Home » Warar »

Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo Isniintii lagu toogtey Fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliiska

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntey Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ka dib markii uu si ula kac u diley Askari kale oo ay ciidamada ka wada tirsanaayeen

Gacan ku dhiiglahaan oo la so qabtey 15/6 /2010 ayaa waxaa uu dliey Dable Shaafici Abshir Cali waxaana Maxkamad la soo taagey 20/6/ 2010 hase yeeshee xilgaas waxaa loo baahdey Marqaatiyal dhameystiran waxana dib loogu celiyey Xabsiga

Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Nuur Axmed Shire ayaa mar kale Maxkamada lagu soo celiyey waxaana uu qirtey inuu diley Shaafici Abshir Cali iyo Marqaatiyaal gaaraya ilaa Saddex qofood sida laga soo xigtey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida

Saakey ayaa Eedeysanhaas lagu toogtey Fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliiska ka dib markii ay saxiixeen Madaxda Sare ee Dowlada waxaana ka soo qaybgaley Dadweyne fara badan oo daawaneyey sida loo tooganayo eedeysanahaas sidoo kale waxaa eedeysanahaas toogtey Ciidamo fara badan oo ka tirsan Xooga dalka soomaaliyeed

Dilka eedeysanaahs ayaa loo Cuksadey Aayado ka tirsan Quraanka Kariimka iyo Qodobo ka tirsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliya iyadoo goobti uu dilka ka dhacay ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka soomaaliyeed oo ka mid ahaa Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General Cabdikariim Dhaga badan sidoo kale waxaa joogey Dhaqtarkii Hubin lahaa in Eadeeysanaas ay nafta ka baxdey waxaana Sawirada ku arkeysaa Dhaqtarka oo ku foorara ninka la toogtey

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo shir Jaraaid qabtey ayaa sheegey in Xukunada noocaan oo kale ay Maxkamadu bilowdey mar hore balse kan uu yahay midkii ugu horeeyey ee ay fulisey wuxuuna uu baaqey Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadan Falaka noocan oo kale Shacabkana ugu shaqeeyaan si cadaalad ku dhisan

Dhanka kale Hayada Culimada soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Xukunkaa dilka ah ee lagu fuliyey Askari ka tirsan Ciidamada Qalbaka kuna tilmaamey mid Geeesinimo leh oo lala soo daahey

Shiikh Nuur Baaruud aa ka tirsan Hayadaas ayaa ugu baaqey dhalinyarada Soomaaliyeed in aya ka digtoonaadan Dagaalada loo adeegsanayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo Isniintii lagu toogtey Fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliiska "

  1. qabiileeste says:

    Cadaaladdu hadday bilaabantay wali maad maqasheen shabaab oo askari keeda ah toogatay? mise iyagu waa mal.ig oo danbi ma gaystaan?