Home » Warar »

Boqolkiiba 80% Dadka lagu dilay Muqdisho oo lagu eedeeyey AMISOM iyo DFKMG

4,260 qof ayaa lagu diley Muqdisho, waxaana la dhaawacay 12,567 qof, intii u dhaxaysan 2009-2010 –

Warbixin ay qortay jariidadda WashingtonPost oo soo xiganeysey tirakoobkii ay soo bandhigtay hay’adda Lifeline Africa oo sheegtay in dadka shacabka ay Muqdisho lagu diley labadii sano ee ugu dambaysey ay kor u dhaafeen 4,200 qof, isla markaasna ay Muqdisho ka halis badan tahay Afghanistan iyo Ciraaq.

Waxaana WashingtonPost intaas raacisay “in Muqdisho ay ka dhacaan duqayn iyo madaafiic ay isweydaarsadaan Ismaaliyiinta ka soo horjeeda xukuumadda sida Al-shabaab iyo ciidamada taabacsan Xukuumadda kuwaas oo difaacaya dhul kooban oo ay xakunto Dawladda Soomaaliya ee garabka ka haysata UN iyo US.”

Warbixintu waxay intaas raacisay in madaxa hay’adda gargaarka degdegga ah (ambulance service), Cali Muuse in uu sheegay in xooggaga taabacsan Dawladda ee isugu jira Midowga Afrikca iyo ciidamada Soomaaliya ayaa lagu eedaynayaa in ay masuul ka yihiin badanaa dhimasha shacabka – taas oo ah boqolkiiba 80%.”

“Dhammaan dadka shacabka ah oo la diley waxay u dhinteen rasaas habaw ah ama waxaa ku habsadey madaafiic iyo gantaalo,” ayuu yiri Cali Muuse, oo ah madaxa hay’adda Lifeline Africa. Waxana uu intaas ku daray “Qiyaastii boqolkiiba 80% dadkaasi waxay ku dhinteen Suuqa Bakaaraha, halkaas yool-baarka u ah ciidamada Midowga Afrika ee nabad-ilaaliyaasha ah.”

AMISOM SOMALIA

Xamar oo lagu diley 4,260 qof, waxaana la dhaawacay 12,567 qof intii u dhaxaysay 2009-2010

Maj. Barigye Bahoku, oo ah Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee gaaraya 7000 waxa uu yiri jawaab ka bixin maayo warbixinta hay’addu soo bandhigtay sabatoo ah ma uusan akhrin warbixinta, ayey qortay jariidaddu.

Jariidadda WashingtonPost waxay soo xiganaysey warbixintii ay Muqdisho ka soo saartay hay’adda Lifeline Africa oo tirakoob ku samaysay dadka shacabka ah magaalada Muqdisho lagu diley labadii sano ee u dambaysey iyo dadka la dhaawacay, kuwaas oo isugu jira Carruur, Dumar iyo Rag, sida ku qoran warbixinta hoose.

Warbixinta Jariidada oo dhamaysiran ka akhri HALKAN.

Warbixintii Lifeline Africa: 4,260 qof oo lagu diley Muqdisho, waxaana dhaawacmay 12,567 qof, intii u dhaxaysan 2009-2010

Hay’adda Lifeline Africa ee gargaarka degdegga ah ee ka hawlgasha magaalada Muqdisho ayaa warbixin ay soo saartay (November 23, 2010) waxay sheegtay tirakoobka dadka ku dhintay Muqdisho intii u dhaxaysan 2009 – 2010 tiradaas oo ah 4,260 qof oo geeriyoodey.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in waqtigaas (2009-2010) ay sidoo kale dhaawacmey dad gaaraya 12,567 qof.

Tira koobkaas ayaa u qornaa sidan:

  • FG. Tirada dadka dhintay ama dhaawaca ah ee warbixintu ku saabsan tahay waa dadkii ay qaadeen gawaarida gargaarka degdegga ah ee Hay’adda Lifeline Africa – Dabcan dhaawaca iyo dhimashada guud ahaan ka dhacday Muqdisho intaas waa ka badan yihiin, lamana samayn tirakoob guud ee waa tirakoob intii hay’addu tirakoobtay..

Dhaawaca iyo Dhimashada Sannadkii 2009:

Tirada dadka dhaawacmay ee ay qaadeen Ambulance-yada hay’adda  Lifeline Africa waxay gaarayeen  6753 qof oo dhaawacmay oo isugu jiray:

  • Carruur 1553
  • Dumar 2027
  • Rag 3173

Waxaana geeriyoodey 2089

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in isla sannadkaas 2009 ay jireen dhaawacyo kale oo tirada sare dheeraad ka ah oo gaaraya 1632 qof.

Dhaawaca iyo Dhimashada Sannadka 2010:

Laga soo bilaabo Janaayo ilaa October 2010, tirada dhaawaca ee ay Life Line Africa qaaday waxay gaarayaan 5814 qof oo dhaawac ah oo isugu jiray:

  • Carruur 1146
  • Dumar 2903
  • Rag 1765

Waxaa Geeriyoodey 2171

Waxaa intaas dheer dhaawacyo kale oo isugu jira dumar dhiig baxay, dhaawacyo mindi iyo carruur dhaawacantay oo gaarayey 1023 qof.

………………

ENGLISH VERSION:

Lifeline Africa, the emergency traffic Ambulance Service in Somalia

Statement:

Lifeline Africa activities in the year of 2009

The total wounded people we carried were 6753 and herebelow is in detail:

Wounded:

  • Children 1553
  • Women 2027
  • Men 3173

Death toll is 2089

Other Casualties including labor women, bleeding women, knife wounds and children’s wounds were 1632.

Lifeline Africa activities in the year of 2010

From January to October 2010, the total wounded people we carried were 5814 and herebelow is in detail:

Wounded:

  • Children 1146
  • Women 2903
  • Men 1765

Death toll is 2171

Other Casualties including labor women, bleeding women, knife wounds and children’s wounds were 1023.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Boqolkiiba 80% Dadka lagu dilay Muqdisho oo lagu eedeeyey AMISOM iyo DFKMG "

  1. Abucabdullah says:

    a.c.w.aaway wadadadii dhihi jiray dhiiga muslimka waa xaaraan in la daadsho,maxay uga hadli waayeen ama muxaadaraat khaas ku ah uga jeedin waayeen,mise dhiigu wuxuu xaaraam yahay kaliya markii soomaali is xasuuqdo.halaga hadlo shcabkana hala kiciyo oo halagu jeediyoAmisom iyo dowlad ku sheega.sabran sabran reer muqdisho.

  2. abdirisaq says:

    ASC.
    Haddii umadda Somaliyeed ay ismaqal lahaan lahayd, Allahoodana ka cabsanlahaayeen, qabiilka ay aamineenna ka hari lahayeen.silicaan iyo saxriirtaan ma qabsateen.
    Waa nasiib darro in kii ganacsanayey suuqa lagu toogto addunka, kii dalkiisi xataa nabad isaga joogay baroon lala dhaco. kii garoon ka dhoofayay ama kasoo degeyey lala leexdo.Kii gurigiisa iskajiifaymadfac loogu geeyo.Marka hore waxan leeyahay waxan waa cuqubo na haysata oo loo baahanayahay in aan allah weydiisanno inuu naga dulqaado annagana aan la nimaadno dadaal iyo isu jajabnaan iyo ismaqal nalooga baahanyahay.
    Arrinkaan waa iska cadyahay inuu yahay toogasho bareer ah oo lagula kacay dad shacab ah oo aan hubaysneen ayna ku kaceen ciidan loo aaminay in ay nabadda u ilaaliyaan dadkaas masaakiinta ah ee shacabka ah ayada oo aanay jirin wax kiciyey oo sabab ah oo muuqda dilkaas foosha xun.
    Haddi dawladi ciidan u soo direyso meel ka baxsandalkeeda, waxa laga filayay inay noqdaan kuwo lagu soo xulay asluubta ciiidan (descipline) iyo aqoon shaqo(professionalism) si ay u matalaan magaca dalkaas oo ugu noqdaan safiirro sharafti dalkooda huwan kana tarjuma,
    Waxaa kale oo laga filayay taliska ciidankaas ee dalkaan jooga inuu aad ula dardaarmo ciidanka si ay u ilaaliyaan haybadda iyo sharafta dalalki ay ka kala yimaadeen korna ugu qaadaan sumcadda barnaamijka hawlgalkooda.
    Waxa sidoo kale la filaya in ciidankan uu kadheeraado wax kasta oo PR-ka ama xiriirka ayaga iyo bulshada ay dhex joogaan xumaynaya si hawshoodu miro dhal u noqoto.

    Nasiib darro waxa dhacay maanta ma aha wax haba yaraate ka turjumaya inta aan kor kusoo sheegay.
    Waxankeliya ee usheegayaadawladda ku meel gaaka ah ee iyadu u yeeratey kaalmada ciidan shisheeye ee nabadda suga, isla markaana ay toos u saarantahay masuuliyadda shacabkaan dhibbanayaasha ah. in ay xaqiijiso in ay salka kasoo taabato sababta keentey ciidankaan inay ku kacaan falkaan naxdinta leh ee gurracan baaris dheerna kusii sameyso haddi ay jiraangabood fallo kale oo aanlashaacin hadda kahor. Sidoo kale waa ay guddi farsamo oo saraakiil ciidan, masuuliyiin siyaasiyiin ah iyo xeel dheerayaal lawyerro ahba usaarto baarista arrinta, la fuulidda dadki falka geystey maxkamad marsiisa ciqaabta ay mudanyihiin, isla markaasna uga raadiya magdhaw uqalma dawladdi soo dirtey ciidankaan dadki dhibkiu gaarey ee aan waxba galabsan.
    Guddigaas oo ka shaqeeyasidi loogahortegi lahaa in arrintaan iyo mid la mid ahba ay dib u dhacaan.
    Waana in xukumadda Somalia xaqiijisaa inay aragto oo ku qanacdo mandate-ka iyo rules- of-engagement ama qawaaniinta hawlgalka ayku shaqaynayaan askartaan inay yihiin qaar ilaalinaya xaquuqda iyo nabad gelyada muwaadinka Somaliyeed ee dalkiisa jooga,ayna ogaataa inay leedahay masuuliyadda wixi shacabkaas dhib ah oo kasoo gaara ciidanka ayadu ugu yeertey in ay ka hawlagalaan dalka.

  3. muraad says:

    waxaan copy udiri lahaa dadka iyo idaacadaha ku haya xarakaadka islamaiga ah inay dadka dilaan oo ay iska laayaan dhibaatadana dadka ayaga ku hayaan..
    waad ujeedaanx ataa gaaladii ayaa qirtay in dadka muslimka soomalaiyeed kuwa xasuuqa kuhaya ay yihiin gaaloada iyo kuwa keensaday..

    waxaa ila habaoon intaan kadib inaan iska dayno xaasidnimada iyo kibirka aana xaqa uhogaansano ragaas umada wax badan uqabtana aan taagerno

    maxaan ka faaiidnay AMISON iyo DFKMG?
    waxaan dil iyo madfac ahayn kama aanan faa iidin ee aan iska qabano kuwas iyo kuwa wata..
    wasalam

  4. S.Ali says:

    Inta la og yahay waa 4,200, Inta aan la ogeyn waa imisa ? Meeyey shacabkii Soomaaliyeed Ee Shalay Ka Mudaaharaadi Jirey London sida kooxda Somali Concern Group oo ay ka mid ahaayeen Eng. Yariisow iyo Duqa Magaalada Muqdisho ee taagta daran Mr. Tarzan, oo labaduba u muuqda in ay xil doon ahaayeen, balse aysan aheyn xal doon.

    Shalay Amisom and Ethiopia wey ka mudaaharaadi jireen, maantase magan iyo gabaad ayaa IGAD u ah , si ay dowladooda taagta daran 2km u xukunto. Daadin Dhiig Soomaaliyeed ayey ka doorbideen Shariifyada is dulsaaran ee magaca Sheekhyana hoos ka wata, waxaan shar aheyn kuma aysan soo kordhin Soomaaliya, warbixintan ayaana ka marqaati ah.

    Allow Soomaalida U Sahal Nabad iyo Naxariis.

  5. Cumar says:

    Asc,
    Goor kastaba mahad gaar naga guddooma shabakadda qaranka( SomaliTalk.com)sidoo kale ragga isku taxaluujiyay qoraalka xogtaan ururinteed tirakoobiddeeda iyo bandhiggeeda.
    Inta geerida iyo dhaawac aan la ogeyn Xamar kaliya ugu yaraan xisaabta raaci 10% ku dar daafaha kale waddanka meelaha laysku hardiyo 25%waxaad u geysaa dibaddaha bad weynta Indiya, gacanka cadmeed ta dhaxe (mediterranean sea) saxaraha iyo koonfur Afrika gummaadka ka jira waa imisa?………
    Geesiyada colka waxay guul modaan sida nalooga faa`idetsaty
    in dadkeenna isku go’ dalkeennuna baylah iska ahaado.
    Guuxa sii hurinta collaadda dadka dugaagoobey wali kuwa cusub ayaa intaa ka daran damacsan Alle ma idmee. Bal qiyaas adba haddii masakaxda muruqa iyo maalka colka loo isticmaalo sida haatan jirtaa caksigeeda maxaa soo baxi lahaa? hoos u eeg qorshayaasha dadka bahaloobey ee iska soo horjeeda damqashadooda waa baahida ay u qabaan dilka, dhiigg daata, dhaawac, burubur, barakac, cudur, aafo nooc kasta iyo dalka oo bad iyo berri fara ka baxa Alle ma idmee.
    Abaabul badbaado ku fadhiya si firirka haray lagu sabata bixiyo ayaa la rabaa siyaadada qarannimada u soo noqoto, geesiyaal keena nabad aan dhiig ku daadanin ayun baa laga fursaneynin helidooda.Allow sahal

  6. CIID says:

    Walahi waa arin aad iyo aad aan looga naxo, ma jirto meel caalamka dad intaa la eg ay ka dhinteen ama ay ka dhaawacmeen mudo halsano gudaheeda ah. intii ay waxyeelo ka soo gaartey ama ay ku nafwaayeen dadkii ehelkooda, walalahood ama dadkii ay jeclaayeen Allaha ka siiyo sabir iyo iimaan. haddii sidaan lagu fiirsado arintu wa ay sii soconeysaa farahana way ka baxeysa, kuwa dhibkan geeysanaya ee ah dhinacyadda kala duwan sida ; ( AMNISOM, BURUNDI, DFKM, Alshabab iyo Ahlu suna). “wa in laga tashada oo loo midooba sidii umaddan loo bad baadin laha”, Loolana xisaabtami laha kuwa dhibkan geysanaya. Run ahantii “wax la qaadan karo-na maaha”. Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaanba Soomalida ku nool daafaha caalamka waa inaynu ka banaan baxnaaa, oo aan ka midoobnaa, kana hor imaana, isla mar ahaanta inagoo gacmaha is heysna muujiyaan Mowqifka adag aynu ka taaganahay siisoconaya Dagaalkan oo anigu u bixiyey “LAFO MAROODI IYAGA AYA LA ISKU JEBIYAA” ee la doonayo anaga un inaan isku baa’ba;no, ugu dambeyntiina nala xukumo. Sidaan arxan daradda ah shacabkeena qiimaha leh loogu gumaadayo. dhamaanteen waan ognahay Dagaalkan indho la’aanta ee ka socda Somalia, gaar ahaan koonfurta, ee aan wax faa’ido ah ugu jirin. Waa in hada wixii ka dambeeyo xisaaabtan yimaada oo cid wax wanaag geysatana laga abaal mariyaa. kuwa dabiilayaasha ahna lagu qoraa buugga debiilayaasha sidoo kalena la marsiiyaa ciqaabtii ay MUDNEYD.

    Waxa arin aad looga naxo ah shirkii adis ka dhacey ee IGAD, in lagu aamaney looguna riyaaqey AMNISOM iyo BURUNDI shaqooyinka ay ka hayan Muqdisho, iyagoo an ka hadlin Shacabka iyo gumaadka lagu haayo. waxay arintasi ku tusineysaa cadaad la’aanta ka jirta caalamka QARNIGAN. Wayt mid kamid ah qeybaha ku lugta leh dagaalkan isir baa;’ibinta ah ee ka socda Muqidisho. SOOMAALIYEEY cid aan ALLE ahayn idiin ma maqna.

    Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihin Lifeline Africa dadaalka iyo energy-ga aan kala go’a lahayn ee aad ku bixiseen tirakoobkan QIIMAHA LEH, iyo howsha adag ee aad ka heysaan muqdisho, shaqadii ugu fiicna ee uu beni aadam qabto ayaad faraha kula jirtan. ee ah “bad baadinta Qof beni’aadam ah” wadna ku mahadsan tihiin sida geesinamadda leh ee aad waqtigiina, caqligiina iyo maalkiinaba aad u geliseen, waxa tihiin kuwa lagu duyan karo iyo Somalitalk oo noqotey websiteka Sida tooska ah qarnigan u Metela Somalida. 2dinuba Waxan alle idinka kaga rajeynaya inuu idin saaro miiskaan qiyaamadda wax kasta oo wanaag ah ee aad Umadda Soomaaliyeed u sameyseen.

    SOOMLIYEEY TOOSOA TOOSOO ISKU TIIRSADA HADBAKIINA TAAG DARAN TAAGEERI WELIGIIN. !

  7. qabiileeste says:

    war somali waxa dhintay iyo waxa dhashay iyo waxa dhawaca cidey uxisaabsan yahiin maleh
    tiradu inta way kabadan tahay
    Haddii aan Dowlad lahelin sidaa ayey udhiman
    maxaa loo xisaabin waayey kuwa cudurada iyo sunta malin kasto?

    SOMALIYEEY SIDAAS IYO SI KADARAN AYAAD UDHAMAANEYSAAN
    HADDII AYDAN DOWLADNIMO RAADIN
    AMA AAD WASIIR NALAMA SIIN LEEDIHIIN
    AMA AAD ISBAARADA BAARLAMANKA KAQAADEYSAN

  8. waa war naxdin leh in tiro intaas le eg oo dad ah ineey ku dhinteen kuna dhaawacmeen muqdisho ilaahoow u gargaar dadka muqdisho hana u dambi dhaafin kuwa dhibkaas geystay