Home » Warar »

Ing Sidow Xasan Mahdi: Waxaa Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay sameeyaan Guddi soo baara Tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya


10-ka Desember waa maalin uu caalamka u aqoonsadey maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Adduunka iyadoo taasi jirta ayaa waxaa Xafiiskiisa Shir Jaraaid saakey ku qabtey Gudoomiyaha Ha’yada Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn Ing Siidow Xasan Mahdi wuxuu sheegey in Hayadiisa ay ururrisey Tacadiyo fara badan oo ka dhacay Somaaliya 20 kii sanno ee ugu dambeysey kuwaas oo uu shjeegey ijn ay isugu jiraan Dil, Dhaawac Kufsi , Barakicin, Hamjabaad iyo Xabsi

Ing Siidow Xasan Mahdi wuxuu sheegey in tacadiyadaas looga bixi karo iyadoo la helo Dowlad Soomaalieed oo u guntada Dhowrista Xaquuqda Aadanaha oo uu sheegey in Soomaaliya ay tahay  xiligaan, Xiligii  xumaa tacadiyada ka dhanka ah   Xaquuqda Aadanaha  wuxuu kaloo uu sheegey in Hayadiisa ay sameeysey barnaamijyo dadka loogu wacyi gelinaayo sidii looga hortagi lahaa Tacadiyada mar kasta soo noqnoqda kuwaas oo uu sheegey in ay Caqabad ku noqdeen in soomaaliya ay hesho Dowlad loo dhan oo wax ka qabata arrimaha Xaquuqda Aadanaha

Gudoomiyaha Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn isagoo ku hadlaya magaca  Hayadaha kalla ah Wanla weyn, Wwhrdo, Iniskoy, Isha ,Kahro, Hiwa, Soyopdo,Sohriden , Odoyaasha Dhaqanka , Culamadiinka , Dadka laga Tirada badan yahay wuxuu ugu baaqey Dowlada Federaalka , Ciidamada Amisom iyo kooxaha ka soo hprjeeda Dowlada in ay dhowraan Goobaha ay ku sugan yihiin Dadka Rayidka ah si looga hortago in ay dhacaan Tacadiyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha sidoo kale wuxuu ugu baaqey Ururada Dowliga gaar ahaan Qaramada midoobey in ay magacaabaan Guddi soo ururiya Tacadiyadii ka dhacay soomaaliya 20 kii sanno ee ugu dambeeyey sidoo kale wuxuu ugu baaqey Shacabka soomaaliyeed ij ay ka shaqeeyaan Dhowrista Xaquuqda Aadanaha isago sheegey in haddi taas la helo ay soomaaliya Mar kale Cagaheeda isku taagi doonto sidoo kale wuxuu ugu baaqey Hayadaha Gargaarka in Mucaawino la soo gaaraan dadka waxteelada ka soo gaartey abaaraha ka jira Gobolada Dalka

Dhinaca kale Wakiilka soomaaliya ee Qaramada Midoobey Augostine Mahiga ayaa ugu baaqey Dowladda Federaalka in ay sameyso gudi soo ururiya Tacadiyada ka dhaca Soomaaliya oo uu sheegey in waqtigaan ay mareyso meeshii ugu xumeyd

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.