Home » Warar »

Muqdisho: Wasiirro Dalka ku soo laabtay (cod, sawirro iyo qoraal )

Wasiirada xukuumada cusub qaar ka mid ah ayaa Sabtidii muqdisho soo gaarey xilli xarunta madaxtooyadana ay ka socotay dhaarinta golaha xukuumada uu soo dhisay raiisal wasaraha DFKMG Farmajo ,waxaana imaatinkooda ku soo aadey xilli xildhibaanada golaha barlamankuna ay ku heshiiyeen meelmarinta ansixinta golaha wasiirada..

Dhegeyso wasiir ka mid wasiirada soo laabtay

Wasiiradii Sabtidii kasoo degay Garoonka Aadan Cade Airbort ayaa waxa kamid ahaa, Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr. Max’ed Macalin Xasan Max’ed iyo Dr Max’uud Sheekh Xasan Akhi oo ah Wasiir dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Halkan ka daawo Sawirada

Wasiradaan ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey madaarka magaalada Muqdisho qaar ka mid ah madaxda dowlada KMG iyo marti sharaf kale. Waxayna halkaasi qabteen shir jaraid iyaga oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada socdaalkooda.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo  suxufiyiinta kula hadlay gudaha garoonka diyaradaha ay cago dhigtaan ee magaalada muqdisho ayaa bulshada fariin ugu dhiibay bahda warfidiyeenka wuxuuna xusay in uu dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii xil loo magacaabay wuxuuna balan qaaday xaalada amaan iyo la dagaalanka sharci darida.

C/shakuur  ayaa u mahad celiyey madaxdii iyo dadkii kale ee sida sahrafta badan u soo dhaweeyey waxana lagu galbiyey markii danbe tiro gaadiidka dagaalka oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan ciidamda dowlada fadaralka KMG kuwaas oo qeyb ka haa xubnaha loo diyariyey in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu wax ka qaban doono musuq maasuqa ka jira dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in uu xooga saari doono wax ka qabashada amniga Soomaaliya.

Dhanka  kale madaxdii garoonka shirka jaraidku ku qabatay ayaa waa ka mid ahaa Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr. Max’ed Macalin Xasan Max’ed, isaga oo tilmaamay in marka uu xilkaasi ku wareego uu xooga saari doono sidii ummadda Soomaaliyeed uu uga saari lahaa dhibaatada ay kala kulmeyso badda . wuxuuna so dhaweeyey talaabadii maanta mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku ansixiyeen Xukuumada uu ka tirsanyahay.

Gaba gabadii ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa kula hadlay Saxaafada Dr Max’uud Sheekh Xasan Akhi oo ah Wasiir dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, isagoo sheegay in uu ka soo qeyb galay kulan Qaramada Midoobay ay soo qaban qabisay oo looga hadlayay dareyeelka Bulshada, waxaana uu carabka ku dhiftay in diirada saari soonaan wax ka qabashada daruufta haysata bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho Somalia

Muuse Maxamuud Jiisow
0699907666 0615576666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.