Home » Warar »

Shir lagu qabtay Mombasa oo looga hadlay wax u qabadka dadka Gobolada Jubooyinka .

iyo Kulan Haweenka Soomaalidda Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaaldda Perth ee Galbeedka Australia…

Shirka Waamo ee Mombasa: “Waagii Qabiilka la bilaabayey anigu timo badan ayaan lahaa, dhibkii wuxuu nookeenay in uu baraf naga tuuro…”

Magaalada Mombasa ayaa waxaa lagu qabtay Kulan ay ka soo qayb galeen odayaal dhaqameed, wax garad, culumudiin ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ee koonfurta soomaaliya iyadoona kulankaasi lagu qabtay hotelka New Palm tree magaalada Mombasa .

Shirkan ka dhacay magaalada Mombasa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isla markaana dadkii ka soo qayb ku casumay Suldaan Xaaji Maxamuud Qiilma-waaye oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolada jubooyinka waxaana uu tilmaamay in kulankaasi ay ujeedadiisu ahayd sidii Shacabkii Gobolada Jubooyinka ee ku kala firdhaday Dunida daafaheeda ay uga tashan lahayeen aayaha iyo nabadda deeganadood isla markaasna wax loo qaban lahaa dadka ku dhibaataysan goboladaasi .

Suldaan Xaaji Max’uud saciid Qiil ma waye oo in sanadihii ugu danbeeyay ku maqnaa wadamada Yurub ayaa waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo dadka deegaankaasi uu ka soo jeeda xoojinta nabada iyo waliba sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka deegaankaasi ”Walaahi ayaan ku dhaartay inaan wax yar oo dan ah ka la gaar ah ka la hayan magaca ilaahay ayaan ku dhaartaye dantayda waxaa weeye in ay maanta reer waamo ayaa shiray dad reer waamo ah ayaa meel isugu tagay waa wax aad u qiimo badan maxaa yeelay waan isku imaan jirteen waad is duugi jireen wax waan is jari jarteen dadkaan mustabal ayay lee yihiin laakiin inaan quusano maahan waa inaan ka tashno danaheena dad kuma shirayno dadkii yurub aaday waxad u haystaan in ay isteex ku jiraan war istereex kuma jiraan ” ayaa uu yiri Suldaan Qiil ma waaye.

Dhegeyso Cod kooban (clip)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/waamo_2010.mp3]

Waxaa uu ku baaqay in dib loogu noqdo gobolada Jubooyinka isla markasna laga shaqeeyo hor markoooda isagoona ku baaqay in wax loo qabto dadka halkasi ku nool si looga baxo dhibka soomaaliya ka taagan mudada 20ka sano ah

Sidookale Xaaji Khaliif Godana oo isna ka mid ahaa Odayaashii ka hadlay kulankaasi ayaa waxa ugu mahad celiyey Suldaanku Fikirka uu ula yimid ,taasoo uu ku tilmaamay inay midda keliya ee ay Shacabkaa Gobolada Jubooyinka ugu noqon lahayeen Guryahoodii.

Suldaan Diini Mahadi Diini oo isna ku hadlayey Qowmiyadda bajuunta ee degta Gobolada Jubooyinka ayaa aad usoo dhoweeyey arintaasi waxaana uuka digey inuusan noqon fadhigani mid halkan loogu tago ee uu buu yiri laga miro dhaliyaa ,ayadoo gacmaha lays haystana Deegaanadii dib loogu noqdaa.

Sawiro”

Mohamed Abdi
Mombasa kenya
botaan1 [at] hotmail.com


Kulan Haweenka Soomaalidda Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaaldda Perth ee Galbeedka Australia…

Haweenka Soomaalidda Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaaldda Perth ee Galbeedka Australia ayaa xalay kulan isugu yimid, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Haween aad uga cadhaysan xasuuqa joogtada ah ee gumaysiga Itoobiya uu shacabka Soomaalida Ogaadeenya ku hayo.

· Shirkan ay Haweenku isugu yimaadeen waxaa lagaga warbixiyay guulaha isdaba jooga ah ee ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ka soo hooynayaan halganka adag ee ay kula jiraan gumaysiga macangaga ah ee damacawaalan ku caanbaxay wuxuuna shirku hoosta ka xariiqay in si dhab ah loo taageero halganka xaqa ah ee dadak & dalka Sooadeenya lagu xoraynayo, sidoo kale waxaa shirka lagu dhagaystay warbixinadii ugu dambeeyay iyadoo goobta laga akhriyay warbixino qoraal ah oo ku saabsan xaalada adag ee dadka & dalka Ogaadeenya haatan ku suganyahay.

· Qoraaladii shiraka laga akhriyay oo ahaa kuwo aad u xanuun badan ayaa intii la dhagaysanayay waxaa wajiyada Haweenka ka muuqday murugo & cadho aad u baaxad weyn waxaana si faah-faahsan madasha shirka looga jeediyay xogta dhabta ah ee ku saabsan xasuuqa joogtada ah ee ciidanka gumaysiga Itoobiya uu hadh & habeen shacabka Soomaalida Ogaadeenya u gaysto waxaa qoraaladaas si gooni ah ugu xusnaa waxyeelloyinka kala duwan ee ay Askarta Itoobiya shacabka biri ma gaydayga ah labadii todobaad ee u dambeeyay u gaystaan.

· Haweenkii shirka isugu yimid waxay tilmaameen in aan laga aamusi karin dhibka aan dhamaadka lahayn ee shacabka Soomalidda Ogaadeenya ay la noolyihiin waxayna balan qaadeen in aysan uamdooda dulman ka seexandoonin ayna lagarab taagaan doonaan af& adinba.

· Cambaarayn

· Haweenka shirkan isugu yimid waxay si kulul u cambaareeyeen falalka xadgudubka ah ee ay Itoobiya kula kacdo Haweenka Soomaalida Ogaadeenya & guud ahaan shacabka nugulka ah ee aan wax dambi ah gayalin waxaana farta lagu fiiqay arimaha murugada badan ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu gumaysigu baday & dhagarta xanuunka leh ee laga galayo uamda aan dhibka looga aaboyeelaynin sida dilka, dhaca, xabsiga xaqdarada ah,jidh-dilka, boobka hantida dadweynaha, baro kicinta, gubida deegaanka & hoyga bulshadu ku nooshahay & faroxumaynta Haweenka Soomaalida Ogaadeenya ee sharafta u saaxiibka ah..

· Baaq

· Haweenka Soomaalida Ogaadeenya ee Peerth waxay baaq u direen dhamaan dawladaha caalamka gaar ahaan Hay’ayadaha xuququl insaanka waxayan ugu baaqeen in aan indhaha laga laabanin shacabka dulimga culusi dulsaarnayhay ee ay Askarta Itoobiya sida balahnimada ah u haaligayaan hantidoodana ay boobayaan waxayna dhaliil u soo jeediyeen dawladaha waaweyn ee Itoobiya dhaqaalaha siiya.

· Haweenka shirka ka hadalay waxay carabka kuwada dhufteen in ay dawladaha Itoobiay dahqaalaha siiyaayi qayb ak yihiin dulmiga shacabka Soomaalida Ogaadeenya lagu hayo sababtoo ah bay yidhaadeen caawimada ay Itoobiya siiyaan waxaa lagu gumaaadaa dad masaakiin ah oo dhibku uu daashaday sidaas daraadeed waa in ay dawladaha arimahaas lugat ku lihi ku baraarugaan xadgudubka uu dhaqaalohoodu shacabkaas u gaysanayo, dhanka kale Haweenku waxay baaq kaas la mid ah u direen Jaaliyaddaha Soomaalidda Ogaadeenay ee dibada ku nool waxayna cod dheer ku yidhaadeen waa in aynu fadhiga ka kacno una hiilino shacabkeena dhulkoodii hooyo ku dulman waana in aynu gacan bir ah iskaga qabano kuwa magaca & midabka inla wadaaga ee umadeena gumaysiga u mijin qabanaya dooanyana in aynaan waligeen Itoobiya ka hoos bixin.

· Bogaadin.

· Haweenka Soomaalida Ogaadeenya ee Peerth waxay bogaadin & amaan aan la soo koobi karin u direen Masuuliyiinta & Kaadirka Jabhdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO),CWXO ee birlabka ah gumaysigana quusiyay & guud ahaan shacabka geesiga ah ee Soomalidda Ogaadeenya oo u adkaystay dhibka & hagardaamada gumaysiga isla markaasna diiday in quudhiga gumaysiga la ogolaysiiyo waxayan kula dardaarmeen in ay sii laban laabaan dadaalka loogu jiro xornimo gaadhsiinta dalka & dadka Soomaalida Ogaadeenya ee duniad laga takooray.

· Gabagadii Haweenka shirkaas isugu yimid waxay go’aansadeen in ay dardar galiyaan hawlaha ka haween ahaan la gudboon ayna joogteeyaan kulamada noocan oo kale ah sidoo kale waxay balan qaadeen in ay maalin & habeenba heegan u yihiin is barbar taaga shacbka dulman ee Soomaalida Ogaadeenay.

Haweenka Ogaadeenya
La xiriir:
Haliimo Ibrahim
Email: kamaydho [at] yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.