Home » Warar »

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal University Prof. Lafole oo ka warbixiyay safar iyo shirar uu u qabtay Jaaliyadaha dibadda

Warbixin uu  jeediyay ardayda Jaamacadda Nugaal muxaadarro ka hadlaysa safarkiisa…..

Waxa caawa lagu qabtay hallka shirarka ee Jaamacada Nugaal University muxaadaro uu warbixin kaga jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Professor C/risaaq Lafoole hadaba xafladda ayaa u dhacday sidan:

Ugu horrayn waxa hadalka lagu furay aayadaha qur’aank kariimka iyo wacdi lagaga  hadlay muhiimadda tacliinta iyadoo ardayda lagu baraarujiyay in dhanka diinta aad loogu dadaalo.

Waxa barnaamijka xidhiidhinayay  Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Jaamacadda Nugaal Mudane C/laahi Yuusuf Cawil (Mr. Cawil) waxa uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Nugal Professor C/risaaq Lafoole oo ka warbixiyay safar dheer uu uu ku gaalaa bixiyay wadamo badan oo ka tirsan adduun weynaha laga bilaabo Nairobi – Madrid ilaa Minesota, safarkaas oo uu guddoomiyuhu kaga sheekeeyay guulo uu ka soo hooyay safaradiisa.

Ugu horrayn wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu lugtiisi u horraysay ku tagay magaaladda Nayroobi ee caasimadda waddanka Kenya halkaas oo uu kula yeeshay kulamo kala duwan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaa , isagoo ka xusay in ganacsatadda shirkadda Has petroleum Company oo uu mas’uuliyiinteeda kala xaajoday wax u qabashada jaamacadda nugaal iyadoo ganacsataadi ballan qaaday inay wixii ay u qaban karaan la qaban doonaan jaamacadda. Sidoo kale wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu xidhiidh la sameeyay iyo is faham (Memorandum of understading) uu la saxeexday jaamacado waaweyn ee  ku yaal nayroobi sida Kenyata University, American International University of Nayrobi, University of Nairobi etc.  waxa kale oo guddoomiyuhu uga soo gudbay waddanka Uganda oo uu halkaana kala soo sameeyay xidhidh wada shaqayn dhex maray jaamacadaha, wuxuu ku bushaareeyay in jaamacadda Nugaal ka mid noqotay jaamacado lagu casuumay shir ka dhici doona Adis-ababa Ethiopia oo loo qaban doono jaamacado ku yaal wadamada urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu ka warbixiyay shirkii Jaamacadaha ee uu kaga qayb galay waddanka Spain iyadoo jaamacadihii shirka ka qayb galay is aqoonsadeen ardaydooduna shahaadooyinkooda wada qaadan karaan, shirkaas oo a ka qayb galeen jaamacado gaadhaya 110 jaamacadood.

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in ay keeni doonaan macalimiinta Kenyan ah iyadoo hal macalin oo kenyati ahi joogto jaamacadda kuwo kalena lagu soo kordhin doono.

Qodobka kale wuxuu guddoomiyuhu ka soo qayb galayaasha ardayda uga sheekeeyay safarkisii Minesota iyadoo  uu kula kulmay jaaliyadda deegaanka ee halkaa ku sugan oo ballan qaadaay inay wax la qaban doonaan jaamacadda Nugaal.

Ardaydii ka soo qayb gashay jaamacadda ayaa su’aalo kooban weydiisay Guddoomiyaha Jamaacadda halkaas oo uu mid mid uga jawaabay si waafi ah kana haqab tiray warbixintii ku saabsanayd safarkiisa.

Jaamacadda Nugaal waxa la aaasaasay sanadkii 2004 ilaa iyo xiligaas waxay ku socotay xawli la yaab leh waxana lagu dhigaa kuliyadahan:

  1. Faculty of Islamic Sharia Law
  2. Faculty of IT
  3. Faculty of Business Administration

Iyadoo soo koraysa maalinba maalin, qiimeyn lagu sameeyaay jaaamacadaha umadda soomaaliyeed ayay ka gashay kaalinta 7aad taasi oo ahayd arin cajiib ah marka loo eego mudadii koobnayd ee ay dhisnayd.

Iyadoo ay arday ka qaaday shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor degree) ay ku heleen shaqooyin wan wanaagsan haatanna ka shaqeeyaan gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, xafladda ayaa ku soo gaba gabawday jawi aad u heer sareeeya  oo ku dhisnaa hanaan wanaagsan iyo habsami waxayna noqotay habeen aad ugu weyn quluubta inta danaysa horumarka jaamacadda Nugaal ee Laascaanood

Subeyr Cismaan Idris

Laascaanood

Subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.