Home » Faallo »

Muxadiskii Ummadda Shiikh Mohamed Naasir Diin Al-baani (1) !!!!

Masha Allaah maanta oo ah maalin Barakaysan ee Ciidul Adhxaa ayaa Allaah ii Saamixay in aan wax ka qoro Noloshii shiikheena iyo muxadiskii weynaa ee Casrigaan.

DHALLASHADIISII :

Wuxuu ku Dhashay Mohamed Nassir Diin Ibnu Xaaji Nuux AL-Najaati AL-Baanii Sannadkii 1333 H oo ku Aadaneyd 1914 M Magaaladda Ashqoodhara Caasimadda Wadanka Bariga Yurub ee AL-Baaniya .

Qoys Faqri ah oo Reer Diimeed ah oo uu hadheeyey Cilmiga Diintu, Aabihiis wuxuu ahaa Mid Diinta wax laga weydiiyo oo Dadka bara kuna Hanuuniya.

Markii Shuuciyadu Qabsatay Wadanka AL-Baaniya ayuu Aabihii u soo Haajiray Magallada Dimishiq ee Siiriya.

WAXBARASHADIISII :

Shiikhu Wuxuu Waxbarashadiisa ka bilaabay Dugsiga Hoose ee Gargaarka Deg degga ah ee kheyriyadda ee ku yiil Dimishiq , ilaa uu ku dhawaaday in uu Dhameeyo Dugsigaas, Laakiin Aabihiis ayaa ka saaray Dugsigaas oo u Bilaabay in uu Guriga wax ku baro oo uu u sameeyey Barnaamij khaas ah oo uu ku bilaabay Xifdinta Quraanka & Tajwiidka , Nahwaha & Safriga iyo Fiqhiga Xanafiga ah, wuxuu kaloo Culuum ay ka mid tahay Afka Carabiga & Diinta oo uu ka qaatay Aabihiis Saaxiibadiis.

Shiikhu Wuxuu ijaazada Cilmiga Xadiiska ka qaatay Raagib AL-Dabaakh Caalimkii weynaa ee Reer Xalab Markii uu ka waasiteeyey Shiikh Mohamed Mubaarak oo u Sheegay sida wiilkaan yare hamuun ugu Qabo Barshada Cilmiga Xadiiska, Taas buuna Shiikh Raagib markuu hubsaday uu siiyey ijaazadaas .

Shiikhu wuxuu bilaabay jaceylka Xadiiska markuu jiray 20 jir wuxaana saameeyey qoraallo uu Caalimkii weynaa ee Mohamed Rashiid Ridaa uu ku qori jiray Majallada AL-Manaar ee ka soo bixi jirtay Beyruud.

SHAQADIISA :

Shiikha wuxuu Aabihiis ka bartay Sameynta Saacadaha aad buuna ugu takhasusay ayada ayuuna ku shaqeysan jiray . Se shiikhu wuxuu u khasisay labo maalmood oo kaliya in uu ka shaqeysto ,shanta maalmood oo kalena wuxuu wax ka raacan jiray Maktabada ( libarary)ga AL-Daahiriya oo uu culuumtaa ku daalacan jiray maalintii oo idil.

SUNNDA RASUULKA SIDA AY U SAAMEYSAY SHIIKHA :

Xadiiska Rasuulka ayaa Muxadiskeena casrigan Allaah ha u naxariistee aad u toosiyey, cilmi ahaan & camal ahaanba .

Wuxuu Shiikhu u jeestay Manhajka Saxiixa aha oo ah in Allaah & rasuulkiisa kaliyah wax laga qaato, ayadoo la kaalmeysanaayo Fahamkii imaamadii Salafka Saalixa ahaa, ayadoon Ruuxna loo tacasubaynin, ee waxaa hogaaminaaya meesha uu Xadiisku la aado.

Markii Shiikhu aad u sugay tacliintii xadiiska ayuu bilaabay in uu Dadka gaarsiiyo ,wuxuuna kor u qaaday Calankii Towxiidka ,wuxuuna ka bilaabay Baladkiisii Dimishiq oo Culumadoodii oo dhanba oo uu kala dooday Arrimaha Towxiidka iyo in aan loo tacasubin mad-habna ee Xaqa la Raaco.

Shiikha markaas kama fakan Xaasidnimadii ee waxaa loo taxaabay Xabsiga hal bil uu xirnaa 1976, haddana mar labaad ayaa lagu celiyey oo uu lix bilood ayuu xirnaa.

Markii La furay Jaamicadda Islaamiga ee Madiina Munawara ayaa Madaxii Jaamicadda ee Samaaxatul AL-shiikh Mohamed ibnu Ibraahim aala Shiikh(1) ayaa Shiikha u yeeray oo madax uga dhigay qeybta Xadiiska Barashdiisa & Culuumtiisaba.

Shiikhu Markiisii Danbe Allaah ha u Naxariistee Dimishiq ayuu ku noqday haddana wuxuu uga sii gudbay Wadanka Urdun Bishii Ramadaan 1400 H haddan Bayruud ayuu aaday haddana Imaaraadka , Haddana wuxuu ku soo noqday Cumaan, Urdun .

Shiikha waxaa la gudoonsiiyey Abaalmarintii Boqor Feysal 1419 H oo ku aadaneyd 1998 waxaana loo gudoonsiiyey khidmada uu u qabtay Sunnada Rasuulka NNKH.

Waa inoo Qeybtii labaad iyo Bishaan Dhamaadkeeda Insh allaah !!!

Qoraaladdii hore https://somalitalk.com/tag/saahid/

FII AMAANI LAAH !!!
SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF
USA,,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-Mutakhasis fil Xarakaat Al-Islaamiyah.
(1)waa ilmihii Shiikh mohamed C/wahaab

Siddeed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii 20aad, badelkoodii ma helnay??? Akhri: http://www.somalitalk.com/2009/jul/04dh209.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Muxadiskii Ummadda Shiikh Mohamed Naasir Diin Al-baani (1) !!!! "

  1. daljir says:

    asc, salaan ka dib (sh saahid )waan umahad celinayaa sida wanaagsan ee uu isugu dayo in uu culimada taariiqdooda inoogu soo bandhigo, laakiin waxaad moodaa walaalkeen( hersi) iyo isaga inay wax yaroo isfahamwaa ah uu ka dhex jiro laakiin waxaan rajeynayaa inshaa-allah iney isfahmaan mahadsanidiin dhamaantiin.

  2. asaalamu caleykum yaa akhi allah hakosiyo waxadrabtid balse waxan nahay( student of adama university ) marwalba wan uu bahannayah walal tarikhda culomada ii nosodira!!

  3. sayful islam says:

    asc dear brothers in islam run ahanti hamiga inan caalim islami ah noqdo ayan laha mararka qaar aniga ayaba iska shakin jirey lakin malinti aan aqriyey imamkena albani raxmatulahi calayhi ayan iska dhadhiciyaya inan noqon karo sidisa oo kale wayo albany carab mahayn anigana african carab ah aayan ahay marka waxanba nafta u sheegay in ay ii sahlan tahay barashada diinta ee walal walbo aqriya maqalkaygan waxan ka codsanaya inuu igu duceyo si alle uu iigu fududeyo hamiga diineed aan xambaarsanahay wajazakalaha walalaka noosoo gudbiyaya maqalkan iyo dhaman inta ku xiran baraha diineed wcs

  4. Mh Mohammed says:

    ASC,, anna aan ku darsado inyar culumada uu ka soo qaatay Sheekhunaa Albani cilmiga waxaa ugu horreeyay aabihiis Haaj Nuh Najati al-Albani,, waxaa laga yaabaa haddana inaad is weydiiso yuu ahaa aabihii cilmise ma lahaa oo dhanka diinta Islaamka ah, bal asagana aan tacliiq yar kaa siiyo…
    Sheekhunaa Al albani aabihiis wuxuu wax ku bartay kana qalin jabiyey jaaamacadda Istanbul qeybta sharciyada, wuxuuna ka mid ahaa culumadii xanafiyada kuwoodii ugu waawaeynaa wadanka Albaaniya.

    Wixii kaloo culumo ah Sheekh Saahid ayaan u daaayay asagaa xadaaratul islaam iga badiya.

    Laakiin waxaan mar labaaad idin kula talinayaa culumada hilibkoodu waa sune iska ilaaliya walaalkey Hersiyow iyo Yusuf Caliyow.

    Naceybkuna yuusan idin gaarsiinin heer aad u gaftaan dad aan xataa dharkooda la gaari karin iska daa aqoontoodee, Salafiyiinta sheekhaan oo kale ahna in wax laga qaato ayaa waajib ah maahane in lagu xadgudbo waa qalad weyn.

  5. SCWXWB :
    Akhii Yusuf cali horta waxaan jeclaan lahaa haddii aad tahay wallaalkeenii Hersi ee kaa horeeyey in aadan magacaaga ka baqanin oo aad Hersi Mar labaad ku soo gasho, Haddiise aadan aheyn ka Raali noqo waanan kuu jawaabayaa anigoo jawaabta aanan meel dheer kaaga raadineynin ee Qoraalkaygii hore lee ku xusay oon kaaga soo dhex saari doono taas oo ku tusineysa in aadan Maqaalkayga akhrin ama aadan dhuuxin ee aad hal haleel ku martay!!!.
    Yuusufoow waxaad iga codsatay in aan hal Shiikh oo kaliyah kaaga sheego Shuyuukhdii Shiikh mohamed Naasiru Diin uu Cilmiga Axaadiista ka bartay??? waliba waa igu Taxadisay macnaa ( Car keen) baad igu tiri.
    Haddaan kuu keeno maxaad i dhihi oon waliba aan Maqaalkayga kaaga soo dhex bixiyo anigoon meel dheer ka keenin ????
    Waxaan filayaa in aad i dhihi doonto Shiikh Naasir Cajami buu ahaa oo afka Carabiga ma yaqaano ??? waa Shay kale oo dadka Shiikha Necebi ay ku eedeeyaan ??? se waxaan ku leeyahay Muxadisska Casrigaan Shiikh Naasir waa Baxdoow aan la Qarin karin sida Qorraxda oo kale ??? Haddiise aad Muxadisnimadiisa aad Daliil u doonto waxaad la mid tahay Ruux Daliil u doonaaya Qorraxda oo leh Qorrax maxaa la dhahaa ??? siday horay u yiraahdeen Carabtu : ( Caqligu sideebuu u keensanayaa Haddii Maalintu Daliil u baahato) !!! ama Sida Soomaalidu dhahdo wuxuu arrinku u cad yahay sida dharaartu u caday oo kale.
    Waxba yaanan ku jiid jiidin ee iga hoo Shiikhii aad iga codsatay :
    [ Shiikhu Wuxuu ijaazada Cilmiga Xadiiska ka qaatay Raagib AL-Dabaakh Caalimkii weynaa ee Reer Xalab ] marka yuusufoow ijaaza qaadasghadu waa qeyb musdalixa Xadiiska ka mid ah oo la mid ah Talqiinta ama hor fadhiisashada Macallinka marka Shiikh RAAQIB AL-DHABAAKH Ayaa shiikh u ah …. mid kale igama aadan codsan ee waan kuugu dari lahaa ….

  6. yusuf cali says:

    waxaan rabaa inaan weydiiyo qoraha faaladan ,yaa ugu shiiq ah al baani axaadiista ,yuu ku qaatay ma ii sheegi kartaa culimadaa magacyadooda ,? culimada axaadiista habkay axaadiista u qaateen wa qorantahay ,bari iyo galbeed oo dhan bay isu mari jireen sidey hal xadiis usoo qaadaan ,kan ugu yar ilaa 30 muxadisiin ayuu ka qaatay ,sida imaamka weyn ee al xafidh al dahabi ,1000 culimo ayuu ka qaatay ,ninkaan albani hal sheeq keliya ma iga sheegi kartaa uu wax kabartay? anigu waxaan qabaa ,inuu ninkaan mudhaalaco keliya inuu wax ku bartay oo uu fariisan jiray maktabadaha suuriya ee kutubta taalay ,sida maktabada ( al dahiriya? ee uu fariisan jiray ,mudhaalaco sheeq laguma noqdo ,cilmigu waa barasho laga barto dadkii yiqiinay ,jawaab ayan kaa sugayaa ,adoo baaraya noloshiisa ,risaalana waa kuu hayaa oo looga hadlay noloshiisa (xayaat al alnaani) kuma taalo inuu cilmiga ka qaatay culimada axaadiista taqaanay ,adaan kaa rabaa inaad ii sheegto meel kaliya ee uu kusoo qaadayo hal xadiis ,isagoo ka bilaabaya sanadkiisa ilaa laga gaaro buqaari ama raga sunanta qoray ,waana sida ay sameeyaan muxadisiinta dambe ka eeg ,kitaabka (al arbciin al nawawi) sidaa uu ugu soo abtirsanayo imaam al nawawi ,xadiiska ugu horeeya (inamal acmaalu biniyaati? wuxuu ku bilaabayaa isaga ,isagoo gaarsiinaya ilaa buqaari ilaa saxaabada ilaa nabigeena (s.c.w.) sidee malagu hayaa ninkaan albaani?

  7. abaa-zuhuur says:

    A/c sln guud oo ku socota walalaha dhamaan muslimiintaa,
    mid gaara walaalaha somalitalk
    marka xiga waan hiloobay oo qalbigu iruxday markaan arkay sheik mohamed naasirudiini albaani
    waxaase iga nasiib badan ragii hor fariistay
    ilaahay ha nuxariisto oo abaalkiisa ha ka dhigo jannatul firdowsa
    by abaa-zuhuur

  8. SCWXWB :
    Hirsiyoow Culumo waaweyn baad afka la gashay iska ilaali waxaa la yiraahdaa hilibka Culumadu waa sun oo lama cuni karo.
    Muxadis & Xaafidna aysan iskaga kaa Khaldamin Muxadis waa Ruux kasta oo Cilmiga Axaadiista Barta xoogana saaran sida Shiilhayna Al-Baani Raxmatulaahi Caleyhi, Xaafidkana waa kan ilaa 100 kun oo axaadiis ah Xifdisan iyo waliba ka badan.
    Marka Maash allaah Shiikh Naasir khidmo weyn buu u qabtay Cilmiga axaadiista Qarnigaan Boorkana waa ka jafay waana marag ma doonto sida aan Casharka Danbe ku sheegi doono insh alaah.
    Marka adigaa is baranbaraaya oo in aad khaldan tahay yiri Commenti-gayga soo saari maysaan se waad la soo saaray se waad is ceebeysay marka Allaah u soo noqo oo adigu xaqa faham ee ha noqonin Dameer Dhaan Raacday.

  9. Hersi says:

    ilaahoow run u hiili …kolley waan ogahay in eeydinaan commen-tigeeyga eeydinaan soo qoreyn ..waayo runta ma ogolidiin..

    Nasrudiin al-bani lama oran karo muxaddith..waayo toban xadiithna ma xifdisneyn…muxaddith-na waxaa ladhahaa qofka ugu yaraan xafdiyey boqol kun oo xadiith …midda xigta waxaa uu aaminsanaa fikirkii m.c.wahaab iyo afkaarihii laga dhexley ibn teymiya…kuwaasoo salafkii aad uga hor yimi…iyo waliba ijmaaca islaamka.

    gaar ahaan masaa,isha asuulsha diinta (caqiidada).

    hadaba yaan la oran muxadith shiikhaas hadeey qolyaha wahaabiyada saa tirina idinka haku raacina si indhola,aan ah …..wassalaam!!

  10. Ahmed says:

    Assalaamu Calaykum

    khayr Allaah ha ka siiyo diyaariyaha waa loo baahanyahay in la barto culumadii islaamka Ilaahay ha u naxariistii markaa kordhi weliba taariikhdii asxaabul madhabka ayaanu u baahanahay.Khayr Allaah ha idin siiyo.

  11. abdul says:

    Asalaamu caleykum waraxmatu’allah.
    Salaan kabacdi aad baad u mahadsantihiin bahda SOMALITALK sida wanaagsan ee aad noogu soo gudbiseen taariikhda shiikh Albaani,oo wax badan oo aan dawlado muslim ah aysan u qaba diinta,asagu uqabtay.Somalitalk hawl fiican baad wadanka u haysaan laakiin isku daya in aad wadankeenii Somalia u qabataan hawsha uu shiikh Albani caalamka Islaamka u qabtey oo kale. Aad baad u mahadsantihiin,sh/ Saahid aad buu ugu mahadsanyahay taariikhda shiikha uu noo soo gudbiyay.

  12. maxamad amin says:

    asalamu caleykum walalayaal aad iyo aad ayad u mahadsantihiin tariikhda shiika ee aad u so bandhigteen waana mid lagu dayasho mudan tariikhda shiikha noloshiisa dhan waxey ahayd run ahantii waxbarasho anagane waxaa nagala rabaa sidas oo kale insha allah mahadsanidiin bahda somalitalk

  13. Mh Mohammed says:

    ASC,, salaantaas kadib magaciisa markaan arkay AL BAANI walaahi waan danqaday wax kalana maahan kaliya waxa uu diintiisa u qabtay ayaan lagu ilaawi doonin waligiis ILAAHOW naxariis iyo naruuro qabrigiisa ku sii, waxaa xusid mudan sida uu u caddeeyey axaadiista kolay magac kale ma ugu yeeri karno ayaan filayaa muxaddiskii qarnigaan inaan dhahno mooyee, adigana Sahid ilaahay hakaa abaal siiyo dadaalka aad u gashay soo tebintiisa wuxuu ugu horreeyaa CULAMAA FAQADNAAHUM kuwooda ugu cilmiga badan leh.

  14. sulaiman says:

    Bismillah. Assalamu calaykum wr.
    walaalkeen sheikh Saahid aad ayuu ugu mahadsan yahay barnaamijkan taxana ah ee uu ka taariikheynayo culimada islamaaka.
    jazakaAllahu khayr.