Home » Faallo »

Maxey Hay’adaha Qaramada Midoobey ka qabtaan Soomaaliya?

Dr. Huseen Cali Cilmi

Tan iyo markey dhacday Dowladdii ugu dambeysay Soomaaliya ee uu Jeneraal Max’ed Siyaad Barre uu madaxaweynaha ka ahaa Janaayo 26, 1991 waxaa Soomaaliya maamulanayey Hay’adaha UN-ka iyo kuwa shisheeye(UN Agencies & Foreign NGOs). 1993-dii Hay’adahaasi waxay kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-Ababa waxayna sameeyeen dalad ay ku magacaabeen Somali Aid Coordination Body (SACB), daladaan waxay muujineysaa in ay u dhisan tahay qaab dowladeed oo ah sdatan:

1) UN Political Office For Somalia (UNPOS), hadba ninka mas’uulka ka ah waa Madaxweyne Sharafeedka Soomaaliya (Ceremonial President)

2) Humanitarian Coordinator = Ra’isul Wasaare awood leh (Powerful Prime Minister of Somalia).

3) UNDP Counter Director= Wasiirka Maaliyadda.

4) UNOCHA Counter Director= Wasiirka Qorsheynta Qaranka.

5) UNICEF Counter Director= Wasiirka Waxbarashada, Caafimaadka & Biyaha.

6) WFP Counter Director= Wasiirka Beeraha.

7) FOA Counter Director= Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

Inta kale ka qiyaas qaado, sidaa aawadeed wixii deeq iyo deyn Soomaaliya loogu talagalay gacantooda ayay ku dhacdaa mana rabaan inay Soomaaliya ka dhalato dowlad ka talisa min Lowya Cadde ilaa iyo Raas Kiyaambooni, sababtuna waxay tahay haddii dowlad ceynkaa ah ay dhalato waxay weynayaan hantidaasi wasaaradaha kala duwan loogu talo galay oo ay iyagu maamulaan, si aysan taa u dhicin waxay isku dayaan in ay cuuryaamiyaan dowlad kasta oo dhalata, lagana bixi maayo mushkiladdaasi ilaa la helo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo khibrad u leh damac xumida hay’adaha aan kor ku soo xusnay.

Tusaale muujinaya qaababka ay u bah dilaan siyaasiyiinta hogaanka sare ee dalka qabta, waxaa maalmahan dhaca marka uu yimaado madaxa UN Political Office for Somalia (UNPOS) Ambassador Agostino Mahigo waxa uu madaxda sare ugu yeeraa in ay kula kulmaan Gegida Diyaaraha ee Muqdisho taas oo qaanuun iyo baratakool ahaan quursi iyo sharaf dhac ku ah ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Madaxda dalka, Safiirka Qaramada Midoobey sida Agostino Mahigo qaanuun ahaan waxa uu ka hab maamuus(baratakool) hooseeyaa safiirada ay Dowladaha kale ay dalkeena u soo direen ee haatan Muqdisho ku sugan, haddaba suuragal ma tahay safiiradaasi safiir ka mid ahi in uu Madaxweynaha ugu yeero in uu safaaradda yimaado, oo markaa Madaxweynuhu aqbalo in uu safaaradda ku qaabilo safiirkaasi?!!!, jawaabtu waa maya, haddaba sidey ku dhacday in Safiir ka darajo hooseeya sida Agostino Mahigo uu gegida diyaaradaha ugu tago?, taa waxaa u sabab ah iyadoo Madaxda sare ee dalka aysan laheyn la taliyayaal aqoon u leh qanuunka caalamiga ah.

Hay’adahani waxay isbaaro u dhigtaan deeqaha dalka loogu talagalay, tusaale shan nin oo Talyaani oo FOA Somalia mas’uul sare ka ah waxay lunsadeen saddexdii sano ee ugu dambeysay sanadkii tagay ee 2009 lacag dhan $40 Milyan US Dollar, Victoria Kangoliti oo isna Talyaani ah wuxuu hor taagnaa mudo 12 sanadood ah in Xoolaha Soomaaliya loo iib geeyo dalalka Carbeed isagoo ku tilmaamay in Xoolaheena ay qabaan cudurka Rift valley, wuxuuna horey u lunsaday $20 Milyan oo Doolar oo Xoolaha Soomaaliya loogu talagalay, sanadkaan aynu ku jirno waxa uu magaca Soomaaliya ku soo qaaday adduun dhan 4 Milyan Euro ah oo dhiganta $7 Milyan oo Doolar, Victoria kangoliti, African Union qaybta Xanaanada Xoolaha waxa uu si xaaraan ah ugu fadhiyaa kursiga Soomaaliya waxaana hortiisa ka babanaya calanka Soomaaliya waxaa arinkaasi gacan ku siinaya wax ma garato Soomaali ah oo qaarkood mas’uuliyad ka soo qabtay Soomaaliya iyo dhuuni qaatayaal.

Waxaa xusuus mudan sidii Fircoon uu u dili jiray Wiilkii reer Banii Israa’iil u dhasha ayaa Hay’adaha UN-ka saqiirnimada ku dilaan dowlad kasta oo Soomaaliya u dhalata, waxaase meesha ka marneyn in Soomaaliduna iyana lug weyn ay ku leedahay burburka dalkeeda sida maahmaahda Soomaaliyeed ay sheegeyso (Godinyahay ima goyseen haddaan gabalkey kugu daabneyn).

Ugu dambeyntii Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badanee, aanse dooneyn inaad heshaa daa’in ebedkaa), waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa (Qawda maqashii waxna ha u qaban), xikmadahaasi qofkii caqli leh xog badan ayuu kala bixi karaa.

Dr. Hussein Ali Elmi
Chairman of Somali Young Politicians League
&
Former Presidential Candidate
Email: som_ytl@yahoo.com
Mogadishu-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Maxey Hay’adaha Qaramada Midoobey ka qabtaan Soomaaliya? "

  1. ACWB:Dhamaan walaaha islamka ah.arinkaa uu ka hadlay Dr waa arin wanagsan Somali haynu nahay waxaa inna dilooday qabiil iyo musuq iyo eex.Waxaan xusuustaa markii ay dawladi ka jiri jirtay somaliya dee waxaannu ahayn dal iyo dad jira,imika wecaday wax aynnu nahay iyo halka aynu is dhignay waxaan illahay weydiisanayaa in ummadani dad daacada u keeno qabiilka inagga saaro.

  2. wadani says:

    Waxaa Iigu yaabka badnaa in shirkii Embagathi lagu qabtay. Ay si buuxda u maamulayeen dowlada zenawi iyo Moi/Mbaki. Waiterska cuntada keenaya waxay ahaayeen naaga xabashi ah. waxaa la ii sheegay dhowr nin oo Soomaalinimo laga dareemay in la dilay. cidka hadsahana malaha. waa cabsadeen ilaa la doortay Cabdullahi Yuusuf iyo Geedi oo ahaa laba nin oo la watay, shacab Soomaaliyeedna ma dooran karaan wax mana dooran doonaan hadaan Eebe faraj furin. Waxaa la ii sheegay in Nairobi Ay ka shaqeeyaan Haydadahaas 800 oo qof intubana waa ajaanib. Asian, African iyo Cadaan. Nin Soomaali ah oo la shaqaaleeyey hadaad aragto, waa shaabadaysan yahay ama waa faro ku gabad. waxaase taa kasii daran ninkii hayadahaas ay arkaan inuu Wax ka sheegi rabo ama fahmo in ay ku dilaan dil qorshaysan. Waa la haystayaal ragii hayadahaas ku shidan lahaa ee Soomaliyeed, Haday hadlaan waa Af salax ku dheg oo ah in hoos ama qabriga looga yeedho. Soomaali waxaan anigu hada ku magacaabaa Next Palestine. marka bad iyo domain iyo waa wax basiid ah dhulkiinii baa for sale ah idinkuna qabiil iyo qurun iyo gobolaysi iyo buufis sponsor baa la idinku mashquuliyey. qaranimadii,qaninimadii, quruxdii , qaayahii aad lahaydeen quursi , qaxootinimo, qabiil iyo qoqob baad ka doorateen. umadi Eebe ma dooriyo hadaynan iyagu naftooda is doorin!!!!. Allow Soomaali u gargaar cadowgeedana ka qabo. aamiin

  3. maxamed says:

    waa ku mahadsantihiin sida aad u faafinaysaan dhabta laga qariyey ummadda
    hohey haddii laynala ogaanlahaa !!!

  4. Osman says:

    asalamu calaykum.
    khayr allaha idin siiyo.
    Waxaanse dhihi lahaa lax waliba meesha ay is dhigto ayaa lagu qalaa.
    Addunka waxaa jiri jirey dawlad Somaliyeed oo leh awood xukun oo account ku leh caalmka iyo credit rating wax loo yaqaan ama heer aaminaad taas oo ay Somalia awood u lahayd inay deyn iyo deeq waxay doonaan caalmka kaga qaadan jireen.
    Tii ayada ahayd annaga oo aan waxba hubsan ayaan burburinay.mid kale marki aan dhisanno aan niraahna muran iyo aniga wax la ima siin ama annaga reer hebel ah ayaan qanacsanayn iyo hebel aan meesha ka saarno ayay sheekadeenni ku kooban tahay.Kolley dheg wax naloogu kala sheegayana meesha kama madhna.
    Markaannu haddaba dadnimo iska baadhno oo dalkeenna iyo danta dadkeenna iyo sharafteenna soo celinteeda ka hormarinno danaysi khaas ah iyo qabyaalad ayaannu rag iska dhicin doonna.Taas oo aan haddeer ii muuqan.Inta ka horreeysa sidaasaa lafaheenna loo feenan doonaa magaceennana loogu qaraaban doonaa.

  5. Cumar says:

    Salaan kadib aad ayaa u mahadsantahay Dr. Hussein Ali Elmi walahi waa xanuun aan dawo laheen lkn hadii ay somalida ay isdhigeen dulka cidi kama qaadeyso sax
    warkaasi inuu wax ka jiraaan waxaa cadeenaayo hayadaha ka jira gudaha dalka waxaa loola dhaqmaa iney yihiin madaxda wadanka waxey wataan ilaalo aad u badan waxey leeyihiin guryahay ugu quruxda badan waxey kaxeystaan baabuurta ugu quruxda badan

    dhalintii wadanka laheedna bada iyo saxraha libiya ayey ku dileen yurubna bey janadii uga dhigeen

    somaliya cidna uma maqna ceelna uma qodna

  6. aad baad u mahasantihiin somalitalk&qoraagaba, waxaase waxaas oodhan anan ulayaabeyn ,SOMALI MEESHAY ISDHIGTEY BAA LAGU GOWRACAY,WALALAYAALOW WAAN ARAGNAA MUSIIBADAAN`E.XAGEE LAGA QABTAA WAA ARIN U BAAHAN BARAARIJIN BADAN IYO INTAA WAXGARAD&WAXGALABA INEY U ISTAGAAN,SOMALIYA MAANTA WAXA HAREY WAA DADKA JIRA 40+WAA INTA MAANTA GARANEYSA SOMALIYA WAXA LIYIRAAHDO ,QIIMAHA DOWLANIMO,INTA AY NOOLYIHIIN HADAAN DOWLAD DHAB AH LA HELIN SHEEKADU INTAA WEYKA WEYNAAN,ANIGA ARAGTIDEYDA.ALAAH HAYNA BADBAADSHO

  7. unka waa hay.adda ka mas.uulka ah burburka soomaaliya marka laga yimaado usa

  8. Asad says:

    Marka hore waxan salamayaa dhamaan bahweynta warfaafinta soomaaliyeed oo ay ugu horayso Somalitalk,
    Tan labaad ilahay ajar haka siiyo qoraaga baraarujinta weyn ee uu soomaalida la socodsiiyey waxa jira soomaali badan oo aan intaas iyo in kabadanba war u haynin sida u sheegay qoraagu hay’daha musuqmaasuqa midoobay(UN) waa isbaaro hortaala soomaaliya horu markeeda.
    Hadalkayga waxaan kusoo gaabinayaa Soomaaliyeey tasho cidna kuma maqna ceelna kuma qodne.