Home » Warar »

Shirkadda Diyaaradaha Himilo Airlines oo Dib u Habeyn Heer Sare ah lagu Sameeyey

Shirkadda Diyaaradaha Himillo AirLines oo aad uga barteen  in ay Xamuul idiinkaga soo qaado dalka Imaaraadka Carabta  Isla markaana Muqdisho ka qaado Xamuul (Cargo) ayaa waxaa Shir Jaraaid Xafiiskiisa ku qabtey Wakiilka Shirkadda Himilo  Airlines ee Magaalada Muqdisho Daahir Xaashi Warsame wuxuuna  ku faahfaahiyey in  dib u Habeyn lagu sameeyey Shirkadaas wuxuuna sheegey  in Howlihii dhinaca Xamuulka ee ay u hayeen Ganacsatada  Soomaaliyeed ay dib u habeyn heer Sare ah lagu sameeyey loona fududeyn doono Howshoda Ganacsi.

Mudane Daahir Xaashi wuxuu sheegey in Shirkadda  Todobaadkii  laba jeer ay Xamuul ama Cargo ka soo qaadi doonto Dalka Imaaraadka Carabta iyo Magaalada Muqdisho iyadoo uu sheegey  in Xamuulka uu noqon Doono Wax kasta oo ay Bulshada u baahan tahay oo ku saabsan Ganacsi.

Wakiilka wuxuu sheegey in Shirkadda ay Diyaarisey Qalabkii Fududeyn lahaa Daabulida Xamuulka iyo qaadista wuxuu kaloo uu sheegey  in Shirkadda ay Diyaarisey Shaqaale  loo carbiyey Howshaas oo si wanaagsan u ilaalin  doona wax kasta oo Xamul ah oo ay Diyaaradu qaadeyso ama keeneyso wuxuu kaloo uu sheegey in ay Shirkadda fulin doonto Dalabaadyada Deg dega ah ee ay

u baahan yihiin Ganacsata dooneysa in ay Xamuul ka soo qaataan dalka Imaaraadka Carabta ama u qaadaan  iyo Magaalada Muqdisho.

Shirkadda oo aad uga barat een adeeg hufan ayaa wuxuu wakiilka Magaalada Muqdisho uu sheegey in Xamuulka laga keenayo Imaaraadka Carabta iyo Magaalada Muqdisho ay u diyaariyeen Bakhaaro hantidooda loo Xafido  wuxuu kaloo uu sheegey Mudane Daahir  in ay Diyaar u yihiin In ay  Ganacsata ku soo dhaweeyaan Gacmo Furan iyadoo loo fududeeyo in Xamuulkooda Deg deg loogu gaarsiiyo hadba meesha ay doonayaan.

Sirkadda Diyaaradaha Himilo Airlines waa Diyaarad Tankeedu aad  weyn yahay islamarkaana ka mid ah Diyaaradhaa ugu caansan Dunida waxayna Dadweynaha  ugu Bishaareyneysaa in  Xamuulkooda loogu qaadi doono qiimo aad u jaban oo ay si aad ah ugu farxi doonaan

Muqdisho kala xiriir:

Daahir Haashi Warsame

00252615554422 / 00252699733000

Bulxan7@hotmail.com

himiloairlines@hotmail.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

…………..

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.