "

  1. hASHI says:

    Ammaan eregyga cilmaani aan isku si loo aqoon. Sidaan ogahay ninba dankuu rabo ayuu u fasirtaa. Dadka schoollada madaniga ah ka baxay waxay u cilmaani ama secular ery aan wax dhib ah xanbbaarsanayn, meesha wadaadddu ku oran cilmaani waa gaal. Halkaas baa sartu ka qurantay siday ila tahay eegga.

  2. Hassan says:

    scw waan salaamayaa, akhyaarta, iskudubadda ridda boogan somali talk, waxaadna mar walba isku daydaan inaad dadka u ifisaan wararka ay macluumaadku la socdaan, aadna loogu baahan yahay in xaqiiqdooda la gaaro,hadaan u soo laabto ciid badal wuxuu ka mid yahay dadkiisa , sida ay wadanka wax uga maamulaan cilmaaniyiinta (secular) iyo islaamiyiinta, marka waxaan soo jeedin lahaa, ha loo daayo wakiilnimadiisa waayo? hadii loo diido , wuxuu noo imaan doonaa isagoo ra,iisalwasaarinimo wata, oo la leeyahay waa in ciid badal loo magacaabaa, wa bilaahi tawfiiq.

  3. Adam Abuzhri says:

    Waa wiil yar oo shaqo doon ah oo doonayey inuu lahadlo warbaahinta reer galbeedka iyo inaay taageero uhelaan dowlada xiligaas jirtey. Sheekh Shariif oo laftiis xiligaas ahaa asal raac, maanta waan ognahay sida uu isu badalay iyo meesha uu kataaganyahay haraagii ‘maxaakimta’.

    Somalida cilmaaninimadu dhab kama ahaan ee waa kumeel gaar; sidaas darteed wakiilkaan maanta wuxuu yahay waxa ay dowlada Somalia matalayso tahay.
    Marka loo eego warlordska iyo gacan kudhiiglayaasha dowlada kujira,waxaan filaya wakiilkan wuxuu noqonaya iqarso.

    Ugu danbeyntii, ninkaan meesha waa loo magacaabay, waxaan kabadali karno majirto oo aan ka aheyn buuq iyo qaranimada oo sii wiiqanta. Haddii aan xoojino midnimada iyo dowladnimada, waxaan awoodi doona inshallah inaan qof waliba maxkamad lasoo taago laakinse maanta waa in garbaha lays qabsado oo aan tuuga farta lagu taagin, it is too early.