Home » Announcements »

Taratankii 18aad ee Ciyaaraha Gobolada oo ka furmay Magaalada Garoowe

Waxaa Magaalada Garooowe oo ah Magaala Madaxda Maamulka Puntland  ka furmey Tartanka 18 aad ee Ciyaaraha Gobolada oo Muddooyin aan la qaban arrimo la xiriira Nabadgelyada waxaana lagu wadaa in tartankaan uu ka duwanaado Tartamdii Hore maadaama ay ka qaygalayaan Ilaa 15 Gobol oo kala ah Bari, Nugaal Sanaag , Sool , Mudug , Galgaduud , Hiiraan, Shabeelada Dhexe , Shabeelada Hoose , Baay, Bakool , Geddo, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gobolka Banaadior  Waxaan Gobolada Loo qaybiyey  5 Kooxod  waxaa Tartankaan ka Maqan Gobolada Waooyi Galbeed , Togdheer iyo Awdal waxaana lagu waramey in lagu martiqaadey Tartankaas balse ay diideen

Halkan ka daawo sawirada Ciyaaraha

Magaalada Garoowe oo haatan u muuqata Mid ay buux dhaafiyeen Ciyaartooy kala socota Gobolada Dalka iyo weliba Taaageerayaal ayaa waxa ka mid ah Dadka lagu Casuumey Tartankaas Kabtankii ugu Horeeyey ee Soomaaliya Maxamed Aadan Khalaf Shangole wuxuuna horkacayey Ciyaartooydii ka socotey Gobolka Shabeelada Dhexe oo iyagu Safar Dhulka ah marey

Tartankaan oo uu soo qabanqaabiyey Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa waxaa uu la kaashadey Maamulka Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Maamulkaa Cabdiraxmaan Faroole iyadoo Maamulkaas uu u diyaargaroobayey Mudo aad u dheer

Madaxweynaha Mamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka Hadley Furitaankii Tartankaas ayaa sheegey in Puntland ay farxad u tahay in ay martigeliso Gobolo intaa le’eg wuxuuna u mahadceliyey Xirirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo uu sheegey in la’aantood aan la qaban lahayn Tartanka Ciyaaraha Gobolada sidoo kale waxaa ka Hadley Furitaankii Tartankaas Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe oo isna u mahadceliyey Maamulka Puntland wuxuuna si gaar ah ugu mahadcelieyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo uu sheegey in uu dadaal u galey Taaba gelinta Tartanka Ciyaaraha Gobolada

Gobolada ka qaybgalaya Tartaankaas ayaa inta badan waxay ka yimaadeen Gobolada ay maamulaan Xarakada Shabaab Mujaahidiin waxayna Ciyaartoodeyda ay inoo sheegeen in ay ogolaansho ka haystaan Xarakada al Shabaab waxaana Ciyaartii ugu horeysay Tartankaa lagu furey  Gobolada Shabeelada Hoose iyo Nugaal waxaana 1-0 ku badiyey Xulka Gobolka Nugaal

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.