Home » Faallo »

Cumar C/rashiid: “Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay”

Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo si qayaxan u beeniyey in uu saxiixay warqad la sheegay in loo diray shirkadda Saracen Internation ee qaabilsan ammaanka…

Cumar C/rashiid ayaa si kulul u beeniyey hadalkii uu ra’iisul wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka DFKMG ee ahaa in Cumar C/rashiid uu warqad u qoray shirkadda Saracen, si shirkaddaasi uga hawl gasho Soomaaliya, taas oo Cumar C/rashiid ku tilmamaay waxba kama jiraan.

Waraaqahii ka soo bixi jirey xafiiska Cumar C/rashiid waxaa astaan u ahaa xarfaha XRW, laakiin warqadda laga hor akhriyey baarlamaanka waxaa astaan u ah xarfaha OPM… Sida laga soo xigtey. SII AKHRI…

Dhanka kale:

Warqad uu Cumar C/rashiid hore ugu qoray Qarammada Midoobay oo ku astaysan OPM… Warqaddii October 10, 2009 uu QM ku war geliyey in Baarlamaanku uu diidey Heshiiskii is fahamka badda ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya….

SII AKHRI….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Cumar C/rashiid: “Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay” "

  1. Ahmed says:

    Waxa sax san ma aqaan. Alle baa wada og. Balse waxaan rajaynayaa xiligaan inaan u baahneen shirgadaan, waxaan kaloo rajaynayaa in Bada soomaaliya muqadistahay cabirkeeda in la dhooro. Waxaan aad u xoojinayaa Somalitalk haday dadka siinkarto qaab casriyeeysan oo loo mudaharaado, sida Facebook, Yahoo, Hotmail iyo dhamaan meelaha soomaalidu u isticmaalaan xariirka. Sababto ah wadankii waxaa jooga siyaasiyiin dad qalata ah . Mark aduunka aan tusno ragaas inay laf cad toobin ku hayaan. Soomaaliya will never lose one centmeter. Long life somalia

  2. sumaya ciise says:

    adeer somalitalk waa mahadsan tihiin balse hal arin ah baa idinka maqan oo waxey tahey horta warqaduhu hadey yihiin warqado english u qoran waa qasan in pm lagu qoro balse fiiriya saxiisa warqada omar waraqadihiisa uma qori jirin Omar A A Sharmaarke ee wuxuu u qori jirey
    Omar Abdirishiid Ali Sharmaarke bal fiiriya magaca warqada ku qoran
    wabilaahi towfiiq

  3. abdirisaq says:

    ASC.

    Meesha ma yaal kiis qof la dilay oo aan is difaaci karin lagana war hayn cidda dishay.
    Guddi qaran oo xoog leh halloo saaro arrinka, hana u yeeraan cid kasta oo magaceedu kusoo yeeray arrintaan.dhaar kaddibna haka dhagaystaan waxa uu ka ogyahay iyo lugta uu ku leeyahay heshiiska. Ayaga oo su’aalo iyo raadsi caddaymo wixi loo bahdaba sameeynaya.
    Intaas kaddib halloo yeero shirkadda qudheeda illeen meesha hesiis la’aan iyo iyada oo aan kulammo badan iyo wada tashi la gelin dhinaca dawladda Somalia iskama imane, gaar ahaan hawsha ay galayso oo ah mid xasaasi ah iyo muddada lasheegay inay doonayso inay shaqayso waxad moodda in ay tahay xagalo geel wax gunti la geliyo ka weyn.
    Waa in shirkadda la weydiiyaa nooca rukhsadda shaqo ee ay haysato xafiiska siiyey, goorta la siiyey iyo cidii ay intaas la kulmayeen ee ay waraaqaha gacantooda ka qaadeen. ileen shrkaddu waddanka cagaha masoo dhigteen ayadoon hesiis cad iyo sahammo iyo wada hadal dheer ay ku qanacsantahay la gelin dhanka dawladda eh.
    Baaris iyo su’aalo badan iyo xaqiijin dokomenti kasta meesha uu kasoo baxay iyo sida uu shirkadda kusoo galay gacanteeda kaddib.
    Ayadaoo lala kaashanayo garyaqaanno xeeldheerayaal ah, iyo khubaro xiriirka caalamiga ahba, meel la saaro in hehsiiskani nadaamka dawladeed waafaqsanyahay iyo inuu been abuur iyo khiyaamo yahay.
    Haddii uu ka dambe noqdo ayada oo aan xamaasad iyo siyaasad midna lagu ladhin waa in arrinta loo kala saaro shirkadda iyo wixi laga yeeli lahaa.meel cadna lasaaraa.
    Intaa kaddibna loo soo jeestaa cidii ku lug lahayd iyo ciddi baarista dhexdeeda been sheegtey kaddibna beentoodi caddaatey.
    Markaa kaddib wixi sahlanna guddiga anshaxa ee xukuumada loo diro, wixi dembi qaran ahna xeer ilaalinta loo diro, wixi ansixin heshiiska iyo diidmadiisa ahna baarlamaanka loo diro ayadaoo lagu lifaaqayo nattijadi baarista iyo soo jeedinti garyaqaannada iyo xeel dheerayaasha.
    Waxan ka digayaa in arrintaan loo adeegsado kala saxashada iskoorro siyaasadeed iyo muranno shaqsiyadeed. waxan kaloo ka digayaa in dalka aan laga dhigin meel dad fawdo ahoo waalan (wild) degganyahay oo laga dhigo qofki ajnabi ahoo soo dhex istaagaba sidi waraabe harki suuqa soo istaagay oo kale oo dhamaanteen shacab, xukuumad iyo iclaanki aanshaqo kawada dhiganno, taas oo aan udanaynayn soo jiidashada maal gelin ee mustaqbalka dalka iyo ka faaidaysiga khibradda iyo tiknooljiyada caalamaiga ahba.
    wax waliba waa in loo daaya cidda ku shaqo leh ayada oo u raacaysa nadaam dawli ah ayada oo ilaalinaysa mar walba danta dalka, diinta iyo sharafta umadda Somaliyeed.

  4. Adam Abuzhri says:

    DAGAALKII UGU WANAAGSANAA EE SOMALI DHEXMARA
    Cashabka Somaliyeed ee meeshaan kudagaalamaya aad baan idinsalaamaya.Waxaan idiinsheegaya inaan akhriyey dhamaan qoraalada howshaan laxariira, xitaa tacliiqaadka dadweynaha.
    Waxaan oranlahaa, arintaa waa arin qaanuun iyo documentaal saxiixan oo ay dhicikarto inaay sax noqota iyo inaay been abuur noqoto. Raga arinta faraha kula jirina masahlano ee aan kawarsugno;mowduucana waa xasaasi iyo qaranimadii ayaa laysku haystaa kafoojignaw.
    Xamaasada halawado laakinse qabiil iyo qof jecleysi halaga ilaaliyo howshaan waayo qabiil Somaliyeed oo doonaya in dhul la’iibiyo majiro.

    Arinta R/wasaarihi hore waa labo midkood, in danbi lagu waayo oo uu noqdo R/Wasaare hore oo shaqadiisa si sharaf leh ugu tagay iyo inuu kamid noqdo fariiqa lagu eedeynaayo oo madaxweyne, wasiiro iyo rag baarlamaanka kujira ay kamid yihiin.
    Intaas waxaan kugu darilahaa raga howshaan geed dheer iyo geed gaaban ufuulay ee nasoo gaarsiiyey- inaay naga xigaan R/wasaarihii hore iyo raga eedeysan oo dhan.

    Arinta warqadahan iyo shirkad xaga amniga arinta waa kaweyntahay ee heshiiska badda iyo qoraalo kale ayey ragu raadinayaan.

    Wikileaks: Waxaa ila fiicnaanlaheyd in laraadiyo haddii Wikileaks hayso wax qoraalo oo kusaabsan arimahaan. Arin muhiin oo sidaan oo kale waa qasib oo safaarada Maraykan gacan ayey kuleedahey.

  5. Ali says:

    Asalaamu Calalkum

    Salaan Akhyaarta,

    Intaas ka dib waa la yaab, Waxay iila muuqata in shirkadan oo aan jirin la rabay in lacag magaca Soomaaliya loogu cuno…Wax security ah oo ay qabanlahaayeene ayna jirin, Waxaa mucjiso ah dadkii danbiga galay ee badda Soomaaliya iibsaday in ay weli qaarkood madax sheeganayaan, oo wadanka joogaan, Aan cidina wax iska waydiin, halka kuwa shirkadan Tuugada ah keenay, Ama madaxwaynahu ha ku jira ama niman tun wayn oo Dawlada hada ka tirsan ha ku jireene in aan waxba lagu samayn doodin, oo meeshoodii hawshoodii kasii wataan

    Arinkana waxaan ka biqi sidii kuwii isku dayey in ay Badda iibsadaan in la iska ilaawo oo cidi wax oran.

    Barlamaanka waxaan ka codsan in ay arinkan baaraan, Cidi ku shuqule xatooyada handida qarankana shaqo ka qabtaan.

    Cumar A/Rashid waa mahadsanyahay sida sharafta leh uu inkeray, iyadoo laga yaabo in xitaa shilimo loo balan qaadey lagu aamusiyo.
    Ilaahay ha idin fadeexeeyo, kuwa khaayinimada wada, oo qalinka raba in ay ku xadaan xaqa umadda Soomaaliyeed

    Salaams
    Ali

  6. caasho says:

    ASC marka hore dhamaan waad ku mahadsan tihiin somalitalk sida sharafta leh ee aad u soo ban dhigteen arintaan, marka xiga waxaan aamin sanahay in lagu been abuurtay cumar c/rashiid markii aan arkay dhamaan waraaqihii uu qori jiray iyo tan hada ah waxaa taas ka daran markii aan arkay waraaqda waqtigii la qoray waa waqtigii dawlada uu qalalaasaha ka socday oo ina cabdi rashiid lagu kacsanaa oo marba meel laga soo galayay marna la ridayay marna baarlamanaka lacagta inta lasiiyo lagu dirayay , waxaa geesinimo iyo sharaf mudan ina cabdi rashiid waayo markii uu arkay in shariif uu lugta ku walaaqayo ayuu si sharaf leh uga baxay waana isada lagu yaqaan aqoon yahay wax bartay hanbalyo ayaan leeyahay ina cabdi ha yeelin been abuur iyo wax sharaftaada meel uga dhacaya arintaan waxaa ka danbeeya waa shariifka isaga hala soo saaro maxkamada hana lagu xukumo khayaano qaran ………

  7. Muna Mohamed says:

    waxay ila tahay in Raisal Wasaarihii hore c/cabdi rashiid ay runtiis tahay oo lagu been abuurtay , waayo qofkasta oo caqli leh marka uu arko waraaqihii hore ee uu saxiixay cumar iyo tan hada aad bay u kala duwan yihiin waxaa kale oo jirta in xarfaha uu is ticmaali jiray iyo waraaqdan xarfaha ku qoran ay kala gadisan yihiin taas ayaa qof kasta oo qali leh u caday naysa in lagu been abuurtay raisal wasaarihii hore cumar cabdi rashiid

  8. Abdulla Ali says:

    a.s.c.marka hore dib loo eego hana la taxliiliyo wararkii R/iisul wasare Cumar.laba jeer ayuu idacadaha ka hadlay waxuna siiyay V.O.A.kuma uu soo qaadin shirikadaan leysku heysto ee SCRACEN oo mudaba war baahinta hadal heysay.v.o.ada wuxu ka war bixyay khilaafka soo kala dhax galay isaga iyo M/weyne Sharif somana hadal qaadin shirikadan SCRACEN.walayaal ma wuxuna ogey in la kala saari karo in uu leeyahay saxiixaa iyo in kale.mukhtabarka ku yaala magaalada uu ku nool yahay ee DUBAI laguna eegu wax yalahaan FALSADA ah ama qof saxixisa la isticmaalo ee lagu fuliyo fal danbiyeed oo aan la qarin karin adunyadaan aan ku nool nahay.mase ogtahay magalada DUBAI in adan ka werari karin dawlad kale oo aan la ogoleyn.R/iisul wasare waxaan talo ahaan kuu soo jeedin lahaa in aad ka gaabsato siyaasadda hada ka jirta dalka oo aad u deyso waqtiga waayo sharaf baad ku timid sharf baanad kaga tagtay.midiyahana kuma fiicna had iyo jeer la hor istaago lana badsado xiriikooda waayo ma aha rag khibrad u leh saxaafada.

  9. Asalaama aleykum dhamaantiin Akhristayaasha:
    Waxaa nasiibdaro ah dadkii wax ubartay dalka iyo dadkooda in maanta lagu xanto khiyaamo qaran, arrintaan cusub waxaan qabaa in baarlamaanka u saaro guddi-caadil ah oo arrintaan soo ogaada ciddii ka danbaysay arrintaan foosha xun. Annigoo tixraacaya qaannunka caalimiga TFG malaha maxkamad sare ama midgaar ah oo madaxbanaan oo arrintan gasha. Haddii aan nahay bahda garyaqaanada waa arrin u baahan inay galaan xildhabaano aqoon uleh sharciga sidii ay u cadeeyaan shaqsiyaadka galay falkan qiyaamo qaran. Mar labaad waa nasiibdarro in dhalintii laga sugayey inay dalkooda dadkooda badbaadiyaan lagu tuhmo inay shilin raadis yihiin. Waxaa sharaf mudan meddia internetka ee arrintaan si wanaagsan ugu baahiyey caalamk aa dhan.

    Thanks
    A.Samantar
    Lawyer ‘Advocate Human Rights’.

  10. Togane says:

    Ra’iisul Wasaarihii Dowlada Aqoonyahanka Qurbojooga ah Siyaadasada Sabeyso ee Soomaaliya ma waxay kusoo Saa’idiyeen Masabidasho?!

    Waa been abuuur aan geed lagu soo gaban oo lagu sameeyay ina Cabdirashid, waxaana marqaati cad u ah sumadaha ku qoran warqadihii uu horey u saxiixay. Faranmaajo waxaan kasugeynaa in uu qaladkiisa qirto Shaarbahana xoogaa iska gaabiyo! (intaas waa xukunka ay ku xukmin lahaayaan alshabaabiina qaladkiisa awgeed!) :)

  11. said liban says:

    walaahi xaqiiqdi aad baan ula socday arimahani maalmahii ugu danbeeyey amaba aan iraahdo maantadanba taagan, ee ku saab-san shirkadani Saracen xaqiiqdi waxaan dareemayaa horkeenidii ee RW farmaajo uu baarlamaanka hortiisa uu la yimid waraaqdani inay ahayd geesinimo iyo muujin uu muujiyey sida hagar-la’aanta ee uu u danaynayo in uu la shaqeeyo baarlamaanka jamahuuriyadani dhiban.Sidoo kale RW hore Sharmarke ka jawaabidani waa arin iyana xiiso badan oo aan filayo inay haboon tahay inaan ka war sugno halka ay ku danbayso maalinti uu qabsaday Farmaajo. hadaba anigu waxay ila tahay RW wasaare farmaajo musuq-maasuqi uu la dagaalamayey inay midana ugu horayso,sidoo kale waxaan qiyaasayaa inaan ka maqlahay Farmaajo anigaa iska bilaabayo cirib-goynta musuqa bal aan dhwro maalin aan u malaynayo inay ku beegantahay dhamaadka janawari ama bilowga febewari in uu hor iman doono RW farmaajo halkaas baana miisaanka ugu wacan ee farmaajo ku heli doonaa haduu alaha awooda leh noo ogolaado

    MAHADSANIDIIN

  12. Mr,Osman says:

    SomaliTalk aad ayaad u mahadsantihiin sida xilkasnimadu ku jirto oo aad usoo bandhigteen warqadda la yiri waxa saxiixay Raiisal wasaarihii hore,
    Haddii aad si fiican loo fiiriyo wax isku mid ah ma aha saxiixa rasmiga ah iyo kan been abuurka ah, Marka waxaan usoo jeedin lahaa dowladda cusub ee uu hogaaminayo Dr, Farmaajo in arrintan si fiican loo baaro oo la iska jiro in dalka la khayaameeyo, waa haddii rajo laga qabo in mustaqbalka wax la xukumo, haddii kale siddii raggii hore ee fashilmay ayaad booskooda galaysaan.

  13. Dr. xaayaw says:

    SCWWB
    Waad mahadsantihiin Websiteka Somalitalk. Si fiican oo constructive ah ayaad markasto usoo bandhigtaan waxyaabaha la duugduugaayo oo iyo dibandaabyada dalka lagu haayo oo danaysigu horssedka u yahay, beenta iyo mabda laanta iyo diinxumadu halku dhig u tahay.

    Sideedaba markaad kitaabka quraankaa akhrinaysid min gees ilaa gees ku arki maysid meel ilaahay uu noo sheegaayo inay dadku ( aadanaha oo dhan) wax fahamsanyihiin, balse waxaad arkaysaa , dadka badankiis wax ma fahmaan, dadka badankiis wax ma gartaan, dadka badankiis wax ma odorosaan, dadka badankiis wax ma arkaan, dadka badankiis wax ma maqlaan, dadka badankiis caqli ma laha, dadka badankiis argati uma saaxiib aha, ……. hadaba shacabka soomaliyeed bani aadamkaas buu ka mid yahay waxaase sharaf iyo amaan idiin ah inaad ka mid noqteen inta yar ee wax garato waxna fahamtay umadoodana jecel inay samato bixiso inaad ka mid noqteen.

    Intaa ka dib, Shiikh Shariif masidii la mooday masiduu noqday , waa ka dharagsanahay, inuusan wadan dan ka lahayn, aqoon uu wax ku maamulana lahayn, Cumer cabdirashiid isaguu ka shaqayn waayay oo hawlihii raiisal wasaaraha farah kala bix waayay, maantana sida cad beentii ugu fool xumayd soo baxaday, farmaajana Kollayba waa sugaynaaa inta uu xamili doono maamul xumada iyo Fargelinta tooska sh ee shariif lasoo ganay, tan kale waxaa tusaale inoogu filan qalbkii raisaul wasaaraha guddonsiinaayay Wasiirka Caafimaadka buu intuu garab istaagay isagoo Uganmdese daba taaganyihiin leeyahay , wasaaradda gaashindhiga iyo wasaaradda arrimaha gudaha –kkkkkk waa nasiib darro nin meeshaas aqoon ka joogo inuu umaddii loo dhiibay, dastuukuu shalay kula dagaalamayaaya Ina Cabdrashiid buu maantana leeyahay Muddo bil ah halgu soo dhameeyo , waa la yaab kale, waraysi uu UNTV siiyayna waxu lahaa Shariif lasoo ganay, waan soo tagnahay oo waan sii shaqaynayaa inuu xishoodoo iska taga daaye , waa ismoog wali udbihii bay aslaysaaa.

    waxaan u mahad celinayaa Ina Cabdirashiid kasmadii iyo aqoontii oo muujiyaya taariikhdaana u marqaati kacayso wax qabadkiisii iyo dhibaataduu ku dhex jiray.
    Ugu damayn Soomaliyay inta wax garataaay Shariif lasoo ganay iyo saaxibadiisa u nacamleeya dalka ka qabta. ninilaahiisii ku ballan furay axdi iyo dastuur midna ma ixtiraamayo aqoon celisana malaha.

    nabadey.

  14. ali says:

    waa arin cajiib ah .
    maxay dhalin karto heshiiska

  15. Nadiira says:

    Asalama Alleykum!
    Marka hore ALLAH baa mahad leh, nabad iyo naxariis nabigeenii suubanaa cws korkiisa ha ahaayto. Tan labaad waxaan uga mahadinayaa sida wanaagsan ee sharafta leh ee bahda Somalitalk mar kasta wanaaga iyo xaqiiqda ugu soo ban dhigaaan umada Soomaaliyeed. Aad baad ugu mahadsan tihiin runtii muwaadiniin dhab ah oo waliba qabiil ka maran baa tihiin. Hadaan u soo noqdo fekradaayda , ka dib markaan isu fiiriyey labada saxiix ee waraaqaha uu qoray PM Cumar Abdi rashid iyo tan la leeyahay hada buu qoray isu fiirshey waxaa ii soo baxday in raaysal wasaarihii hore ee Cumar laga been sheegtay. Labada saxiix isku mid ma aha sidaa darteed waa been iyo mal maleeg la isu keen keenay. Dowlada shariif ilaa domian kii Soomaaliya iyo badii baay gateen hadana hadaay been iyo ku darsadeen is daba maryaayn waa wax aan loo dul qaadan karin. Waxaan kula talinayaa parlamenka Soomaaliyeed in aay arintaan ka fiirsadaan , pm cusub ee faramaajo na yiraahdaan cadaaymo kale keen. Shirkadahaayn aan la aqoon wax aay noo qabanayaan wadanka ha ka saareen. Lama oga xataa in aay sun ku aasayaan dalkeena ama aay arimo kale wadaan. Koley shaki kuma jiro dano gaar ah baay Soomaaliya ka leeyihiin. Mideeda kale warqada heshiish ka kuma cada wax aay ka qabanayaan dalka iyo intresska aay wadanka ka leeyihiin. Waa Bilaahi taawfiiq.

  16. Ahmed says:

    waxay aniga iga ila tahay Raisal Wasaare Cumar c/rashiid inuu marwalba masuuliyada asagu leeyahay. waxeyna arintu tahay haddi uu inkiro oo uu yiraahdo masaxiixin inuusan xilkiisi gudan oo uu ahaa irresponsible, haddii uu saxiixayna dee asageey tahay inuu qaato masuuliyadiisa. either way his guilty of irresponsibility and mismanagement of National task.