Home » Warar »

Ciidamada Itoobiya oo Dad ku xasuuqey, Guryo Badana ku gubey Tuulooyin ka tirsan deegaanka Qoraxeey

iyo heshiiskii ay garab ka mid ah Jabhadaha ka dagaalama Soomaali galbeed la galeen Itoobiya oo la sheegay in uu fashilmay….

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Qoraxeey ee Dhulka Soomaali Galbeed waxay sheegayaan Tuulooyin ka tirsan Deegaanka Qoraxeey in Ciidamada Itoobiya ay ku Gubeen Guryo badan oo ku yaaley Tuulooyinka Farmadow iyo Gabagabo oo ka tirsan deegaanka Qoraxeey waxaana la xaqiijiyey in ay khasaaro ka soo gaartey Dad degenaa Tuulooyinkaas.

Ilaa iyo hadda lama garanayo Sababaha keeney in in Ciidamda Itoobiya ay Gubaan Guryihii ku yaaley Tuulooyinkaa waxaana la sheegayaan in Gubashadaas dadkii ku geeriyoodey kamid ahaa Haweeney lagu magacaabi jirey Faadumo Cilmi oo la sheegey in deegaanka si aad ah looga yaqiiney, sidoo kale Gubashaas waxaa ku geeriyoodey Gabar Sideed iyo Tobana jir ah oo la sheegey in si ula kac ah Gurigeedii loogu gubey, waxaa kaloo Gubashaas ku geeriyoodey laba Caruur oo la sheegey in ay ku basbeeleen Guryihii Cidamada Itoobiya ay Gubayeen.

Guubashaan ayaa timid markii ay dagaalo ay dhexmareen Ciidamada Itoobiya Jabhadda ONLF ka dibna waxa Khasaaro ka soo gaartey Dagaaladaas Ciidamadii Itoobiya waxaana la sheegey in Ciidamada Itoobiya laga diley Sarkaal  ka mid ahaa Ciidamada Itoobiya,  markaas ayey Ciidamada Itoobiya Gubeen Tuulooyinkaas, waxaa kaloo lagu waramey in Ciidamada Itoobia ay hore u ka xeysteen Odayaal degenaa Tuulooyinka Farmadow Iyo Gabgabo sidoo kale Dadkii degenaa Tuulooyinkaas ayaa halkaa ka barakacay una cararey Deegaano kale.

Soomaalida ku nool Gobolka Soomaali Galbeed ayaa walaac ka muujiyey Xasuuqa ay geysteen Ciidamada Itoobiya wuxuuna Xasuqaan ku soo beegmayaa Xilil garab ka mid Jabhadaha la dagaalama Itoobiya ay  ku biireen Dowlada ka arrimisa Itoobiya ka dib markii la sheegay in ay heshiis la galeen Dowlada Itoobiya hase yeeshee Dadka qaar baa qaba in uu fashilmey heshiisyadii lala galey Dowlada Itoobiya ka dib markii la sheegey in la fulin waayey qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey.

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Video: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ciidamada Itoobiya oo Dad ku xasuuqey, Guryo Badana ku gubey Tuulooyin ka tirsan deegaanka Qoraxeey "

  1. Abdi says:

    4.4 Million? Sal iyo raad toona maleh! Dadka Soomaaliyeed ee wadankaas dega qiyaasta aanu haysano waa 7 million illaa 8 million Itoobiya waxay tirakoobkii biloowgii sagaashaadkii tidhi waxaad tihiin 500,000(Shan boqol oo kun) Hadana 4 million baad tihiin Come on xasaabtaasi sax ma ah. Wax intaas ka badan bay naga qabaan.

  2. naasir says:

    Dhibaatada lagu hayo shacabkanaga naguma cusba waana mid shacab maalin kasta loo geesto inshaa alaahuna waa laga bixi doona haduu rabbi idmo shacabkana waxuu hiil iyo hoobaba la garab taaganyahay ONLF oo hadaysan jirteen ilaahay sokodii dadka meesha aysan daganaan lahayn ONLF guul iyo gobanimo

  3. inaqasim says:

    Assalaama caleykum waraxmah.
    Aaad baad u mahadsan tahay walaal Amiin,ALLENA waxaan kaaga rajeynayaa inuusan ku khasaarinin,magacana mdi ka qurux badan kana dhadhan wanaagsan ku badallo,waxaan kuugu duceynayaa helidda iyo soo gudbinta xogta dadka walaalaheen ah MUSLIMKA ah ee lagu gumaadayo har iyo habeen dhulkoodii,caalamkana uu daawanayo kuna abaal marinayo gacan ku dhiiglayaash,gardaduubna loogu hayo.Waxaad warkan soo gudbisay xilli ay qeyb ka mid ah culumadeenii iyo kuwii halgan baan ku jirnaa weligood ku hayay ay qeyb ka noqdeen minja xaabinta umaddan dhiubaateysan.ALLE ayaa umadan u maqan,inta ka damqaneysana ALLAHA makaniyo sidey iyo asbaabihii ay ugu gargaari lahaayeen walaalahooda dulman.Waxaan RABIGEEN ka rajeynayaa inuu SHABAAB makaniyo awooda kuna sugo SHAREECADA,xabash qurunle injireey,huuraaley gelin ma joogteen dhulkeenee.ALLAHUMA Aamiin.