Home » Warar »

Xarunta Abuubakar Minneapolis oo Barnaamijyadeedii dacwada ha kisay Barafka daraadii

Asalaamu Calaykum Waraxmah

Ilaahay ayaadkiisa waxaa ka mid ah, aayaad kowni ah ama ayaad makhluuq ah, oo binii aadamku mudanyihiin inay ku cibra qaataan. Roobka ilaahay oo Naxariistiisa ka mid ah,  ayaa deegaanada qaarkood soo da’a, isagoo baraf ah. Arintaas waa arin mudan in lagu waan toobo laguna cibro qaato, illaahay awoodiisana loo hogaansamo. Muslimiinta  Minnesota ku nool ayaa barafkaan xasuusiyey haduu socdo maalin iyo habeen kale wuxuu noqon karaa halaag ama xabaal nololoodin ama duugmid, guryaha laga bixi kari waayo inay daaqadaha iyo albaabaduba xirmaan, sidii ummadihii naga horeeyeyba loo halaagay. Habeenkii Sabtida December 11, 2010 ayaa baraf ka bilowday Minneasota, wuxuuna socday ilaa habeenkii danbe ee Axada, Barafkaas ayaa sababay inay xirmaan wadooyikii oo dhan, gaar ahaan wadooyinka yar yar ee xaafadaha dhexmara. Sidoo kale waxaa xirmay wadooyinkii soo galayey Guryaha iyo meelaha gawaarida la dhigto. Reer Minnesota ayaa lahaa barafkaan wuxuu nasoo xasuusinayaa 1991 oo barafka dhacay uu gaarayey in ka badan 30 inches, barafka da’ay hada ayaa gaaraya 20 inches sida ay tabinayaan warbaahinta Minneapolis.

Barafka ayaa sababa in Masaajida, Shaqada, Iskuulda, ganacsiga la aadi kari waayo iyo Shilal iyo dhaawacyo farabadan. Xarunta Abuubakar ayaa joojisay dhamaan barnaamijtii ka baxijiray. Sida: Duruusta, dugsiyada quraanka iyo barnaamijyo kale oo fara badan, marka laga reebo in lagu tukanayey salaadaha jamaacada oo qaar kamid ah la jamcinayey. Sidoo kale telephone-ka 612-871-8600 Ex:1  lagala socdo Masaajidka Salaadihiisa iyo Macluumaadkiisa ayaa lagu duubay in guryaha la joogo oo xataa salaadaha lagu tukado, iyadoo looga gol leeyahay yaraynta khatarta ka imaan karta  barafka.

Xarunta ayaa ogaysiinaysa dhamaan Muslimiinta reer Minnesota in Xarunta aysan ka jir Bari oo Axada wax barnaamij ah iyo dugsi midna. Salaadaha waa furan yahay waa la imaan karaa, waxaase xaruntu ku talinaysaa in xaalada barafka la qiimeeyo oo haday kalifto guryaha lagu tukado.

Sawiradaan hoose waa sawiro xarunta laga qaaday Sabtidii iyo Caawa oo Axada  muujinaya barafka iyo xadkiisa. Sidoo kale sawiradu waxay muujinayaan, baabuurta Xarunta taalay iyo sida barafka uu u qariyey iyo qaar kamid ah ducaada reer Abuubakar oo xaaqaya barafka, si ay ugu suura gasho Muslimiintu inay soo galaan Xarunta Abuubakar.

Barafkii Minnesota 2010

Maamulaka Xarunta Abuubakar

aaic@abuubakar.org

<embed type=”application/x-shockwave-flash” src=”http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf” width=”288″ height=”192″ flashvars=”host=picasaweb.google.com&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Fsomalitalk3%2Falbumid%2F5549661310360982177%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US” pluginspage=”http://www.macromedia.com/go/getflashplayer”></embed>

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.