Home » Warar »

Magaalada Muqdisho oo laga Xusey Maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Dunida

sandkan 2010 ayaa ah: Dhimasho 872, Dhawac 1921, Kufsi 14, Afduub 22, Jirdil 451

Maanta oo ku beegan 10-ka Desember 2010 waa maalin loo asteeyey maalinta Xaquuqda Adanaha waxaana Munaasbad lagu xusayey maalinkaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxayna ka dhacdey Hotel Ambasadoor waxaana Munaasbadaas soo qaban qaabiyey Hayadda Center for Democracy and Human Rights oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan CDHR waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey Hayadaha qaabilsan Xaquuqda Aadanaha,kuwa Waxbarashada , Dhalinyarada , Culama’udiin , Ururada Haweenka , Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka

Sawirada Halkan ka daawo

Munaasabadaas waxaa ugu horeyn ka Hadley Gudoomiyaha Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Wanla-weyn Ing Sidow Xasan Mahadi wuxuuna sheegey in soomaaliya aya tahay beelaha ugu xadgudubyada Badan marka la fiiriyo Dunida inteeda kale wuxuuna u soo jeediyey Shacabka soomaaliyeed in gacan ka geystaab sidii looga hortagi lahaa Xadgudub yadaas

Waxaa kaloo Munaasabadaas ka Hadley Gudoomiyana Majmaca Culimada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow wuxuuna sheegey in Xadgudbyada ka jira Soomaaliya looga bixi karo iyadoo si dhab loo qaato ku dhaqanka Shareecada Islaamka waayo ayuu yiri Shiikh Axmed Dhcisow Diinta islaamka ayaa noo tilmaameysa in aan cidna lagu xadgudbin

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha ee dhinaca Baniaadanimada Drs Sahro Maxamed Cali Samater waxayna sheegtey in soomaaliya aysan jirin Cid ilaalineysa Xaquuqda Insaanka waxayna ugu baaqdey Dowlada Federaalka in ay sameyso Guddi Xaquuqul insaanka ee soo ururiya Tacadiyada ka dhaca Somaaliya ee loo geysta dadka aan waxba galabsan
Munaasabad iyadana lagu xuseyey Maalnka Xaquuqda Aadanaha ee Dunida ayaa waxaa qabtey Hayadda COGWO waxaana ka qayb galey Mauuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada

Baaqa Caalami aha oo ay si wadajir ah u soo saareen Dhowr Hayadood
,
Maanta oo ah 10 December 2010 oo ay ku beegan tahay waa maalinta Xuquul Insaanka oo laga xusaayo dunida oo dhan, waxaa halkan baaq ka soo saaray Hey’addaha kala ah:-

SOHRIDEN, CDHR, WWHRDO, KAHRO, INISKOY,Bahda Waxbarashada, Hiwa, Culuma’udiinka, Dhalanyarada, Daladda Ururada Bulshada Rayidka EX-Benadir, Ururada Haweenka, Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somalia qeybteeda Bani aadannimada.

Dhamanatood waxay halkan baaq si wadajir ah ugu soo saareen ugu hadleen dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomalia gaar ahaan Muqdisho wuxuuna Baqqooda ahaa

1. In laga joojiyo dhibaatooyinka lala beegsado Bulshada rayidka Soomaliyeed.

2. In Dawlada, Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda ay joo jiyana duqeymaha ay la beegsanayaan bulshada rayidka.

3. In la helo xal dib u heshiisiin ah si loo dhameeyo dhimaatooyinka ka dhanka ah xadgudubyada.

4. In Dawlada ay u saarta Guddi u qaabilsan ilaalinta Xuquul Insaanka.

5. In Hey’adaha u dhaqdhaqaaqa arimaha Bulshada loo ogolaado inay dib ugu shaqa bilaabaan Wadanka si loo caawiyo Bulshada Rayidka.

Dhacdooyinka la aruuriyey sandkan 2010 ayaa ah: Dhimasho 872, Dhawac 1921, Kufsi 14, Afduub 22, Jirdil 451.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
EMail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.