Home » Warar »

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Khudbad uu Ka Jeediyey Xiritaankii Shir weynaha Afraad ee Naadiga PEN

“Fartan Soomaaliga Ah ee Jadiidka Ah ee Dh owaan Dunidu ku Soo Biirtey, Ha Isugu Yimaadaan, Haku Bahoobaan, Hore Ha Ugu Maraan, Haku Shaqeystaan…”

Xaflad lagu soo xirayo shir weynihii afraad ee Naadiga Qalinleyd iyo Hal- abuurka Soomaaliyeed oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Md, Idiris Arnaa’uud Cali, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Dalka Jabuuti Md, Dileyta Maxamed Dileyta, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda, Xildhibaano, qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada qalabka sida, marti sharaf kala duwan, xubnaha Naadiga PEN oo ka kala yimid Mareykanka, Yurub, Geeska Afrika iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku nool caasimada dalka Jabuuti ayaa lagu qabtey Guriga Ummadda ee caasimadda dalka Jabuuti 12/12/2010.

Xiritaankii Xaflada shirweynaha afraad ee naadiga PEN ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Gudoomiyihii hore ee Naadiga PEN Prof Maxamed Daahir Afrax, Gudoomiyaha Cusub ee Naadiga PEN Aadan Xasan Aadaan, Prof Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo xirey xaflada ayaa wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirta habka ilaalinta Afka Soomaaliya, horumarintiisa, mas’uuliyadda saaran  qoraaga Soomaaliyeed, xoojinta Naadiga PEN

“berigii hore intuunnan muquunin Faransiiska  Afafka dhulkan, carabiga ayaa la isku af-garan jirey, waxaa la oran jirey naadiga carabta, dadd isku ra’yi ah, isku dan ah oo hawl wada wata, natiijo ka dooneysa ayaa isugu yimaada, dadkaasi waxaa la yiri Qalinley, Bah baan isugu uruuriney baa la yiri, bahduna baahay wada leedahay, oo wey midowdaa, fikirka dadka qoraaga ah ee fartan soomaaliga ah ee jadiidka ah ee dhowaan dunidu ku soo biirtey, ha isugu yimaadaan, haku bahoobaan, hore ha ugu maraan, haku shaqeystaan, hala jaan qaadaan dadka kale, ha is-muujiyaan…”

Khudbada Madaxweynaha oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/geelle_pen.mp3]

Shirweynahan afraad ee Naadiga PEN ayaa wuxuu ka  furmey guriga Ummadda 09/12/2010, intii uu socdey shirweynahan ayaa waxyaabihii la iskula soo qaadey waxaa ka mid ahaa,  Dood cilmiyeedyo, Suugaan wadaag, Akh-riska bandhig buugaageed iyo doorashada Gudoomiyaha cusub ee Naadiga PEN.

Furitaankii iyo xiritaankii shir weynahan ayaa waxay ahayeen kuwo ku bilowdey xamaasad, islamarkaana ku dhamaadey xamaasad, wasiirka warfaafinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta dowlada Jabuuti Md, Cali Cabdi Faarax oo furey shirweynaha 09/12/2010 ayaa khudbad xamaasad leh ku furey, waxaa kale oo lagu soo bandhigey suugaan isugu jirta, gabayo, geeraaro iyo dhaanto.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Akh-ristayaal, haddii allaha awooda leh uu inoo ogolaado, maalmaah soo socda ayaan idiinku soo gudbindoonaa qaabkii iyo sida uu u dhacey shirweynaha afraad ee naadiga PEN isagoo dhameytiran

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.