Home » Warar »

Warbixin dheer oo ku saabsan Qaabkii lagu sii daayey Lamaanahii Ingiriiska

. Madaxfurasho gaaray $ million oo doolar ayaa lagu siidayey lamaanaha u dhashay UK, sidaas waxaa sheegay TV-ga SKYNews (UK)

. Markii hore burcaddu waxay sheegteen 7 million doolar, laakiin hadda waxaa la siiyey burcadda $1 million doolar, sidaas waxaa qortay THE SUN (UK)

. Burcadda waxaa la siiyey $1 million, lacagtaas oo qaar ay iska soo ururiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed, waxaana dhici karta in lacagtaasi sii martay gacanta Dawladda (FKMG), sidaas waxaa qortay jariidada Guardian (UK)


Warbixin:

23-kii Bishii October ee sanadkii 2009 ayaa Dooni lagu raaxeysto oo mareysay meel ku dhow Xeebaha Shishilis ayna saarnaayeen labo lamaane oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay kooxo burcad badeed ah waxayna la soo aadeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan meel ku dhow Deegaanka Xarardheere, waxayna mudo sanad iyo ku dhawaad ah lagu waday gorgortan iyo sidii dib ay u heli lahaayeen xoriyadoodii, waxaana lagu guuleystay in laga sii daayo gacanta kooxihii burcad badeeda ahaa.

Lamaanahaan Paul and Rachel Chandler ayaa markii la soo daayey waxay soo gaareen Degmada Cadaado iyadoo ilaalo ay ka hayaan ciidan aad u xoogan oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxayna markii ay yimaadeen xarunta madaxtoonyada ee maamulkaasi, waxaana gacanta loo geliyey mas’uuliyiinta maamulkaasi gaar ahaan Madaxewyne Max’ed C/llaahi Tiicey halkaas oo loogu sameeyey soo dhaweyn aad u balaaran, iyadoo la arkayey dadweyne aad u fara badan oo dhoobnaa iridka hore ee xarunta Madaxtoonyada kuwaas oo ku faraxsanaa sii deynta lamaanahaasi u dhashay dalka Ingiriiska.

Saakay ayaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Magaalada Cadaado, waxaana Diyaaradda ku wehliyey Dr, Cabdi Max’ed Cilmi (Xangul) iyo Madaxa Samafalka ee Sh/hoose iyo Gobolka Banaadir Maxamuuf Daahir Faarax (Qoley), markii ay soo gaartay diyaaraddii siday lamaanayaashaasi Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi isugu tagay warfidiyeeno aad u fara badan oo ka kala socday qaybaha warbaahinta ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxayna doonayeen in ay sawiro ka qaadaan lamaanahaasi, hase yeeshee warfidiyeenadii waxay caqabad xoog leh kala kulmeen Ciidamada AMISOM oo diiday in saxaafadda ay gudaha u gasho Garoonka Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada AMISOM mararka qaarkood saxafiyiinta kula kaceen falal ka hor imaanaya hawshooda, waxayna saxafiyiintu aad uga caroodeen markii ciidamada AMISOM ku sameeyeen kala sooc, iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta dibadda loo ogolaaday in ay galaan gudaha garoonka.

Ciidamada AMISOM oo aad u ilaalinayey ammaanka lamaanayaashaasi ayaa waxay markii dambe waxaa loo soo dhaqaajiyey dhanka madaxtoonyada, halkaas oo loogu sameeyey xaflad aad u balaaran, waxaana ka mid ahaa xubninhii soo dhaweeyey Ra’isul Wasaare Farmajo iyo Guddoomiyaha Baarlmaaanka Shariif Xasan, waxayna halkaasi ay kula hadleen warbaahinta qaybaheeda kala duwan, waxa uuna Shariif Xasan uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in xoriyaddooda dib u helaan labadaasi lamaane, “Shacabka Soomaaliyeed raali kama aheyn in la idin dhibaateeyo” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in lamaanahaan si xaqdaro ah loogu haystay dalka Soomaaliya, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ra’isul Wasaare Ma’xed C/llaahi Farmajo, waxa uuna dhex taagnaa xiligii uu hadlayey labada lamaane ee Ingiriiska ah, waxa uuna sheegay in afduubka loo gaystay lamaanayaashaasi ay ahayd mid ka baxsan dhaqanka Soomaaliyeed.

Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) oo ah madaxa samafalka Gobolada Sh/hoose iyo Banadir oo u waramayey bahda saxaafadda ayaa waxa uu meesha ka saaray in wax madaxfurasho ah laga bixiyey lamanaahaasi waxa uuna sheegay in ay dadaal u galeen Odoyaasha iyo Nabadoona Beesha kuwaas oo uu sheegay in markii dambe ay ku guuleystay in lamaanahaani helaan xoriyaddooda.

Dadkii kale ee ka qayb-qaatay sii deynta lamaanahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Dibad Jooga ah ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaano (HERCOS) Sheekh C/raxmaan Xuseen Samatar (Abu-Xamza), Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Human Right Ing. Siidow Xasan Mahdi, Guddoomiyaha Muqdisho Media House C/ llaahi Maxmed Xasan (Black), kadib markii ay xiriiro la sameeyeen Ugaaska Beesha Reer Xaaji Saleymaan Ugaas C/llaahi Ugaas Faarax taas oo suuragelisay in la sii daayo lamaanahaasi, waxayna u mahadceliyeen intii kala qayb-qaadatay sii deynta lamanahaasi, waxaa kale oo sii deynta lamaanahaasi soo dhaweeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan cariga Ingiriiska kuwaas oo haatan ku hawlan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen labadaasi lamaane.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hormail.com

###

Dadka kale ee Afduubka loogu haysto xeebaha Soomaaliya:

Sida ay qortay ECOTERRA, waxaa maanata November 14, 2010 xeebaha Soomaaliya afduub loogu haystaa ugu yaraan 31 markab oo ay saaranyihiindad gaaraya 568 qofAKHRI (English)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Warbixin dheer oo ku saabsan Qaabkii lagu sii daayey Lamaanahii Ingiriiska "

  1. Abdi says:

    Imaan anigaba xumaan igama aha ee waxay igatahay uun inaan isasaxno inta aynu noolahay si uuna afku inooga cimri degdegin waayo waxaa jira dhalin badan oo aan si fiican ugu helin fursad ay afkeena si wanaagsan ugu bartaan. Aadna runtuu waan u jeclahay in aynu ilaalino saxnimada ereyada waayo waxaa soo badanaya erayo badan oo aan sax ahayn marka loo eego af Soomaali ahaan. Kamana hadlayo kala duwanaanshaha lahjadda.

  2. imaan says:

    abdi sxb qofka wax wuu qaldi karaa laakiin ma ahan in aad ka dhigto wariyaha mid afsomaliga uusan garanaynin error writing ah ayaa dhici karo mida kale waxaad ogaataa wariyaha amiin yuusuf in uu yahay wariye had iyo jeer noo soo gudbiyo warbixino muhiim ah badnaana qalad kama qoraaleed kama dhaco.waa mahadsantahay

  3. Abdi says:

    Afka dalkiisii burburay isna waa burburi doonaaye. Cinywaanka sheekadu waa Lamaanihii ma aha lamaanayaashii. Afsoomaali ahaa Lamaanihii marka la yidhaahdo waa laba qof oo qudha. lamaanayaashii marka layidhaahdana waa afar qof iyo wixii ka badan oo lababa gaarkooda isu ladhan yihiin. In english it is like saying pairs when you are in fact talking about only one couple which is not correct. When you are talking about more than one couple you should say Pairs or couples.