Home » Faallo »

Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 39 sannadood

Wareegga Labaad ee Difaaca Badda Soomaaliya ee la doonayo in la boobo… SII AKHRI…

Qorshaha Cusub

Arrimahaas xiriirka ah ee HALKAN ku xusan waxay gogol dhig u yihiin qorshaha cusub ee la doonayo in lagu xalaalaysto qayb kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo markale laga faa’iidaysanayo xukuumadda cusub, isla markaasna la adeegsanayo erayada ay ku hadleen madaxda DFKMG ee Soomaaliyeed sida: “Badda Soomaaliya ma laha cabbir sugan, iyo erayo la micne ah.” Kaddibna lagu xejiyo in laga saxiixo dukumiinti muujinaya in DFKMG ay ka tanaasushey xeerkii badda Soomaaliya ee soo jirey 39 sano (LAW #37). Taasi haddii ay u hirgashona markaas la yiraahdo xuduudka badda Soomaaliya waxa uu xeebta ka durugsan yahay 12 mayl. Markaas kaddib wada xaajood cusub laga furo xuduudda badda Soomaaliya si qayb baaxad weyn loo goosto.

Arrimahaas marka la isku soo duubo, oo loo dhaba galo, sababaha keenaya in hadda la yiraahdo “waxaa dib u habayn” lagu samaynayaa dhul-badeedka Soomaaliya, waxay salka ku haysaa:

  1. In dib loo furo wareeg cusub oo wada xaajood oo markaas 200nm territorial waters lagu soo koobo 12nm.
  2. In “dib loo agaasimo aagga ganacsiga ee EEZ” macnaha kale oo ka dambeeya waa in la yiraahdo markii hore Soomaalidu ma lahayn aag ganacsi ee EEZ. Taasi waxay keeneysa in aan wax dembi ah ama qaan loo raacan shirkadihii iyo dalalkii ku xadgubdey badda Soomaaliya 20-kii sano ee dawlad la’aanta, oo ay ku doodaaan badda ay sharci darrada uga kalluumaysteen ama sunta ku duugeen in ay ahayd badda caalamiga ah, oo ay dhahaan ma ahayn ma ahayn dhul-badeedka Soomaaliya.
  3. In markaas “dib u habayn cusub lagu sameeyo aaggaas EEZ” oo markaas lagu bixiyo shatiyo cusub iyo kiro hor leh.
  4. In Soomaalida laga jaah wareeriyo in aysan sheegan xuduudka cusub ee loo kordhinayo dalalka xeebaha leh, xadka xusub oo ah oo gaaraya 350nm

    SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 39 sannadood "

  1. Noor Wadani says:

    ASCWW

    Badda nala ka dhacayo iyo dawladeheena loo soo marayo musiibooyinkay ka mid tahay. Eebow Farmaajo iyo dawladiisa ka dhig tii badbaadisa diinta, dadka, dalka, badda iyo barrigaba. Inaan u istaagno badeena iyo xeerkeena No 37 waa waajib! Somalitalk, Jazaakumullah!

  2. geesguud says:

    WAY KA BADBAADI SHIRQOOLADA GUDA IYO DIBADBA LOOGA MALEEGAAYO DOWLADAN INSHA ALLAH
    MANA NOQON DOONTO KUWII HORE OO KALE

    Asc waad salamantihin dhamantiin salaan kaddib
    waxaan rajenayaa in ay xukumaddan cusub kabad baadi doonto dhib kastaa oo lala damacsan yahay umadda Somaliyeed iyo Dhulkeedaba insha all Dhaarta ay kudhaarteenna ilaah kama dhiga dharihii hore ee beenta ahaa
    Haddii aad ogaan laheedeen Ceebta iyo foolxumada ay ku danbeeyeen kuwii beenta kudhartay. Nin danbe oo damiir iyo iimaan leh mar danbe raaci maayo kuwii hore wadadooda
    Sida ilaah uceebeeyay ama cuqubada ugu riday Hogamiya kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii hore
    AAWAY?
    MOORGAN
    BARRE HIRAALE
    INDHACADDE
    QANYARE
    YALAXOW
    DABAGEED
    MAXAMED DHERE CAATO
    XUSEEN CAYDIID
    SHAATIGADUD
    KIISH BUR
    SEERAAR
    ADEN MADOBE
    XAAFSADE
    CABDULLAHI YUSUF
    GEEDDI
    NUUR CADDE
    IWM
    iga raali ahaada haddaan qaar hilmaamay
    intaas mar danbe haddaad maqashan cid xataa DOORO udhiibato i tuur tuura
    WALLAHAY QOYSKEYGA HAL MADAXWEYNE,RA,ISUL WASARE, WASIIR , WASIIR KUXIGEEN IYO WASIIRO DOWLO KUMA LAHAN DOWLDDAN
    Haddana wan taageersanahay Dowldaan waayo waxaan kahelay Hananka Dowliga ah ee ay dhaqsadiiba u abaartay mushkilada
    Wali maad maqasheen Ra,isul wasare kahadlaya amanka Booqday Askarta Amaanka xooga saaray
    waayo Askari waddan kale kuu dhiman maayo Amisom waxay mushaar uqaataan 1000$ MEESHA SOMALIGA uusan mishaar qadan
    Amisom waxay rabaan waligood inay joogaan Hadduu dhinto Askarigooda 100,000$ ayu qaadan
    waxa aan kujecladay Ra,isul wasarahan taas ayuu arkay
    Mucaawino nalasoo gaara adduun waynahana muusan dhihin ee waddankeenna TEKEDDA MUQDISHO IYO AIRPORKA ayaan Askarteenna iyo shaqalaha ka biileenaa ayuu yiri

  3. GEESGUUD says:

    Waad mahadsan tihiin bahd Somalitalk inta kddib
    Dalkaan illaa 20 sano ayaa laguraayey waxa haray wa wax yar waana Qorsho degsan oo loogu talo galay waxana loo adeegsaday kuwa damiir laawayaal ah oo dadkiisa ah
    Qof kastoo Somali ah waajib ayaa kasaaran wixii awooddiisa ah iyadoo lala kashanayo Dowladda,Baarlamanka.
    waayo cidda kaliya ee wax ka qaban karto waa iyaga
    Adinka waxaad kahadleesiinn Bad ee Dadkii ayaaba hadda qatar kujira Kii raba inuu waddan kale tago ama shaxad uraadsado waa inuu Dhowr qof sii kaxeeyo oo dhahaa waa argagixiso ama Sawir mayd sii qaataa oo uuu dhahaa waan dilay
    Meesha aan hadda kasoo qoraaya farintaan 50km meel ii jirta Haama ama Fuustooyin ayaa yaalla wax kujirana lama yaqaan koley waa Sun
    Somalina ha ogaato haddii aysan taageerin Dowladeeda waxaan iyo wax kaxun ayaa dhici
    Dowlad xun waxay dhaantaa Dowlad la,aan
    cidwalba ayaa marqaati ka ah

  4. Cumar says:

    Asc, qoraal iyo oraah midna kuma koobi karno mahadda aan SomaliTalk u heyno, sidoo kale dadka ay ku weyn tahay difaaca xad badeedkeenna.
    Waxaan leeyahay maya ka badbaadimeyso xukuumadda Formaajo shirqoolada waayo xaaladaha is bilay weyba ka tun weyn yihiin damacii hore:
    1.Wadaadka meesha ugu sarreeya waa shaqsi madaxweynimo sheegta kii ugu horeeyay oo taageera murangelinta xad badeekeenna, inuu ku khaldamay arrinkaa oo ka diba uga noqday lama hayo caddeyn.
    2.Barlamankii shalay mowqifka waddaniga lahaa maanta nin xaalkiisa la ogyahay ayaa ku habsaday loo tiiriyo inuu ka mid yahay canaasiirtii hore ee dhaca u garbinaysay.
    3. Isku deyga labaad waxaa is-kaabaya inkiraadii xeerka xadbadeedkeena shirkii Istanbul, Xirfadda Norway, ballan qaadka xogheynta barwaaqa sooranka ee Kenya, waxa ka yeeray safiirka noo fadhiya Umadaha midoobay, qolooyinka riixayay ansixinta xukuumadda cuusub iyo qaabkii loo ansixiyayba.
    Dhanka kale waa HAAA, xukuumadda Formaajo wey ka badbaadi doontaa shirqooladan waayo waxaan taariikhda ku heynaa dalal ay ceymiyeen waliba ay horumar gaarsiiyeen aqoon yahanadoodii goortii ay dib ugu laabteen. Sidaas darteed ayuu u fashilmi una hungoobi dulaal iyo malaal damiir laawe jeebkiisa la faca ah.

  5. suldanosman says:

    Asm SomaliTalk.
    runtii waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadka Somalida ah inay leeyihii dad wangasan.Oo markasta usoo jeedda xaquudda Dhulkooda iyo Badooda oo ay kamid yihii sida walaalaha SoamliTalk.Oo runtii noo ifiyay xadduuda badeena Somalia.Waxaan idiin sheegayaa dadka madaxda sheeganayaa inaysan garankarin dhulka iyo dadka Somaaliyeed ee ay matalaa,meeshana ujoogaan waxaan rajaynayaa malin malmaha kaimada in lagula xisaabtami doono.kuwii bada gatay iyo kuwa iminka tageegeeya heshiiskaas xaaranta ah.Inidkana SomaliTalk haka daalinina inaad ummada Somaliyeed usheegaysaan meesha xaal marayo markasta.Aad iyo aad ayaad umahdsantihiin.

    Suldanosman.

  6. Xassan Yare says:

    Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ammaaba arrintan aad sheegeysaan lagu kala baxay oo uu u saxiixay? BAL HALLOO DHABA GALO HADDII HADDA LAGA DABA TAGI KARO. Waxaa shaki i galiyay in shakigii oo jira ayuu afkiisa soo marsiiyay oo uu ku dhawaaqay, marka waa arrin lagu kala baxay.

  7. wiilwaamo says:

    NINBAY MEELI BUGTAA
    OTANGA Aniga Farmaajo Aderkey maha mana aqaano ee waxaan diidanahay in LA,EEDEEYO Qof aan wali latijaabin ama la buunbuuniyaa
    Qof kastoo somali ahna waan taageeri
    macnaheeduna mahan inaan Isku qabiil nahay
    Ninka aad sheegeeso Dameeraheena xataa isma Boodaan
    markaa Allaha kucafiya waad jirran tahay
    Aniga iyo Adigaba bad waxbo kama qaban karno ee arrintaas waa arrin utaal Dowlad

  8. wiil utaange says:

    waxaa ugu horeeynta salaameyaa akhyaarta somalitalk oo ah website aan wax badan ka faaiiday, qoraalka ugu dambeeyey waxaan ka dhex helay xigmad badan waxana uu si wanaagsan sharxay qaanuunkii bada ee ay lahayd somalia.

    Waxaan jawaab kooban siinayaa wiilwaamo oo aan u maleeynahayo in coompuyuuterka kusoo baraarugey markii adeerkiis muxumud farmagio loo doortay jagada. Waxana ka muuqata in uu yahay qof aan warbadan la socon- miyaadan saaxiib ogeyn sidii looga soo horjeedey kuwii hore u saxiixay heshiiska, mase waagaas computerada maba aadan gelijirin joornaaladana ma akhrin jirin Universal tv ma daawan jirin bbc voa iskaba daa, intaasba waan ka dhegeystey warar ku saabsan badda. tan dagaaloggayaasha kismaayo waa tirsan yihiin intii soo martay marka halkaas waa meel la fahmi karo, magaca safiirkana bal aan weydiino odayga guuglaha

    wiilkawaamoowa waxba ha difaacin qof aadan welificilkiisa, waxbana ha xagxagan qof dhulkiisa difaacanaya, ee adigu maxaad ula xisaabtami la dahay qolada aad sheegtay ee badda hore u iibsadey, adeerkaa ayaa hadda xukunka qabtay oo dawladii ah ee u sheeg si uu ula xisaabtamo

  9. A.C.
    Salaanta islaamka waa waajib qof walba oo Soomaali ah in uu difaaco diinta iyo dhulka Soomaaliyeed arinta bada hala aruuriyo dadkii dowladihii hore uga masuulka ahaa ilaalinta bada iyo waxa ku jira iyo culimada si ay isku xiraan shacabka ileen dowladii difaaci laheed sidaas ayey aqoontooda u hoosaysaa si dadkaas aan soo sheegay ay caalamka ula hadlaan oo u yiraahdaan war badeena xaduuda waa sidaan walow aniga aan qabo keenya in aan hada heshiiskaas lala gali karin waayo hada anaga waan kala daadsan nahay ayagana waa dhisan yihiin marka meeshii hore aan ku dhagno ileen awal ayaa nala dhacay oo dad iyo dhul wali nalaka haystaa.

    Safiirka waxaan dhihi lahaa shacaka Soomaaliyeed ayaa xil u haysaa ayaga ayaad meesha aad joogto magacooda marka noo sheeg wax aan ku qanci karno hadii awood kaa sareeso aad ka baqeyso arinta afkaaga ka xiro.

    Mahadsanidii somalitalk iyo shacab Soomaaliyeed

    Nabadoon Abshir

  10. Togane says:

    Kama badbaadi doonto oo way ku kufi doontaa. Sabab?

    Waa xukuumad jeebkeeda maranyahay waxayna wax ka sugeysaa reer yurur oo Norway ugu horeyso. Norweyna baddii ayaa meel u taal , sidaas awgeed dowlada Faranmaajo si ay u howlgasho iskagana dhiciso cadawgeeda Soomalida ah(maadama dowlad walbo oo somali ah ay u aragto cadawgeda in uu yahay ninka Soomaliga ah ee kaga aragti duwan sida dowlada wax u wado!) waxay ku qasban tahay in ay u fuliso danta dowladahaas laga leeyahay waxay doontaba ha ahaatee. Sidaas awgeed Farmaajo dowladiisa si kal iyo laab ah ayay u hirgalineysaa isku daygan ah in la dhaco bada SOOMAALIYA (aragtideyda sidaas ayay u tustay)

  11. wiilwaamo says:

    Runtii maxuma in wax lasaxo
    Laakiin Dowladdan cusub ee aad kahadleesaan waxay kadhigan tahay Ilmo aan wali dhalan oo uurka hooyadii kujiro
    oo lagasii hadlaayo waxa uu noqoni doono
    Dowlad aan wali la,ansaxin

    Waxay ila tahay Isbaarooyinka wayadaan ladhiganaayey inaad waddaan
    Kuwii saxiixay ayaaba hadda jooga oon cidna kahadleenin
    Qof kastaa wixii danbi ah oo uu geesto halagala xisaab tamo
    wasiirada cusub ha hawlgalaan marka hore wixii danbi ah oy gestaan halaga hadlo markaa kaddib

    WAXAA HABOONAAN LAHAYD WASIIRADII IYO RA,ISUL WASAARIHII HORE EE HESHIISKAAN GALAY IN LALA XISABTAMO HADDII CID QALAD LEEDAHAY AYAGII AYAABA NOOL OO JOOGA
    AYAGA HALAGA HADLO
    SOMALIDU WAXAY TAQAAN CID INTAY QALAD GASHO IN LAGA AMUSO
    OO QOLO KALE LOO SAARO
    SHEEGA SAFIRKII HORE EE ARINTA LOO XILSARAY?
    IYO HOGAMIYE KOXEDKII AY KENYA KALA HADASHAY BADDA?

  12. a c bahda somalitalk waa wax laga xumaado waxay sameynayaan kuwii madaxda sheeganayay maxayse ka faaidayaan? marka shisheeyaha gacanta ku siinayaan boobka dalkooda ilaahoow dhulkeena yaan taako nalaka qaadin ee ilaahoow nooga hiili gaalada burcadda ah madax ku sheegtaan damiirlaawayaasha