Home » Warar »

Madaxweyne Geelle “Annagu Gogosha Kolkaan Dhigeyno, Kama Sii Jeesaneyno, Waa La Joognaa, la Dareen Baanu Nahay Habeen Iyo Maalin…”

Khudbad Taariikhi oo uu u jeediyey Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Ku Shiraya Jabuuti —

Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada dalka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte, xubno ka mid ah Golaha wasiiradda iyo saraakiisha qaybaha kala duwan ee dalka Jabuuti ayaa Wajigii labaad shir ay lahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, ku furey khudbad taariikhi ah  oo isugu jirtey dareensiinta marxaladihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya uu soomarey mudadii labaantanka sano ahayd, caqabadaha taagan xiligan iyo waxa laga doonayo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbadiisu si ay ku jirto, dareen  bani’adaanainimo, mid walaallnimo iyo xilkas ula Hadley aqoonyahanada Soomaaliyeed, islamarkaana taabsiiyey xaqiiqooyinka soo taagnaa mudadii labaatanka sano ahayd, ayaa waxaa uu kula dardaarey, dardaarankii  ugu adkaa ee loo jeediyo dadka Soomaaliyeed iyo wax-garadkooda.

“shir haddii la furayo, waxaa caado ah, in wixii laga sii afeefanayo la sii hormariyo, kan la xirayana in la baarikaro, ama la dhaleeceeyo, ama wax toos looga sheego ama iijaabi ha ahaato ama yuusan ahaane, aqoonyahan iyo dadd soomaaliyeed oo jecel dalkooda oo leh godka maad ka soo saartaan dalkiinii, niyad sami iyo mintidnimo, ay isku raacdey, daacad ka ah qadiyadaasi dadka oo dhan saameysey, fursadna u heley in ay waajibkooda ka gutaan ayaa halkan isugu yimid” ayuu ku yiri khudbadiisa Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey.

Khudbada Madaxweynaha Jabuuti oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/ismaaciil_c_geelle10.mp3]

“intiinii sii shaqeysey, waxa aad soo saarteen, annagu reer jabuuti haddaanu nahay, qaarkiin arrinta xagga dareenka, barafka badan haddaad ku jirtaan, intayada cadceeda joogtaahi, waan idiinka dareen badanahay ayaan u maleeyey, kelimadii soo biirtaba wax bey keeneysaa ayaan isleenahay, hawshiinuna waa hawl aan u bogey, sidii aad u gasheen, wixii yaraa aanu wax ka niri waanu niri oo profeysarku waa ogyahay taasna waxay naga tahay, waxa aad ku daashee aad ku dadaashey ee aad Ummadda u keento, haddii aad kurtimo u yeesho, dadd badan oo kutimadaas doonanayaa ayaa jira oo aanan xitaa isku dayeyn in ay dhuuxaan”.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayey Kulanka

“annigu haddaan ku daro dalku sida uu maanta yahay oo aad sawir ka qaado, wax fiican ma ahan, dadku wuxuu noqdey barakaci iyo qoxooti intii dalka joogtaahi, ciidamo beeleed, ciidan wadaadeed iyo dadd rasaasi ku dhaceyso maalin walba calan yar haysta oo ku ilaalinaya waxa yare e harey ee ugu dambeeyey..”

Khudbada Madaxweynaha oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/ismaaciil_c_geelle10.mp3]

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Machadka daraasaadka Culuumta Siyaasada iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Madaxweyne Geelle “Annagu Gogosha Kolkaan Dhigeyno, Kama Sii Jeesaneyno, Waa La Joognaa, la Dareen Baanu Nahay Habeen Iyo Maalin…” "

  1. Ahmed says:

    SCWW
    Waa nin bukaa 100 u tali,waa nasiib daro dadkeenii iyo dalkeeniiba haysata in maanta Ismail. males iyo kibaki iwm masiirkii iyo mustaqbalkii soomaali loo adeegsado,somaalidu waa dad iloowsho dhoow,soo ismaciil omar geele maaha ninkii somali 550 baarlamaana u sameeyey ee yiri xal baan moodey,soo maaha jibuti meeshii lagu hirgeliyey formalada 4.5 ee ilaa hadda aan ka soo kabsan la nahay,war kheeyr ma soo wadide somali faraha kala bax,adigaa ka xun xabashi iyo kenyati,maxaa wacay weey iska cadyihiin fara gelintoodu.ujeedaadaduna waa sidii aad u shirqooli lahayd dhalinyarada wasiirada ah ee raba dalkooda ineey bal badbaadiyaan marin habaabin tooda.

  2. Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waqtigan xaadirka ah waxaa gundhig u ah faragalinta shisheeye ee dalkeena lagu wado. Taasoo dhalisay qallalka (shalalka ama paralysis) kudhacay oogada guud ee ummadda.
    Faragalinta waxaa kuwada

    1- Reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska. Iyo kuwa ay adeegsanayaan sida Ethiopia iyo Djibouti
    2- Muslimiinta, Gaar ahaan Sucuudiga iyo Iran.
    3- Iyo kuwo dadkale oo dawlado ay ishayaan awgeed soomaaliya u faragalinaya sida Masar iyo Eretria.

    Intaas aan kor kuxusay, Midna danta soomaaliyeed kama shaqaynayo. Waxaa laga wada shaqaynayaa sidii dawlad waddani ah oo danaha dadkeeda ka shaqaysa oo dalkeeda difaacata ayna soomaaliaya uga dhalan lahayn.

    Madaxweynaha jabuutina wuxuu fulinayaa oo kaliya waa ujeedada ay wataan kuwa mushaarkiisa bixiya ee paariis saldhiggu u yahay. Waa laga yaabaa inuu u ooyo oo dhiiggu u kaco arrimaha soomaalia. Laakiin wuxuu qaban karaaba iska yar.

  3. naasir says:

    ismaaciil cumar geele yuusan iska dhigin nin danta soomaliya ka talinaya waa lawada ogayahay somaliya waxa ay ka dagi ladahay waa Djabuti iyo ethopia labadooda oo u arka soomaliya oo nabad ah ín ay caqabad ku tahay danahooda ismaaciil waxuu jooga meeshi gabyaaga oomaliyeed lahaa “Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badane oon hada doonahayn in heshaa daa,in abidkaaye dadkuna moodi duul wadadhashoon wax u dahsoonayne alo ma leh aakhiro iyo hadii loo kitaab dayo,e” Marka ismaaciil yuusan iska dhigin nin dan soomayliyeed wada waa dhurwaa aamusan kuna faraxsan waxa somaliya ka socda wabilaahi towfiiq.

  4. Ahmed Taajir says:

    Madaxwayne Ismacil khalif cumar geele hadalkiisa jirirco buu iga kiciyay waana mid wadaniyiin badan ay aad ugu riyaaqeen walaahi Dowlad rer jabuuti iyo dadkeeba waa ognahay sida aan anaga uga naxayno in ay ayagana uga damqanayaan dhibkaas waayo waxaynu nahay dad isku qowmiyad ah ,

    Madaxwayne Ismacil Halyeeygii afrika , Ugaaskii Soomaalida Waxaan ka jeclaan lahayn inaad adiga talada inoo qabato si heerar sare oo aad jabuuti u gaarsiisan dalkaagi labaadna aad u gaarsiiyo Waxa hadalkaan iga keenayo waa qudbadiisa sida ay qofka damiirka leh u dareemayo aadna u macayn ahna mid aan ka sugaynay

    Somali talk hadaan usoo gudbo Websiteka kali ah ee u taagan Dadkaan waa idinka Maalin walba waa soo galaa si aan ogaado iney warbixinadii muhiimka ahaa ee uga bartay iney soo geliyaan .
    Kun iyo kow jeerba waan idin mahadcelinayaa , Aqoonyahanada dalka jabuuti ku shiraya waxaan rajaynayaa inuu idin ahaado shirki ugu danbeeyay ee nabadeed aad ku qabataan jabuuti oo uusan jiri doona shir kale insha alah ooo Dalkiina aad nabad waaarta kusoo daabaali doonta qayr iyo baraarana u horseedi doontiin insha alah .

  5. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waa arrin Cusub ee ay wataan labada cadaw ee aan filayo in ay soomaali leedahay oo kala ah:

    – Ismaaciil Cumar Geelle, iyo
    – Mile Sanaawi
    Haddaba, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu digayaa in si taxadar leh u wajahaan arrinta uguba ah ee la doonnayo in mashruuc cusub laga dhigto.
    Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in Taageero hiil iyo hooba leh siiyaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Aqoonyahanada ah ee dalkoodii dib ugu noqday si ay Hoggaanka dalka u qabtaan ee dhawaan ayaga faraha loo geliyey Xukuumada Cusub ee dalka Jamhuuriyada Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Sheekh Shariif (Xafiduhu Allaah), ayagoo u howl galay in ay badbaadiyaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee walaalahood ah ee la marin habaabiyey, si ay isku gacan qabtaan ayagoo heshiis ahna dalka u hormariyaan.
    Sidaa darteed, ina geelle waa in Dititoor ah, dalka Djiboutina oo aan filayo in yaha Gobolka ka mid dalka Somaliya oo asaga ka faa’iideystay dowlad la’aanta dalka Soomaaliya, caalamkana isku tusa nin dadka Soomaaliyeed wax u qabta ayadoo la ogsoon yahay in uu danahiisa gaarka ah iyo kan reerkiisa ku fushada, sida uu asagaba sheegay, kan Itoobiya waa la mid.
    Haddaba, shacbiga Soomaaliyeed waa in ay taageeraan Dowladdan hadda dshisan, kana saxaan meelihii ka khadan, kana feejignaadaan had iyo jeer wixii hadda ka dambeeya Mu’aamaraadka dahsoon ee dibadaha looga soo abaabullo, waana in dib ula soo laabtaan Dowladnimadiinii iyo Sharaftiina waxaan idin rajeynayaa Horumar iyo Guul.

    Allaa Maha Leh

    A. Abanur

  6. Cabdullahi says:

    Aad bay u mahadsan yihiin shucuubta reer Jabuuti. Qaasatan Madaxweyne Geelle waa Soomaali dhab ah. Shirka Aqoonyahanada ay ku dharaadhirinayaan mushkilada dalka Soomaaliya ku habsatay waa arin ugub ah. Waxaana oran karaa waa ay lasoo daaheen.Xaqiiqdii haddii aqoonta loo noqdo runtii waxaa cagta la saaray wadadii xalka. Waxaan u rjeeynayaa ineey soosaaran khariidadii xalka mushkilada 20-jirsatay laga daalacan lahaa. Eebe idinkii markan waxaa la abbaaray, baan is-leeyahay, toobiyihii ee ku dhiirada inaadan ka daalin, kana feejignaada kuwa qalaad iyo Soomaliba leh oo markasta xagal-daaciya wadiiqa kasta oo lagu baadigooyo xal kama dambeeysa.

  7. abdirisaq says:

    Jabuuti shirbaa ka socdamid dastuur waa ka horreeyey, skandaneefiyanka mid iyo labo ayaa ka socday mareekan midbaa hadda ka socda Nairoobi maalin dhaweyd ayuuu ka socday.
    Laada yaabyayey xagge wax u socdaan xaggese wax loo wadaa?
    Intaas oo sano oo shir ah wax yar oo natiijo ah maxaan uga arki weyney?
    kolley qof xanunsan waa lo talo badsan jirey mid uun kheyr qaba allaha nagu hagaajiyo.

  8. said says:

    ilaahay ha ka abaal mariyo walalkeen ismacil cumar geelle.