Home » Warar »

Muqdisho: In ka badan Boqol Qof oo ka qayb galay Siminaar Xiriir ah oo ay Bixisey Hayada SOMWA

Seminaar lagu baranayay qaabka loo sameeyo Galaangalka (Advocacy) oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Haweenka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SOMWA ayna ka qeyb qaadanayeen 35 xubnood oo ka kala socday ururada iyo xarumaha warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Seminaarka oo ay gacan ka geysatay hay’adda IREX waxaa lagu bartay casharo ay ka mid yihiin: sida loo sameeyo Advocacy (u doodis) iyadoo la adeegsanayo warbaahinta, qaabka loo dhiraandhiriyo dhibaatooyinka (Problem analysis), sida loo dhiso koox wadareed (Net-working), sida loo sameeyo dhaqaale ururin (fund raising) iyo sida loola xiriiro warbaahinta la marinayo farriinta.

Waxaa kaloo casharadii seminaarka ka mid ahaa xirfada wadahadalka (negotiation skills), waxaana casharada seminaarka bixneysay Khadiija Ahmed Abuukar oo ka mida tabarayaasha heer qaran ee dalka.

Gabagabadii seminaarka waxaa magaca ka qeybgalayaasha ku hadashay Yaasiin Mayow oo sheegtay inay si weyn uga faa’iideysteen casharadii seminaarka oo ay sheegtay inay ahaayeen kuwo aad loogu baahnaa iyadoo uga mahad celisay hay’adda SOMWA qabashada seminaarka, waxayna kula dardaarantay ka qeybgalayaasha kale inay casharadii ay qaateen ay uga faa’iideeyeen bulshada iyo saaxiibadood ay wada shaqeeyaan.

Agaasimaha radio Tusmo ee magaalada Muqdisho Sheekh Cumar Xerow ayaa isna mahadcelin weyn u jeediyay ururka haweenka saxafiyiinta ee SOMWA seminaarka qiimaha leh ee uu soo qabanqaabiyay wuxuuna intaas ku daray inay warbaahinta la gudboon tahay dhaqan gelinta casharada laga kororsaday seminaarka si loogu doodo umadda dhibaateysan ee u baahan waxqabadka.

Ugu danbeyntii gabagabadii xafladda lagu soo xirayay seminaarka waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha guddiga qaranka ee dastuurka Prof. C/llaahi Xasan Jaamac oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay haween intaas la eg oo saxaafadda ku jira maata iyadoo buu yiri xilligii hore ay aad u yaraayeen haweenka saxafiyiinta ah.

Md. C/llaahi Xasan Jaamac wuxuu ku bogaadiyay ururka SOMWA sida ay isaga xil saareen tababarida haweenka saxafiyiinta iyo kuwa bulshada rayidka ku jira, isagoo dhinaca kale u mahad celiyay IREX, wuxuuna caddeeyay inay la kaashan doonaan warbaahinta howlaha ay wadaan ee qabyo qoraalka dastuurka ah.

Seminaarada Media Advocacy oo soo bilowday bilowgii bisha November waxaa iska kaashaday Somali Media Women Association (SOMWA) iyo International Research and Exchange Board (IREX) waxaana ka faa’iideysay in ku dhow 100 qof oo u badan haween.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.