Home » Warar »

Hay’adda SOMWA oo Ururada Bulshada iyo Saxaafadda u qabatay Siminaar ku saabsan qaabka loogu ololeyn karo dhibaato jirta

Waxaa Hotelka Bakiin 4 ee Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey siminaar ku saabsanaa Advocacy and Lobby waxaana siminaarkaan soo qabanqaabiyey Haya’adda Somali Media Women Associated oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano SOMWA Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed,waxaana ka qaybgalay siminaarkaasi ilaa iyo 30 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Suxufiyiin .

Halkan ka daawo sawirada

Siminaarkaan ayaa casharadii laga bixiyey waxay ku saabsanaayeen Qaabka loogu Ololeeyn karo Dhibaato Markaa Jirta iyo Sida loo xalin karo , waxayna Macallimiinta Casharidaan bixineysay si aad ah u lafagureyn qaabka ugu wanaagsan ee loo eego Dhibaatada ,Sababaha keeney iyo sida looga bixi karo

Maxamed Xasan Casir iyo Dr Xirsi Xaaji Culusow oo ka mid ah Macallimiintii wax ka dhigeysay siminaarkaasi mudadii uu socday ayaa waxa ay sheegeen in marka hore la derso waxa dhibaatada keeney iyo qaabka loo wajihi karo Xalinteeda waxayna sheegeen in Warbaahinta ay tahay mida koowaad ee ka qayb qaadan karto in ay Bulshada ku jiheeyaan sida looga bixi karo dhibaatada waxayna sheegeen in ay yihiin kuwio laf dhabar u noqon kara qaabka Bulshada loogu wacyi gelin Sababaha keeney dhibaatada iyo qorshaha looga bixi karo dhibaatadaa.

Dr Xirsi Xaaji Culusow oo ka socotay Hay’adda Access Consultant Firm ayaa ku dheeraadey Barnaamijyo la xiririira Sida warbaahinta u ifin karto Dhibaato Bulshada soo wajahdey iyadoo la raacayo Shuruudaha Saxaafada wuxuuna sheegey in saxaafada loo adeegsan in ay macluumaad ka diyaariso Cabasho ka soo yeertey Bulshada kadibna iyadoo mareysa Talaabooyin dhowr ah ay marka hore ku saleyneyso waxa la baahinayo ay yihiin kuwo Xaqiiqda ku saleysan.

Shariif Macalin oo ahaa xiriiriyhii Siminaarkaas ayaa sheegey in Bulshada looga baahan yahay in ay ku xirnaadaan Warbaahinta si ay isula meel dhigaan qaabkii loo wajihi lahaa ama loogu ololeyn lahaa Dhibaatada bulshada ay si aadka ah uga cabanayaan taasoo u baahan in xal laga gaaro

Casiiso Cabdi Cali oo guddoomiye ku xigeen ka ah Hay’adda SOMWA ayaa u mahadcelisey intii ka qaybqaadatey socodsiinta siminaar oo ay ugu horeeyaan Macalimiintii wax ka dhigeysey Siminaarkaas waxay kaloo ay sheegtey in siminaaro noocan ah ay Hay’ada qaban doonto si ay uga faaiideystaan Bulshada iyo qaybaha warbaahinta iyadoo intii uu socdey Siminaarkaas ay Hadalo Guubaabo ah waxaa jiidineysey Maama Suldaano kuwaas oo ku saabsanaa Casharadii la qaadanayey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.