Home » Warar »

Qabyo Qoraalka Xeerka Maamulka Magaalada Muqdisho oo Lasoo Bandhigey

20 Sano Kadib Xeerkii Ugu Horeeyey Maamulka Dowlada Hoose ee Magaalada Muqdisho oo uu yeesho ayaa lagu soo bandhigey siminaar lagu soo Af-jarayo qabyo qoraalka Sharciga Magaalada Muqdisho 14/11/2010 Hoteel Panorama ee caasimada dalka Jabuuti oo ay in mudo ah ku hawlanaayeen Gudiga Mogadisho City Law .

Siminaarkan lagu soo bandhigayey Xeerkan  ka kooban 12 cutub oo marka la sii faah faahiyo noqonaya 120 qodob ayaa waxaa soo bandhigey  Xubnaha Gudiga qabyo qoraalka sharciga Magaalada Muqdisho,  waxaana goob joog ka ahaa, Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti Denjire Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe, Iskuduwaha Barnaamijyadda Wasaaradda arrimaha gudaha la wado qaramadda midoobey  Cabdiqaadir Cabdi Guutaale, Gudoomiye ku xigeenka arrimaha amaanka Gobolka Banaadir Md, Warsame Maxamed Xasan iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Cabdullaahi Maxamed Jimcaale.

Xiritaanka Siminaarka ayaa waxaa ka Hadley Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti Denjire Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan, Iskuduwaha Barnaamijyadda Wasaaradda arrimaha gudaha la wado qaramadda midoobey  Cabdiqaadir Cabdi Guutaale  iyo khabiir ka socdey dalka Ingiriiska oo ku takhasusey sharciyada magaalo madaxyada oo la yiraahdo Patrick islamarkaana ahaa la taliyaha gudiga qabyo qoraalka xeerka magaalada muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Amaanka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed “…Aad Baan Ugu Faraxsanahay Wax Qabadka iyo Shuruucda Xiliyada Fog iyo Kuwa Dhowba…”

Warsame

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “aad baan ugu faraxsanahay wax qabadka iyo shuruucda xiliyada fog iyo kuwa dhowba in dadka Soomaaliyeed loogu adeego la doonayo oo aan ku dhex jirno, innaan ka shaqeyno waan soo dhaweyneynaa, dibna waxaan ugula laaban doonaa dadkeenii muqdisho si wixii ay ku dari lahaayeen iyo wixii ay ka dhimi lahaayeenba, waana rajeyneynaa in guushaas khatino oo shuruudaas gebagebayno insha allaah…” hadalkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

Danjire  Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe “…Waxaa Loo Baahan Yahay Wixii Loosoo Qoro In La Fahansiiyo Dadka, Xil Weyn Ayaa Idiin Saran …”

Dhegeyso hadalkii Patrick

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/patrick1.mp3]

Siihayaha xilka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Danjire  Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo gunaanadkii halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo gunaanadka siminaarka, waxaan u mahadcelinayaa hawl wadeenada wasaaradda arrimaha gudaha, muhiimada ugu weyn ee sharcigan waxay tahay, sharci la’aan wax soconayo ma jiro, dhibka uu sharci la’aanta nagaarsiiyey waad ogtihiin, dadka waxaa loo baahan yahay wixii loosoo qoro in la fahansiiyo, xil weyn ayaa idiin saran, maadaama aad isugu jirtaan tiknikadii iyo dowladii oo dhan intuba, wax walba madaxa ayey ka bilowdaan, qofku hadii uu madaxa ka xanuunsan yahay, xanuunkiisu ma dhamaado jirka intiisa kale waxba ma qabankaro, magaalada muqdisho waa madaxii soomaaliya, haddii iyadu uu nidaam ka bilowdo anniga waxaan aaminsanahay, wax walba in ay nidaamkaas ku socon doonaan, shuruucdana waa waxa keliya ee lagu kala dambeeyo oo la isku tixgeliyo…” hadalkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

Marwo Faadumo

Markii uu soo gebagaboowey siminaarka ayaa waxaan wareysiyo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeelaney Warsame Maxamed Xasan oo ah Gudoomiye ku xigeenka arrimaha amaanka Gobolka Banaadir, Marwo Faadumo Maxamed Nuur oo ah xubin gudiga qabyo qoraalka Sharciga Magaalada Muqdisho iyo Iskuduwaha  Barnaamijyadda Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdiqaadir Cabdi Guutaale,

Guutaale

islamakaana ka mid ahaa xubnihii hogaaminayey gudiga Farsamo ee Shuruucda Magaalada Muqdisho

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/guutaale1_2010.mp3]

Guutaale wareysiga dheer ee aan la yeelanay halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/warsame_2010.mp3]

Wareysiga Warsame oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

Buugga Xeerka Maamulka Dowlada Hoose ee Magaalada Muqdisho, halkan ka akh-riso

Intii lagu hawlanaa Qabyo qoraalka Xeerkan ayaa waxaa lasoo gudboonaatey caqabado kala duwan, kuwaasoo ay ugu horeyso amaan derida ka jirta magaalada muqdisho iyo shaqeyn la’aanta maamuladii macmalkan ahaa ee ka hirgaley caasimadan colaadu ay maansheysey mudadii dowlad la’aanta, hase ahaatee xeerkan ayaa noqonayaa 47 sano kadib xeerkii ugu horeeyey oo la qoro oo ay yeelaneyso magaalada Muqdisho oo mudo 20-sano ah aan lahayn wax nidaam iyo kala dambeyn, inkastoo qodobada qaar xeerkan uu tilmaamayo ay muujinayaan fududeynta iibsiga Xarumo dowladeed, taasoo sii fududeyneysa shekiga iibsiga hanti Qaranka Soomaaliyeed uu lahaa oo in mudo ah la hadal hayey sida Hoteelada waaweyn ee dowlada ee ku yiil Magaalada Muqdisho qaarkood.

Maxamed Macallin Cismaaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.