FBI oo Baaraysa Weerar loo geystey Gabar Soomaaliyeed oo Reer Columbus, Ohio ah —
FBI ayaa bilowday baaritaan hordhac ah kaddib markii gabar Muslimad ah lagula kacay cabsi gelin, isla markaasna indhaha lagaga buufiyey sunta dadka kaga ilmaysiisa, arrintaas oo ka dhacday barxadda Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio, gabadhaas oo 20-jir ah oo muddo 10 sano ah ku noolayda bartamaha gobolka Ohio, waxaa sidaas warka ku bilowday jariidada Dispatch ee kasoo baxda Columbus Ohio.
Gabadha oo magaceedu yahay Saida J. Said, oo Soomaali ah, kuna lebisay dharka xijaabka Muslimka ayaa sheegtay in Isniintii ay gaariga ay watey markii ay istaagtey meel isgoys ah , qiyaastii 1:30 pm, in ay aragtay nin caddaan ah oo eeganaya. Ninkii gaari ayuu ka soo daba qaatay, ilaa ay gaarigaada istaajisey halka gawaarida la dhigto ee barxadda Masjidaka Abubakar Siddique Islamic Center ee magaalada Columbus, masjidka oo ku yaal jidka Sullivant Avenue.
Markii ay gaarigii istaajisay, ninkii waxa uu isna gaarigiisii istaajiyey barta gadaasheeda ah meeshii ay gaarigeeda dhigatay, durbadiina inta uu gaarigiisii ka soo degey ayuu indhaha waxa uu kaga buufiyey sunta dadka kaga ilmaysiisa ayagoo weli ku dhex jirta gaarigeeda, waxana uu ku dhawaaqayey erayo nacayb iyo hanjabaad ah, isla markaasna gaarigiisii ayuu kaxaystay.
Dhaacadadaas waxaa duubay Kaamarada Masaajidka Abuubakar ee Ohio. Arrintaasna waxaa weli baaraya booliska Columbus Ohio, ayey tiri Jariidaduu.
Video-ga oo muujinaya dhacdaada, oo aad hoos ka daawan kartid, waxa uu muujinayaa gabadha oo gaarigeeda dhiganaysa barxadda iyo islamarkii gaari kale oo soo agdhigtay, waxaana ka soo degaya nin usoo dhaqaaqay dhankeeda ilaa uu soo gaaro daaqada dhanka ay gaariga ka waddey.
Telefishanka NBC4 waxay gabadhu u sheegtay in ninkaasi handaday, una hanjabey. “Wuu in handadey,waxa uu yiri waan ku dirlayaa, dhammaan dadkiina Muslimka ah ku laabta meeshii aad ka timaadeen, haku fekerina in aad dalkan xukunaan, taas ma awoodaan, kani waa dalkaygii,” sidaas ayuu igu yiri ayey tiri. Markaas ayuu igu buufiyey sunta indhah kaga ilmaysiisa, ayey hadalka sii raacisay, waxayn asheegtay in ilaa hadda ay ninkaas ka cabsi qabto.
Sawirka: Gaariga cad oo soke waxaa watay gabadha, gaariga cad ee dambena waxaa watey ninka (Daawo Video hoose)
Sababta masaajiku u leeyahay kaamaro si joogto ah wax u duubaeysa waxaa weeye in hadda ka hor masjidka la weeraray, sidaas ayaa kaamarada loogu xiray, sidaas waxaa yiri Romin Iqbal oo ah madaxa CAIR u qaabilsan Columbus. CAIR waxaa laga soo gaabiyey (Council on American-Islamic Relations)..
Iqbal waxa uu yiri “Sababta gabdha loo weeraray waxaa weeye inay ku lebisnayd dharka Muslimiinta, loo aqoonsaday ina ay tahay Muslimad”.
Telefishanka WBNS oo sidoo kale waraystay gabadha ayaa yiri “Hadda waxa keliya oo ay gabadhani doonaysaa waa in ay ku dhaqanto Diinteeda, dadka kalena ay taas fahmaan.” Waxayna tiri waxaan doonayaa in ay “Faahmaan diinta Islaamku waa diin nabadgelyo”
VIDEO: Warka iyo Video halkan ka daawo
TV: VIDEO DAAWO: Waraysi kale
SIDOO KALE DAAWO:
FBI Investigating Alleged Hate Crime Outside Mosque
FBI investigates reported assault on local Muslim
…
Qoraaladdii hore ee Xihaabka Akhri: http://www.somalitalk.com/islam/xijaab.html
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.