Home » Warar »

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Booqasho ku tegey Dalka Kuweyt

Dr. Cabdiraxmaan Faroole: Puntland waxaa ku Nool 3 Milyan qof oo ay ku jiraan dad ka soo Barakacay Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo u baahan in la Caawiyo. ..

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Kuweyt waxaana ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka kuweyt Ambasadoor Cabduqaadir Shiikh Amiin, ku xigeenkiisa Cabduqaadir Suufi Maxamed ( Muriidi Golof ) iyo Soomaalida ku nool Dalkaas.

Madaxweynaha DGPL Faroole ayaa waxaa la sheegey in uu Casumaad ka heley Shirkad lagu magacaabo Kuweyt Energy oo dooneysa in ay Shidaal iyo Macdan ka baarto Deegaano ka tirsan Puntland, wuxuuna markiiba kulamo la qaatey Madax ka tirsan Dalka Kuweyt iyo Hayadaha Khayriga ee ka jira Dalka kuweyt oo ay isla soo qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka reer Puntland sidoo kale waxaa la isla soo qaadey sidii Dowladda kuweyt u hormarin lahayd Garoomadda Diyaaradaha ee Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyo sidii loo soo saari lahaa Khayraadka Dabiiciga ee Deegaanada Puntland.

Waftiga Puntland ee booqday Kuwait waxaa ka mid ah wasiirka Aarrimaha Gudaha DGPL Genenal Cabdullahi Axmed Ilkajir; Agaasimaha Batroolka Ciise M. Dhollowaa iyo Agaasimaha Hey’adda Daryeelka Bulshada Cashakuur Maxamuuud Guray.

Madaxweynaha DGPL Dr. Faroole wuxuu sheegey in Dhulka Puntland uu yahay midka ugu Badda Dheer Dhulka Soomaaliya islamarkaana wuxuu sheegey in uu yahay mid Deris la ah Dowladaha Carbeed isagoo sheegey in Maamulkiisa uu soo dhaweynayo in Shirkadaha Carbeed ay Maal gashan karaan.

Cabdiraxmaan Faroole waxaa Casuumaad qado ah u sameeyey Safiirrka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuweyt Cabduqaadir Shiikh Amiin waxaana ka qaybgaley Casuumaadaas Jaaliyadda soomaaliyed ee ku nool Dalka kuweyt wuxuuna Faroole uga Mahadceliyey Danjiraha Casuumada loo fidiyey wuxuuna uga warbixiyey Xaalada Deegaanada Puntland oo uu sheegey in ay yihiin kuwa ugu nabdoon Soomaaliya kana Tirsan Dowladda Federaalka isla markaana waxay mar kasta ay ku howlan tahay sidii looga shaqeyn lahaa Maslaxadda ummada Soomaaliyeed.

Puntland waxaa ku nool Dad gaaraya 3 Milyan oo qof oo ay ku jiraan dad ka soo barakacay koofurta Soomaaliya kuwaas oo u baahan in la Caawiyo si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii la soo gudboonaadey ee ka soo gaarey dagaalada soo noq noqdey ee ka jira Koofurta Soomaaliya weliba waxay u baahan yihiin Goobo ay ku noolaadaan Shaqooyin loogu abuuro” ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegey in sababihii loo aas-aasey Maamulka Puntland ay ahayd markii ay sugi waayeen Dowladii Dhexe ayuu sheegey in dadka deegaanka ay tashadeen isla markaana ay dhisteen Maamulkaan oo uu sheegey inuu horumar gaarsiiyey Dadka ku nool Maamulka Puntland

Hadalka ka soo yeerey Cabdiraxmaan Faroole ee ku aadan sheegashada in Puntland ay ku nool yihiin 3 Milyan qof ayaan jirin Cid tira koob ku sameysey Deegaanada Puntland balse dadka Aqoonta u leh Puntland ayaa ku tilmaamey in hadalka ka soo yeerey Faroole uu yahay mid lagu doonayo in lagu helo Macaawino dheeraad ah iyagoo sheegay in tirada uu sheegay Cabdiraxmaan ay tahay mid laga bad badiyey oo aan ku saleysneyn Xaqiiqda jirta

Maamulka Puntland waxaa maalmahan ka jirey dilal lala beegsadey Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaas , Nabadoono iyo dad kale ilaa iyo hadda maamulkaas waxba kama qaban dilalakaas soo noq noqdey isagoo Maamulku uu ku celceliyey in ay wax ka qabanayaan waxayna mararka qaar ku eedeeyaan Dilalkaas in ay ka dambeeyeyaan dad ka yimid Koofurta Soomaaliya balse waxaa arrinkaa beeniyey Waxgaradka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qoraallo hore oo la xiriira Batroolka Soomaaliya:

FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya

DFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi.

Kuwait’s KEC signs illegitimate agreement with Somali Warlord

Shirkadda Range Resources oo Si Kulul u Cambaaraysay Cali Maxamed Geedi iyo Sharciga Batroolka Soomaaliya…

2007: Dalka Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda Soomaaliya?, halisna ku ah ammaanka Puntland iyo DGPL oo u jihaysatey Gooni isu Taag..

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Booqasho ku tegey Dalka Kuweyt "

  1. Hersi says:

    Warka wuu fiicanyahay, laakiin comments ka uu gadaal kaga daray khasaaro ayaa warkii halaysay,

    Walaal marka aad news qoraysid waxaa fiican in aad objective(Objective macneheedu waa in aad warka u daysin sida uu yahay adiga oo aan aragtidaada ku darin) ka noqotid, waa sida uu qorayo reexka saxaafaddu

    Waxaa isweydiin mudan, haddii aadan tirakoob adigu hayn waxa aad su’aasha u galinaysid hadalka madaxweynaha reer Puntland isagu kaa war og.
    Dhinaca male maxaa keenay in aad amniga Puntland wax ka sheegtid ayada oo laga hadlayo Booqasho Kuwait loo aday,? arrintaasi waa markii geel loo heeso goroyo u hees.

    Amniga Puntland in wax laga qabtay iyo in kalena saxaafaddu way ogtahay, mana aha wax hadda hal qof aragtidiisa ku cabiri karo

  2. farah esse says:

    Amiin Qasaare ma yahay nin ka hadli kara arimaha Puntland, nasiib daro marka horeba nin ay ku jirto Ummad naceeb siduu uga hadlaa horumarka Puntland. Ogow Puntland adiga oo kale uma istaageyso waa wey dhaqaaqday Alxamdulilaah.

  3. MEHERI says:

    PUNTLAND WAXAY NOQTEY MEEL DAD GAARA YEESHEEN OO ISKA XIJIYEEN DADKA KALE EE LA DAGA.WAXAY DOONAANBA HA SAMEEYAANEE KHEYRAADKA SOMALIYA KU JIRA MA QABO IN HADA LA SOO SAARO ILAA LAGA HELAYO DOWLAD HEXE OO ADAG WAAYO FAROOLE OO AHAAN JIREY TAXI DRIVER KUMA AAMINI KARO INUU MASUUL KA NOQDO KHEYRADKA INTAA DHAN WUXUU RABAA INUU MAALIN TAAJIR NOQDO SHAQANA DANA KAMA LAHA DADKA IYO DALKA IYO KHEYRAADKIISA,HADAAN AHAY SHAQSI U DHASHAY PUNTLAND AQOONA U LEH ODEYGAAN AAN XISHOONIN RAALI KAMA NIHIN HESHIISYADUU LA SOO GALAYO DADLALKA SHISHEEYE EE KHEYRAADKEENA LAGU BILI LIQEYSANAYO.MIDA 3 DA MILLION EE KU NOOL PUNTLAND WAA DHICI KARTAA WAAYO OROMADA KALIYAA 250 KUN AH KKKKKK WAXAYNA CADOW U ARKAAN MAAMULKA FAROOLE IYO CAWAANTA TAAGEERTA SHACABKA SOMALIDA EE KONFURTA KASOO CARAREY WAXA DADKA DILA WAA ISLA REER PUNTLAND MARKAAN RUNTA USII DAGTANA BEEHSA HARTIGA DHEXDOODAA FULIYA FICILADA QARAXA IYO DILALKA LAAKIIN WAXAA DUSHA LAGA SAARAA SOMALIDA KONFURTA ADUUN SAAN SII AHAAN MAYO IINSHA AALLAH

  4. Magan says:

    Somalitalk waad ku mahad santihiin newska aad noo soo gudbisaan haddaanu shacabkii nahay.
    Anigu shaqsi ahaan waxaan oran lahaa (Warkii jiraba cakaaruhuu iman)