Home » Warar »

Furitaanka Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya waa mid lala soo Daahay Waxayna ahayd in mar hore la furo

Waxaan dhawaan Magaalada Muqdisho Safaaradeedii dib uga furatey Dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay hase yeeshee labaatankii sanno ee Dagaalada ka jireen Magaalada Muqdisho waxaan marnaba la xirin Safaarada Dalka Liibiya oo ilaa iyo hada ka furan Magaalada Muqdisho taasoo wax badan u qabatey Shacabka soomaaliyeed ee Dagaalada Daashadeen waxayna Safaarada Liibiya ku shaqeyneysey Xaalad aad u adag iyadoo taasi jirto ayaa waxaa dadka qaar ay dhalileen Furitaanka Safaarada Jabuuti ee Magaalada Muqdisho waxayna sheegaan in ay tahay mid lala soo daahay

“Maadaama aan nahay dad walaalo ah reer Jabuuti waxay ahayd in aanba la xirin Safaaradooda “ayuu yiri nin Aqoonyahan ah oo intaa raaciyey “Dowladda Jabuuti waxaan uga abaal haynaa shirarakii dib u heshiisiinta ee lagu qabtey dalkooda waana mid aanan hilmaami doonin balse waxaa geesinimo ahayd in Safaradooda ee soomaaliya aan albaabada loo laabin sida Safaarada Dalka liibiya

Xaflad lagu furayey Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya si heer sarena loo soo agaasimey ayna ka qabygaleen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Faderaalka , Dibolomaasiyiin iyo Wafdi ka socdey Dowladda Jabuuti ayaa waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho iyadoo inta aana la furin Safaarda waxaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Warqadihiisii Aqoonsiga ka gudoomey Safiirka Dalka Jabuuti u fadhiyi Doona Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ka dib waxaa uu Danjiraha uu ka Hadley Xaflaadii lagu Furayey Safaarada Jabuuti wuxuuna sheegey in Furitaanka Safaarada ay ku timid markii uu amar ku bixiyey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geele si ay Safaarada u Caawiso Shacabka Soomaaliyeed oo muddo 20 sanno u ku soo jirey Dagaalo iyo Qalalaase wuxuuna Safiirka ugu baaqey Dowladaha Caalamka in ay Safaaradahda ka furtaan Magaalada Muqdisho

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdulaahi Ooomaar wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyey Dowladda Jabuuti isago sheegey In Furitaanka Safaarada ay tilmaan u tahay sida Dadka reer Jabuuti iyo Dowladooda u daneynayaan in soomaaliya ay nabad ka dhalato waxaana Calanka Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya si wada jir ah u taagey Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdulaahi Oomaar iyo Danjire Dayib Dubad Rooble waxayna u mahadceliyeen intii ka soo shaqeysey Furitaanka Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Dalka Jabuuti wuxuu ahaa Dowladii martigelisey Shirkii Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya 2009 waxaa xiligaa Madaxweyne loogu doortey Shiikh Sharif Shiikh Axmed waxayna dadka qaar ay sheegeen in xiligaa ay habooneeyd in dib loo furo Safaarada Jabuuti si ay astaan ugu noqoto garab istaaga Dowladda Shiikh Shariif waayo ayey yiraahdeen Xiligii Madaxweynaha uu ka ahaa dalka Cabdulaahi Yuusuf waxaa dib loo furey Safaaradii Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya taasi waxay Calaamad u ahayd Taageeradii Itoobiya ee Dowladii Cabdulaahi Yuusuf

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amin khasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.