Home » Warar »

Hayadda CDHR oo qabatey siminaar la xiriira Mabaadii’da Aasaasiga ee Xadgudubyada Dhibanayaasha iyo ku Tagri Falka Awoodaha

Hotelka Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyey Siminaar socdey muddo saddex maalmood ah waxaana Siminaarkaas ka qaybgaley 30 xubnood oo kala kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana soo qabanqaabiyey Hay’ada Center for Democracy and Human Rights waxaana lagu baranayey casharo la xiriira Mabaadii’ada Aasaasiga ee Cadaalada, Dambiyada iyo Ku Tagri Fal Awoodaha

Halkan ka daawo sawirada

Siminaarkaan ayaa waxaa Casharo ka bixinayey Faadumo Aadan Cosoble iyo Cabdulaahi Yuusuf Siyaasi waxayna labada ku dheeraadeen Waxyaabaha keena ee ka dhalan kara Xadgudubyada lagula kaco Baniaadamka iyo sida looga bxi karo Xadgudubyadaas oo Macalimiinta ay ka soo qaateen Qodobo Dhowr

Faadumo Aadan ayaa waxaa Tafaasiil ka bxixisey Noocyada kala duwan ee keena Xadgudubyada loo geysto Aadamiga iyadoo sheegtey dalka Soomaaliya ay ka dhaceen xadgudubyo aad u fara badan mudadii labaatanka Sanno ahayd ee dalka ka jireen Dagaalada Ilaa iyo hadda ma muuqato siyaabihii looga bixi lahaa waxay kaloo sheegtey in Xadguduyada looga bixi karo iyadoo si sax ah loogu dhaqmi Diinta Islaamka sidoo kale waxay Faadumo Aadan sheegtey in xitaa Shacabka Soomaaliyeed ay hareer mareen Dastuurkii ay ku Heshiiyeen ka dib waxaa ka qaybgalayaasha markasta loo qaybinayey Koox koox si ay ugu soo Jawaabaan Suaalo la xiriira waxyaabaha keena Tacadiyada , waxa ka dhalan kara iyo sida looga bixi karo iyadoo Kooxahaas ay si Saraaxad leh uga jawaabayeen Suaalihii loo direy

Cabdulahi Yuusuf Siyaasi ayaa sna ku dheeraadey Saameynta ama raadka ay reebi karaan Tacadiyada qaarkood sida Kufsiga, Dilka Madaafiicda Dagaalada iska socda Xabsi , Barakaca Tahriibka iyo wixii la mid ah wuxuuna sheegey in kuwii dalkeena ka dhacay ay dhaliyeen wax la yiraahdo ( Shock ) oo qofka uu ku dhaco qalqal Maskaxeed uu soo Goconayo Xadgudubkii lagu sameeyey waxaana markasta ka qaygalayaashii loo qaybinayey intii uu socdey Siminaarkaas koox koox kuwaas si wanaagsan uga soo jawaabeen Suaalihii loo direy

Gabagabadii waxaa ka Hadley siminaarkaas Dahabo Sheikh Maxamed oo ka socdey Ururka Hanad oo u mahacelisey Hayada Center for Democracy and Human Rights oo sheegtey in ay qabatey siminaar si aad ah u taabanaya Bulshada Soomaaliyeed waxayna u soo jeedisey in ay sii kordhiyaan Siminaarada noocan oo kale ah si ay dad badan uga Faaiideystaan sidoo kale waxaa Masuuliyinta Hayada soo qabanqaabisey siminaarkaan ee CDHR u Mahadceliyeen Hayadda Natioanal Endowments For Democracy waxaa kaloo halkaa mahadcelin ka soo jeediyey ka qaybgalayashii waxayna si gaar ah ugu Mahadceliyeen intii isku soo dubaridey Siminaarkaas socdey mudada Saddexda maalmood ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.