Home » Warar »

War ku aadan shirka golaha Wasiirada: oo isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen,

…. ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka….

Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu  horeeyo in howlaha muhiimka ah ee xukuumada lagu soo koobo 5 qodob oo kala ah.

  1. 1. Inay ammaanka wax ka qabato
  2. 2. Inay fuliso dowlad wanaag
  3. 3. Inay hirgeliso Dastuurka
  4. 4. Inay dib u heshiisiinta dardargeliso
  5. 5. In wax laga qabto Arrimaha gargaarka Bani’aadamimada

Dood dheer kadib golaha wasiiradu waxay isku raaceen in xooga la saaro dhiirigelinta qodobadaasi.

Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cirib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa.

Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada.

Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed wuxuu dhegeystay dacwad uu xeer ilaaliyaha Qaranku ku soo oogay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux kaasoo codsanaya in xasaanadda laga qaado kadib markii uu si sharci-darro ah ku galay dekeda Muqdisho, dood dheer kadib golaha waxay isku raaceen in guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyo arrintaasi.

Ugu dambeyntii golaha Wasiiradu waxay dhegeysteen warbixino ay u soo jeediyeen Wasiiro ka soo laabtay safaro dibadda.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

Cabdi Xaaji Gobdon

E-mail: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.