Home » Warar »

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Marxuum Maxamuud Faarax Cumar Indhabur oo Geeriyoodey

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee DFKMG,Marxuum Maxamuud Faarax Cumar Indhabur, ayaa xalay (Nov 24, 2010) u geeriyoodey magaalada Muqdisho. Waxaana marxuumka lagu aasay magaalada Muqdisho. Geerida marxuumka waxaa qoraal tacsi ah ka soo saaray madaxweynaha DFKMG, qoraalka oo u qornaa sidan:

………..

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay maalmo baroor-diiq qaran

Inaa Lillaahi wa inaa Illeyhu Raajicuun,

Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe geeriyooday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somalia Marxuum Mohamud Farah Omar Indhabur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryey inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, eheladiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24ka November 2010 ayaa Marxuumka loo sameeyey aas qaran oo ay madaxda qaranka ka soo qebygaleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa go’aamiyey in muddo seddex maalmood ah uu dalku baroor-diiq u sameeyo marxuumka, isla markaana calanka hoos loo dhigo muddadaas seddexda maalmood ah.

Marxuum Mohamud Farah Omar (Indhabur) ayaa ahaa shakhsi aqoon iyo waayo-aragnimo dheer leh, una soo shaqeeyay dalkiisa, dadkiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyey dhanka garsoorka oo uu ku takhasusay Garsoorka iyo Shareecada Islaamka.

Marxuumka ayaa ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee ugu horreeyey tan iyo markii DFKMG ah ay ansixisay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, wuxuuna dardargeliyay howlaha maxkamadda.

Dhammaad

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.