Home » Warar »

Yuusuf Indha-Cadde oo daboolka ka qaaday inuu gebi ahaanba kala baxay ciidamadiisii Dowladda FKMG

Indhacadde oo sheegay in uu ka baxay DFKMG….

Yuusuf Max’ed Siyaad (Indho-Cadde) oo dhawaan sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Ururka Xisbu Islaam (garabkii hore heshiiska ula galay DFKMG) ayaa maanta (Nov 24, 2010) shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uuna daboolka ka qaaday in uu gebi ahaanba uu ciidamadiisii kala baxay Dowladda Federaalka KMG isla markaana aagagii ay ciidamadiisii ku jireen wixii haatan ka dambeeya ay faaruqinayaan, waxa uuna u soo jeediyey Dowladda KMG in halkaasi ay gaysato ciidamo maadaama ay halis kaga imaan karto kooxaha ka soo horjeeda.

Indhacadde oo xafiiska Madaxweynaha ku eedeeyey in musuqmaasuq, islamarkaasna sheegay in xukuumadda farmaajo ay ka liitato tii Cumar C/rashiid ka dhegeyso halkan (mp3)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/indhacadde_tfg.mp3]

“Dowladdu waxay nagu ballan furtay balamo badan, waxaana ugu dambeeyey kullan uu soo qabanqaabiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo uu doonayey in uu nagu dhex dhexaadiyo aniga iyo madaxweynaha hase yeeshee madaxweynuhu arrinkaasi waa uu ka baxay” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Max’ed  Siyaad (indhocadde) oo sheegay in xukuumadda uu haatan soo dhisay Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) ay aad uga liidato tii uu dhisay Cumar C/rashiid waayo wuxuu sheegay in ay lahayd ilaalo gaar ah balse midan cusub uu maleynayo in ilaalo looga keeni doono dalka dibaddiisa.

Yuusuf Indhacadde

Yuusuf Indha Cadde waxa uu sheegay in uu sii wadi doono dagaalada uu kula jiro Ururka Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo uu sheegay in ay caddow ku yihiin dalka iyo diinta iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna intaa ku daray in xafiiska Madaxweynaha uu ku lug leeyahay laalulush iyo wax is dabamarin, isagoo tusaale u soo qaatay in saddex ka mid ah shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha labo ka mid ah laga dhigay Wasiiro, mid kalana laga dhigay Wasiir ku xigeen taas oo ah midda ragaadisay hor u socodkii dowladda federaalka uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay IndhoCadde in dagaaladii dhawaan ka dhacay agagaarka Guriceel ee u dhexeeyay Ahlusunna iyo Alshabaab uu isagu qayb ka qaatay isla markaana uu difaacayey deegaan ahaan, maadaama uu sheegay in isagu ka soo jeedo deegaanadaas.

Hadalka ka soo yeeray Yuusuf Indho Cadde xili ay dowladda FKMG dagaalo culus kula jirto kooxaha ka soo horjeeda iyadoo ciidamada ka amarqaata Yuusuf Indho Cadde ay difaac adag uga jireen deegaano ka tirsan degmada Hodan, haddii uu hadalkaasi ka dhabeeyana waxay keeni karto in Dowladda FKMG awoodeedu wiiqanto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Yuusuf Indha-Cadde oo daboolka ka qaaday inuu gebi ahaanba kala baxay ciidamadiisii Dowladda FKMG "

  1. Mr farmaajo maxaa Indhcade jagadiisii ugu diidaysaa war maa ka dhigtid Wasiirka isbaarada iyo bililiqada .

  2. Al-kowneyn says:

    Rag dheh!! Hadduu dantiisa meesha kawaayay ha iskaga tago. Marka horaba daneestayaal ayey ahaayeen dhammaan siyaasiyiinta Somalia, kaligiisna maahan. waliba aniga aniga waxaan qabaa inuu asiga ugu roonyahay sababtoo ah mowqifkiisu wuu cadyahay intuu kuu dhoola cadeeyo hoosna kaa hagardaameyn maayo waxaansa kula talin lahaa inuu waxaan fara kala boxo.

  3. Osman says:

    Indhacadde ma jecla inuu mel fadhiisto waanin shaqo jecel.
    Haddaniyaddiii uu ku dagaallamayay oo ahayd inuu yahay wasiir dawlo waa waayay, sidaasna waa uga baxay dawladda.
    OK shabab iyo xisbiga hore ayay u kala dhinteen oo waa kii cagahiisa uga soo baxsadey oo u galay dawladda.
    Haddana dawladdi waa sugi waayay oo xil wasiir markuu iska waayay liiska waa u sii dul qaadan waayay intaas ka badan.
    Hal qolo ayaa u hartey wana ahlusunna nuu hooddi yiraa.
    Laakiin cillad ayaa jiri doonta taas oo ah caqiidada ay kala aaminsanyihiin asaga iyo culimada ahlusunnaoo caqiidadoodu tahay qaarnaduruqusuufiya qaarna axkaamley ashcariya /maatuuradiyah..
    waloow asagana uu lasoo bixi karo kaarka tolnimo iyo deegaan, uuna ku doodi karo bal wixi caqiido ah hannoo dambeysey dhulkeenna aan ka kacsanno nimankaan idin dhibay,oo laga yaabe, madaama ahlu sunna ayagana ay u baahanyihiin cid kasta oo ay iska xijin karaan shabab, inay is dhahaan horta ku jebiya asaga kaddibna ka taqalusa oo sidaas ku aqbalaan si taxadar ku jiro.
    Taas oo ninkaan odaga ah uu gelin doonta siriq tii abid ugu xumayd oo siduu uga soo nabad noqdo aad u adagtahay. horena dagaal shababayaa uga furmi doona gadaalna uu ka baqaayo dil iyo shirqool any time.
    Siyaasaddu waa xarkaha dhissha loo yaqaan xeedhada ee arroska waqooyi loo isticmaalo oo kale ama luuqluuqyada beeraha maze loo yaqaan. haddii aadan indho fiiqan, qalbiga feejigan, ficil kooban, iyo hadal aad looga fiirsadey ku ciyaarin waaku halaagsamaysaa.

  4. Halyey Qaran says:

    WAQTIGAAN LA JOOGO, INDHA-CADDE WAXAA UU MATALAYAA QANYARE OO JOOGA WAAGII QAB-QABLAYAASHA. MR. QANYARE WUXUU U CARARI JIREY DHANKA CALI MAHDI, DHOWR BILOOD KA DIBNA WUXUU U CARARI JIREY DHANKA CAYDIID.

    UGU DANBAYSTIINA NIN AYAA UGU MAAHMAAHAY “QANYARE WAA TANAG, TANAGNA HADBA NINKII HAYSTA AYAA GARAACDA”.

    HADAL IYO DHAMMAANTIIS ANIGU WAXAAN LEEYAHAY: “INDHO-CADDE WAA DOQON, NINKII UU LA JIRO AYAANA LAGA ADKAANAYAA”. WAAGII MAXKAMADAHANA ISAGA AYAA JABIYEY OO SIRDOON MARAYKAN AYUU AHAA.

    ALLE WAXAAN KA BARYEYNAA IN UU UMMADDA KA DHEX QABTO. AAMIIN…

  5. wiilwaal says:

    TALO UMA KORORTOW GOORMEY TALO KUU KORDHI
    waxaa layaaba in indhocadde marba meel uduulduula
    Bal haddii uu Dowladda kabaxay xagee lagu tiriyaa ama marka uu leeyahay
    waan Dagaalami Sababtee ayuu udagalami ?yaa dirsaday?
    MEESHAN WAXA JIRA DOWLAD IYO MUCARAD KEEBUU YAHAY?
    MISSE WAALIDIISII AYUU WADAA WALI